WIILKII KORONTADA AHAA [Michael Faraday] Qeybta 2aad
WIILKII KORONTADA AHAA [Michael Faraday]
Qeybta 2aad
Maalin maalmaha kamid ah, saynisyahan Humphry oo kiimiko tijaabinaya ayaa waxaa ku qarxay walxihii uu isku darayay, wuxuuna waayay si kumeel gaar ah u waayay aragiisa. Si kastaba ha ahaatee, si lama filaan ah, saynisyahan Humphry wuxuu u xusuustay wiilkii yaraa ee buugga ku uruuriyay macluumaadkii muxaadarooyinkiisa, wuxuuna dalbaday in wiilkaas loogu yeero si uu ugu noqdo gacan yare si kumeel gaar ah. Hase yeeshee, hay’adda boqortooyada ee sayniska (The Royal Institute of Science) oo uu Sir Humphry madaxda ka ahaa, waxay la dhaceyn shaqada uu Michael qabanayay, waxayna Michael ka dalbadeen inuu si joogta ugu shaqeeyo. Michael wuu guursaday waxaana la dajiyay qeybta sare ee dhismaha hay’adda boqortooyada ee sayniska. Maalin maalmaha kamid ah, Michael oo nadiifiniya qolka tijaabada sayniska (laboratory room) ayuu wuxuu arkay saynisyahanno uu ku jiro Humphry oo la wareersan fahanka xiriirka ka dhexeeya birlabta iyo danabka. Markey ku daalaeyn tijaabada, ayaa si kaftan ah Humphry ugu yiri Michael, hadda waad isaga ciyaari kartaa alaabtaas. Balse, Michael waxaa ku jiray cilmi duugan oo aan banaanka loosoo saarin, iyo dhiiranaan badan.
Markii qolka tijaabada loo banneeyay ayuu Michael bilaabay inuu sameeyo tijaabadiisa dhalinta danabka iyo isticmaalka awoodda dahsoon ee qulqulka danabka. Hadduu ku guuleyso tijaabadaas, Michael wuxuu bedelayaa qaab nololeedka aadanaha oo idil. Waxaa xusid mudan, xilligaas danabka waxaa loo isticmaali jiray oo qudha qaab madadaalo sida; dhaqaajinta cirbadaha jiheeyaha iyo ifinta quraaradaha, laakiin iney tahay awood dahsoon oo wax walba dhaqaajin karta lama aqoon. Michael wuxuu soo qaatay baaquli wuxuuna ka dhex taagay xirbad weyn oo ey ku xiran yihiin xargo sida qulqulka danabka, wuxuu ku daaray danab, cirbaddana waxay bilowday iney ku wareegato baaquliga dhexdiisa. Ilbiriqsgaasna waxaa aadanaha u baryay aroor cusub, oo waxaa la ogaaday isticmaalka awoodda qarsoon ee danabka, waxaana bilaabmay hindisidda matoorada wax walba inoo dhaqaajiya sida; marwaxadaha, qaboojiyaha, feerada, matoorada iyo wax alaale iyo wixii gacan lagu sameyn jiray in lagu sameeyo awoodda dahsoon ee danabka.
Intaas kaliya kuma ekaanee, waxay haatan mareysaa in aalad walba loo isticmaalo awoodda qarsoon ee danabka. Dayax gacmeed lama sameeyeen lamana tageen dayaxa haddaan marka hore la helin awoodda dahsoon ee danabka. Akhristayaal, idiinma suurtagasheen inaad dhigaalkaan akhrisaan idinkoo aad iiga fog, haddaan Michael Faraday uusan helin isticmaalka awoodda dahsoon ee danabka. Khabarka hindisidda Michael wuxuu magaalada London ugu faafay sida dabku ugu faafo dhirta qalalan. Qof walba wuxuu afka ku hayay Michael Faraday, wiilkii korantada ee aan uskuul dhigan. Sir Humphry, wuu ka hinaasay in gacan yare aan uskuul soo dhigan uu helo wuxuu tabaneeyo sanadood raadinayay oo weli uu u arag belay si kumeel gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, taariikhyahannada sayniska waxay sheegaan waxqabadkii ugu weynaa ee Sir Humphry inuu yahay helidda saynisyahan Michael Faraday. Haddaan Humphry fursad siin laheyn Michael, waxaa laga yaabi lahaa in Michael waxba uusan noqdeen, aadanahana uusan waxba ka faa’iidin.
Saynisyahan Humphry oo ka maseersan guusha gacan yarihiisa Michael Faraday gaaray ayaa go’aansaday inuu Michael u diro warshadda sameysa dhalada si uu uga fogeeyo qalabka tijaabada oo uusan guulo cusub usoo hoyin, iyo inuu ka fogeeyo indhaha bulshada. Waxaa xusid mudan in Michael uusan aqoon u laheyn sameynta quraaradaha, wuuna ka cudurdaaraday shaqadaas. Balse, saynisyahan Humphry oo maseer uu wado wuu ka diiday cudurdaarka, wuxuuna ku yiri; Michaelow waxaad tahay mid maskax furan oo si degdeg ah wax walba u barta ee orod oo warshadda la wareeg, sidaas ayuuna Michael isaga soo khaarijiyay. Michael warshaddii ayuu la wareegay, afartii sanadood ee ugu horreysay waa ku rafaaday isagoon wax guul ah haba yaraatee aanan kasoo hoyin. Michael, si walba uu isugu dayo inuu fahmo sida quraaradda loo sameeyo wuu fahmi waayay, ugu danbeyntii shaqada wuu ka tagay—wuxuuna kasoo qaatay gabal yar oo quraarad ah—kaas oo uu ugu talogalay inuu ku xusuusto fashilkiisa.
Gabalka quraaradda wuxuu ku ritay sanduuq uu ku kaydin jiray waxyaabaha muhiimka u ah, gabalkaas quraaradda ahna gadaal ayuu ugu baxsan doonaa. Michael wuxuu bayhoof ahaado in muddo ah, sanadkii 1855kii, wuxuu bilaabay muxadarooyin saynis ah oo bilaash ah inuu siiyo da’ yarta jecel sayniska, muxaadarooyinkaas oo uu qaban jiray xilliyada fasaxa ciidaha Kirishtaanka oo dugsiyada ey xiran yihiin. Muxaadarooyinkaan waxay noqdeen joogto oo ilaa maanta waa la qabtaa sanad walba. Michael wuxuu da’ yarta usoo bandhigi jiray tijaabooyin saynis oo eysan weligood arag. Hindisidda motoorka kaas oo si joogta iskiis u shaqeeya, isagoo qabanaya waxa aan aadanuhu qaban karin, intaas kaliya wey ku filneyd in Michael Faraday uu ku galo taariikhda aadanaha, uuna ka sameeyo hanti aan lasoo koobi karin. Balse, sidaas ma’ahey sida Michael u arkayay ama uu rabay. Michael gebi-aahaan wax dan ah kama laheyn inuu maalo oo hanti ka sameeyo aqoontiisa ama magac ku raadsado. Laakiin taas wuxuu ka door biday inuu waqtigiisa uga faa’iideeyo aadanaha, oo wax walba uu maanka ku hayo uu dhaxal uga dhigo.
Lasoco qeybta xigta...
Qalinkii: Abdiaziz Arab
Comments
Post a Comment