BILOWGA DHAMMAADKA: TRUMP OO GODKIISA BIYO UGU GALEEN!
BILOWGA DHAMMAADKA: TRUMP OO GODKIISA BIYO UGU GALEEN!
Madaxweynaha dalka Mareykanka mudane Donald J Trump ayaa waxaa kusoo furmay mowjado xil-ka-qaadis (impeachment) kadib markii dhowaan ey maxkamad ku taal dalka Mareykanka ku heshay denbiyo laba mas’uul oo kamid ah dadka ugu dhow dhow madaxweyne Trump. Garyaqaan Michael Cohen oo ahaa garyaqaan u gaar ah madaxweyne Trump—muddo dheerna la shaqeynayay ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in xilligii doorashada madaxweynaha Mareykanka uu lacago musuqmaasuq ah siiyay laba haween ah oo ku caan baxay sameynta filimada anshax-xumada lana kala yiraahdo Karen McDougal iyo Stormy Daniels. Garyaqaan Cohen ayaa qirtay inuu dumarkaan siiyay lacago laaluush ah si uu u aamusiyo, lacagahaas oo uu amray madaxweyne Trump. Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii labadan haween ey ku handadeen iney warbaahinta u sheegayaan in madaxweyne Trump la sameeyay gogoldhaaf.
Garyaqaanka ayaa arrimahaan daboolka ka qaaday kadib markii loo sheegay inuu kala doorto xabsi inta noloshiisa ka dhiman ama inuu ku marqaati furo madaxweynaha, wuxuuna doorbiday inuu ku marqaati furo madaxweynaha. Sidoo kale, isla maalinnimadii Talaadada ayaa xoghayihii ololaha doorashada madaxweyne Trump, Paul Manafort, ayaa maxkamad ku taal Gobolka Virginia waxay ku heshay denbiyada musuqmaasuq doorasho, isaguna wuu qirtay, wuxuuna doorbiday inuu madaxweynaha ku marqaati furo intuu xabsi daa’in geli lahaa.
Arrimahaan ayaa waxay yimaadeen kadib baaritaan uu muddo waday la taliyaha gaarka ah ee FBI mudane Robert Muller. Baaritaankaan oo ku saabsan in dalka Ruushka ey wax saameyn ah ku yeelatay doorashadii 2016ka ka dhacday dalka Mareykanka, iyo xiriirka ka dhexeeya Ruushka iyo madxweyne Trump, iyo in Ruushku madaxweyne Trump gacan ka siiyeen guusha doorashada.
HADDABA, TRUMP SIDEE XIL-KA-QAADIS LOOGU SAMEYN KARAA?
Dastuurka Mareykanka wuxuu qabaa haddii la helo cod aqlabiyad ah oo ka yimaada aqalka matalayaasha (House of Representatives) kaas oo ku aadan xilhaye dawladeed oo lagu eedeeyay denbiyada waa weyn sida; khiyaano qaran, musuqmaasuq, xatooyo xoolo dadweyne ama laaluush in xilka laga xuyuubin karo. Haddii aqalka matalayaasha ey cod aqlabiyad ah ku dalbadaan in madaxweynaha xilka laga qaado, waxaa markaas dib-u-eegis ku sameynaya guddiga cadaaladda qaranka. Guddiga cadaaladda qaranka haddii ey u arkaan in xil-ka-qaadistu tahay sharci, waxay u gudbinayaan aqalka congresska, dabadeedna waxaa la qaadayaa cod bixin loo dhan yahay sida ku xusan dastuurka dalka Mareykanka. Aqalka congresska ayaa guddi iska dhex dooran—kuwaas oo qaada maxkamadda madaxweynaha. Madaxweynaha waxaa la siin fursad uu isku difaaco. Marka dhegeysiga maxkamadda uu dhamaado, waxaa bilaabmaya cod bixintii ugu danbeysay oo labada aqal ey ka bixinayaan in madaxweynuhu yahay danbiile ama inkale. Haddii seddex duleel laba duleel ey u codeeyaan in madaxweynuhu danbiile yahay, waxaa laga xayuubinayaa xilka, haddii la ganaaxayna waa loo sheegayaa—xilkana waxaa si kumeel gaar ah usii haynaya madaxweyne kuxigeenka.
SUURTAGAL MA TAHAY IN TRUMP XILKA LAGA XAYUUBIYO?
Lataliyihii hore ee madaxweynihii hore ee Mareykanka Brian Klaas oo khabiir ku ah siyaasadda Mareykanka ayaa wargeyska The independent u sheegay; “denbi qirashada garyaqanka Trump iyo hoghayihiisii dhanka ololaha doorashooyinka waxay madaxweyne Trump u geysatay dhaawac weyn oo ah dhanka sharciga iyo siyaasadda, eyna adagtahay inuu kasoo kaco”. Mudane Klaas oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “labada nin ee Michael Cohen iyo Paul Manafort, iyagoo isfuranaya waxay daboolka ka qaadi doonaan siro badan oo aan imminka lasoo bandhigin, waxayna la shaqeyn doonaan mudane Robert Muller oo baaraya xiriirka ka dhexeeya madaxweynaha iyo Ruushka. Sidoo kale, Klaas wuxuu yiri: “nasiibka in Trump xilka laga xayuubiyo ama inuusan dhammeysan mudada u harsan waxay cirka isku shareertay wixii ka danbeeyay maalintii Talaadada”. Klaas: “dad badan oo ku jira xayndaabka Trump ayaa maxkamado ku heleyn fal denbiyeedyo, qaarna weyba qirteen; arrimahaana waxay soo gaabinayaan cimriga xilka Trump”.
Dadka uu khabiir Klaas sheegayo waxaa kamid ah haweeney madow ah oo la yiraahdo Omarosa Manigault—oo kamid aheyd shaqaalaha Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka. Gabadhaan ayaa sheegtay in si sharcidarro ah looga eryay shaqadeedii, waxayna warbaahinta usoo bandhigtay caddaymo cod sir ah oo ey ka duubtay agaasimaha guud ee Aqalka Cad isagoo si aan maamuus laheyn ula hadlaya haweenaydaan. Omarosa Manigault, ayaa warbaahinta u sheegtay iney diyaar u tahay iney ku marqaati furto madaxweyne Trump gaboodfalada uu ku sameeyay sharciga iyo dastuurka dalka Mareykanka.
Iskusoo wada duuboo, taariikhda Mareykanka weli ma dhicin in madaxweyne xilhaya looga guuleystay xil-ka-qaadis (impeachment) lagu sameenayay. Sanadkii 1868kii ayaa waxaa madaxweynihii Mareykanka xilligaas Andrew Johnson lagu furay mowjad xil-ka-qaadis, laakiin gabagabadii denbi waa lagu waayay. Haddii Trump mowjadda xil-ka-qaadista (impeachment) lagu furo, si guul ahna xukunka looga qaado, wuxuu noqonayaa madaxweynihii Mareykanka soo maray abid oo xilka laga xayuubiyo.

Comments
Post a Comment