
BASAAS IYO QARAN-DUMIS: QISADA BASAASNIMO EE UGU KHATARSANEED DUNIDA Waxay qaadatay wax ka yar qadar daqiiqad ah si loo beddelo moolada sakatuurada iridda hore ee aqalka laga soo galo—kaas oo ku yaalay dabaqa 8aad ee dhismaha 103 Leninsky Prospekt, ee ah dabaq ku yaala magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kaas oo ey degenaayeen basaasyada Midowga Soofiyeed iyo qoysaskooda ee loo yaqaan KGB. Halka laba nin oo xiran gacan-gelis (gloves) iyo dhar ka ilaaliya iney raad aqalka uga tagaan ey baarayeen guriga (protective clothes), laba kale oo farsamayaqaanno ahna waxay gidaarada gadaashooda iyo telefoonka dhexdiisa geliyeen codbaahiye iyo qalab codka duuba. Sidoo kale, waxay layrarka fadhiga, qolka jiifka iyo jikada dhex geliyeen kaamirooyin yar yar oo muuqaalka duuba. Markey howshaan dhammeeyeen, saacad kadib, ma jirin meel aqlka katirsan oo KGB eysan wax ka maqleen ama ka arkeen. Ugu danbeyntii, saraakiishaan ka socotay sirdoonka Midowga Soofiyeed KGB waxay xirteen dha...