XIIRIIRKA TURKIGA IYO MAREYKANKA OO MEESHII UGU XUMEED TAAGAN [FALANQEYN]
XIIRIIRKA TURKIGA IYO MAREYKANKA OO MEESHII UGU
XUMEED TAAGAN [FALANQEYN]
Xiriirka ka dhexeeyay Turkiga iyo Mareykanka
ayaa labadii sano ee ugu danbeysay sii xumaaday. Tan iyo markii la doortay
madaxweynaha imminka haya talada dalka Mareykanka Donald Trump waxaa soo
ifbaxayay kala fogaansho iyo isku dhac xagga danaha labada dal ah. Mareykanku
wuxuu muddo taageerayay jabhadda Kurdishka ee u dirirta gooni isku taaga dadka Kurdida—kuwaas
oo dagaal hubeysan kula jira dawladda Turkiya. Xiriirka labada dal wuxuu aad
usii xumaaday 2 sanadood ka hor kadib markii koox katirsan ciidanka qalabka
sida ee Turkiga oo daacad u ah wadaadka musaafurinta iyo magangelyada ugu nool
dalka Mareykanka Fatxullaahi Guulan ey isku dayeen afgambi ey afgambinayaan
madaxweyne Erdogaan iyo xukuumaddiisa. Turkida waxay codsatay in wadaadka Guulan
lagu soo wareejiyo si maxkamad ugu saaraan dalka Turkiga, Mareykanka wuu ku
gacan seyray arrinkaas.
Xilligii la qabqabanayay dadkii ka danbeeyay
afgambigii 2016kii ee dhicisoobay, dadkii loosoo qabqabtay waxaa ku jiray
wadaad Krishtaan ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka. Wadaadkaan
oo lagu magacaabo pastor Andrew Brunson. Brunson waa lasoo xiray isagoo lagu
eedeeyay basaasnimo iyo inuu gacan siinayay kooxaha argagixisada ah. Muddo
ayey dawladda Mareykanka daaha gadaashiisha ka daba wareeganeysay in lasii
daayo wadaadkaan Brunson, laakiin dawladda Turkiga ayaa ku dhaganaatay
go’aankeeda. Haddii wadaadkaan lagu helo danbiyada lagu eedeeyay wuxuu xabsiga
ku jirayaa ugu yaraan 35 sanadood. Mareykanka waxay isku dayeyn in Turkidu ey
wadaadka Brunson sii dayso, kuna bedelato gabadh Turki ah oo u dhaqdhaqaaqda
xuquuqda aadanaha taas oo Israaiil ku xirneyd. Gabadha waxaa lagu magacaabaa
Ebru Özkan. Ugu danbeyntii Turkida waxay xabsiga kasoo saareen wadaadka
Brunson, waxayna geliyeen xabsi guri inta laga gaarayo maxkamaddiisa. Laakiin,
talaabadaan Mareykanku masoo dhoweyn ee wuxuu doonayay in wadaadka diyaarad
loosoo saaro.
Mareykanku markuu ka quustay in si hoose
wadaadka loosoo daayo, wuxuu madaxweynaha Mareykanka iyo ku xigeenkiisaba
bilaabeen iney hanjabaad Turkiga warbaahinta usoo dhigaan—gaar ahaan baraha bulshada
twitter. Taasi markey socon weyday oo Turkigu uu go’aankiisa ku adkeystay,
wuxuu Trump bilaabay inuu cunuqabateyn ku hanjabo. Si kastaba ha ahaatee,
Turkiga waa xubin muhiim ah oo katirsan gaashaanbuurta NATO, Mareykankana waa
ku dhici waayay inuu si toos ah cunaqabateyn Turkiga ugu soo rogo. Taa
beddelkeeda Mareykanka waxay Turkiga kusoo rogay canshuur xad dhaaf ah badeecada
Turkigu u iib geeyo dalka Mareykanka. Sanadkii lasoo dhaafay Turkigu wuxuu
Mareykanka u dhoofiyay bir (steel) qiimaheeda lagu qiyaasay $1.5 Bilyan oo
dollar, iyo allamiiniyam (aluminium) gaareysa $60 Milyan oo dollar. Canshuurta Mareykanku uu kusoo rogay
badeecada Turkiga ayaa ah mid laba-jibaaran 20% canshuur ah oo la dul saaray
allamiiniyamka (aluminium) iyo 50% canshuur ah oo la dul dhigay birta (steel).
Maanta ayey aheyd markii Turkiga oo ka
jawaabaya talaabada canshuurta Mareykanka ayaa dadkiisa ku amray iney dollarka
iyo dahabka ey heystaan ku bedeshaan Liirada Turkiga si doolaarku uu suuqa uga
baxo, qiimihiisana uu u dhaco. Sidoo kale, Erdogaan oo ka jawaabaya canshuurta
xad dhaafka ah ee Mareykanku kusoo rogay badeecada Turkiga ayaa maanta khadka
teleefoonka in muddo ah kula sheekeysanayay dhiggiisa dalka Ruushka madaxweyne
Vladimir Putin—taas oo Mareykanka ka careysiisay. Lama yaqaan cidda qaadi
doonta talaabada xigta iyo waxa ey noqon doonto toona. Malaga yaaba Mareykanka
oo ah waddanka deeqaha ugu badan siiya dalka Soomaaliya inuu dawladda
federaalka ee madaxweynaheedu uu heysto baasaboor Mareykan ah ku amro in
Turkiga laga cayriyo Soomaaliya, xiriirkana loo jaro?
Iskusoo wada xooriyoo, sidaan kor soo xusnay,
Turkigu waa xubin muhiim ah oo katirsan gaashaanbuurta NATO. Sidoo kale,
Turkigu wuxuu dhacaa dhul istiraatiiji ah oo ah meesha ey isaga darsamaan
labada qaaradood ee Yurub iyo Aasiya. Kudarso, Turkigu wuxuu xuduud la leeyahay
laba dal oo colaad toos ah kula jira dalka Mareykanka waa Iiraan iyo Suuriya.
Wadamada Yurub ma ogola mana soo dhoweynayaan in Turkida laga xanaajiyo, waayo
Turkigu wuxuu hayaa in ka badan 3 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah—oo hadduu
oodda kasoo qaado waxay soo galayaan Yurub, waxaan suuragal ah in malaayiin
kale oo qaxooti ah ey Turkiga soo maraan. Sidoo kale, Mareykanka ma weerari
karo Iiraan hadduusan xiriir wanaagsan la laheyn Turkida, oo wuxuu u baahan
yahay inuu dulmaro hawada Turkiga.
Khuburada siyaasadda caalamiga ayaa
is-tuuryeynta labadaan dal ku tilmaamay mid aan u adeegeyn danaha xulufada
NATO, oo haddii Mareykanku uu joojin waayo baacsiga uu ku haayo Turkida ey
suuragal tahay iney ku biiraan xulufada Ruushka iyo Shiinaha (BRICS) kuwaas oo
loolan weyn ku haya xulufada uu horboodayo Mareykanka. Intaas kali ah ku ekaan
meysee, waxay khubaradaan qabaan in haddii uu Turkigu goosto oo u galo xulufada
BRICS uu la tagi doono sir badan iyo khibrad badan oo uu ka hayo xulufada NATO.
Midowga reer Yurub ayaa isku dayaya inuu dhexdhexaadiyo labada dal, sababtoo ah
colaadda labada dal cidda ey dhibta ugu badan soo gaareyso—oo dhexda degani waa
reer Yurub. Bal waa eegnaa waxa soo kordha.
Comments
Post a Comment