MAXAA FASHILIYAY GEEDDIGA MAGAALEYNTA SOOMAALIDA?
MAXAA FASHILIYAY
GEEDDIGA MAGAALEYNTA SOOMAALIDA?
Faylasuufkii
weynaa ee Giriiga, Socrates (c. 470 – 399 BC), ayaa laga hayaa
inuu yiri: “Sirta isbeddelka ma’aha la dagaalanka iyo burburinta noloshii hore,
balse waa inaad tamartaada oo dhan isugu geysid dhisidda nolol cusub oo la
jaanqaadi karta waaqica aad ku nooshahay”. Socrates isbeddel wuxuu ula jeedaa
beddelidda qaab nololeedka bulsho xilliyo kala duwan. Si kale haddaan u dhigo,
waa guuridda ey bulsho ka guureyso hab nololeed oo ey muddo kusoo nooleed una
guureyso mid cusub. Tusaale, guuridda bulshada ey ka guurto hab nololeedka
miyiga iyadoo u guureysa hab nololeedka magaalada. Dhigaalkaan waxaan ku
falanqeenayaa sababta isbeddelka Soomaalida uu u hanaqaadi waayay, iyo waa
maxay sababta dadka Soomaalida ey marwalba u gocdaan tagtadoodii. Waxaan isku
dayi doonaa in aan xaglooyin dhowr iska taago mowduucaan weyn—ee loo aaneyn
karo sababaha waa weyn ee ragaadiyay bulshada Soomaaliyeed. Si bulsho ey u
hormarto, waa iney hab nololeedkeeda wax ka beddeshaa oo si joogto ah u
horumarisaa. Su’aasha ugu weyn ee u baahan in la lagdo waa su’aasha cinwaanka
dhigaalkaan; maxaa fashiliyay geeddiga magaaleynta Soomaalida?
Faylasuufkii
Heraclitus ayaa wuxuu ahaa faylasuufkii ugu horreeyay ee falanqeeyay falsafadda
isbeddelka. Heraclitus, waa faylasuuf Giriig ah oo ka horreeyay Socrates,
Heraclitus oo falanqeynaya falsafadda isbeddelka wuxuu yiri; “qofku laba jeer
webiga cagta ma wada gelin karo, marba waa inuu mid cagta geliyaa”. Heraclitus
wuxuu kamid ahaa dugsi falsafadeed jiray Socrates ka hor, dugsigaan waxaa loo
yaqaan ‘Eleatics’. Kooxdaan faylasuufyada ahaa waxay ku bahoobeen falanqeynta
isbeddelka. Caqabadihii ka horyimid waxaa kamid ahaa arrin loo yaqaan ‘Zeno’s
Paradoxes’ oo ah aragtiyihii iska hor imaanayay ee Zeno. Zeno wuxuu ahaa
faylasuuf noolaa xilligii Socrates ka horreeyay, ‘Paradoxes’ waa aragtiyihiisii
ka hor imaanayay caddeymaha. Kooxdaan faylasuufyada ah waxay gaareen heer ey
yiraahdaan isbeddelku suurtagal ma’aha, iyagoo daliilsanaya xaqiiqdu waa mid
aan isbeddeleyn. Yeelkadood, markii cilmiga falsafadda uu hormaray xilliyadii
Socrates, Aristotle iyo Plato, waxaa arrimaha nimankii hore ey wallaaca ka
muujiyeen lagu qeexay cabsi ey ka qabeen isbeddelka (fear of change), ama
cabsida waxa aan la aqoon (fear of unknown). Haatanse, waxaa lagu isku
waafaqsan yahay in isbeddelka iyo geediga nolosha aadanaha uu yahay mid lagama
maarmaan ah. Sidoo kale, waxay culumada falsafadda haatan sheegaan, in aadanaha
ey qasab tahay inuu isbeddelo, hormariyana noloshiisa, haddii kale wuu
dhicisoobayaa, waana muhiim iseddelka aadanaha sida ey muhiim u tahay in ilmuhu
uu koro oo isbeddelo. Qaar kalana waxayba kusoo gunaanadaan in isbeddelka
aadanaha uu yahay dabiici dhiigiisa ku jirta, oo ku abuuran.
Eebe SWT goortuu
dunidan abuuray wuxuu u dhigay xeerar ey qasab tahay iney raacaan dad, duunyo
iyo dhamaan abuurka oo dhan; qaarka garaadka leh iyo kuwaan laheynba.
Xeerarkaas waxaa kamid ah; xeerka nolosha, xeerka geerida, xeerka guusha iyo
xeerka fashilka, xeerka burburka, xeerka koboca, xeerka irsaaqda iwm. Diintaad
doonto heyso, ama diinlaawaba noqo—waxaad ku qasban tahay inaad xeerarkaas u
hogaansanto, ama waxaad ku danbeyn mid fashilma oo halaagsama. Xeerka koowaad
ee ilaahey koonkaan u dajiyay waa; in Alle kaligii yahay, aan isbedeleyn,
suganna – taladana ey kaligii u sugnaatay. Wax walba oo Alle ka sokeeyana ey
tiro yihiin, oo isbedelaya, kala duwan—taladoodana ey ka dhexeyso dhamaantood
si walba oo ey u kala diin, dhaqan iyo jinsiyad duwan yihiin. Taasina waa
laf-dhabarta towxiidka, oo waxay na fahansiinaysaa fahanka dhabta ah ee
towxiidka iyo kali ahaanshaha ilaahey. Eebe wuxuu Quraanka Suurat Al-ikhlaas ku
yiri; “waxaad dhahdaa (nebiyoow) Eebe waa kali (wehelna maleh) * waana sayid
deeqtoon*Eebe wax ma dhalin isna lama dhalin*wax lamid ahna ma jiro*”.
GEEDIGII
MAGAALADA
Waxaa la sheegaa
in bulshada Soomaaliyeed badi ahaayeen dad xoolo-dhaqato ah oo ku nool miyiga.
Waxaana arrimahaan loosoo daliilsada tira yarida iyo yaraanta magaalooyinka
Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo goortii saancaduhu (gumeytayaashii
reer Yurub) soo galay dhulkeena waxay bulshada Soomaaliyeed bilowday iney
miyiga kasoo guurto oo magaalada usoo guurto. Sababtuna waxay aheyd, maadaama
bulshada Soomaaliyeed ey ku jirtay halganka la dagaalanka iyo iska caabinta
gumeystaha, waxay ku qasbanaatay in qaarkood sameystaan cinwaan joogto ah (permanent
address) sida saldhigyo ciidan—kaas oo ah asaasidda magaalooyin, ama usoo
guuridda magaalooyinka jiray iyo ballaarintooda. Tusaale, xilligii halgankii
Sayid Maxamed ee dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad, waxaa
Sayidka iyo ciidankiisa ey aasaaseen saldhigyo ciidan oo ey kala dagaalameeyn
gumeystayaashii reer Yurub, sida; saldhigii Taleex iyo qalcaddii “Daawad” ee Eyl.
Saldhigyadaan waxay hoy joogto ah u noqotay ciidamadii Sayidka ee miyiga ka
yimid, kuwaas oo halkaas degay iyaga iyo qoysaskooda; sidaasna ku magaaleeyay
saldhigyadaas. Sidaas waxaa ku bilowday geeddi ballaaran oo ey bulshada
Soomaaliyeed usoo hayaantay xagga magaalada. Balse, geeddigaan ujeedadiisa
ma’aheyn magaaleynta bulshada iyo hirgelinta isbeddelka, ee wuxuu ahaa geedi ku
yimid xaalad dagaal oo markaas jirtay, iyo ku qabsatayee qadar Alle. Geediga
koowaadna wuxuu kusoo idlaaday in magaalada loosoo hayaamay iyadoo aan la
diyaarin falsafaddii magaalada (ama falsafadda isbeddelka), balse waxaa lala
yimid oo lasoo raray falsafaddii miyiga.
Geediga labaad
wuxuu dhacay kolkii dadkii hore ey reer magaal noqdeen—dalkana ka dhaliyeen
dawlad (1960-1969). Geediga labaad wuxuu aad usii xoogaystay xilligii
shuuciyadda hantiwadaaga ey dalka qabsadeen 1969kii ilaa 1991kii, iyagoo soo
bandhigay barnaamijyo magaaleyn ah sida; olilihii hormarinta reer miyiga,
ololihii isdhexgalka bulshada iyo aasidda qabiilka. Sida geediga koowaad,
geeddigaana waxaa aasaas u ahaa magaaleynta dadka iyo heysahsada falsafadda
miyiga. Geedigaan waaka khasaare badnaa kii hore, oo dhaawucuu geystay ilaa
hadda ayey bulshada Soomaaliyeed la daandaansan tahay, waayo? Kii hore wuxuu
ahaa ku qabsatayee qadar Alle, iyo midaan heysan agab casri ah. Balse, kan
labaad wuxuu ahaa mid isagoo qaldan—oo wado qardajeex ah heysta haddana;
lagasoo shaqeeyay, lana geliyay; waqti badan, aqoon badan iyo maal badan.
Geediddiga seddexaadna wuxuu dhacay 1991kii, markii la dumiyay qarankii
Soomaaliyeed, dadkii miyiga joogayna magaalada lasoo geliyay iyadoo looga
faa’iideysanayo dano qabiil. Dhibaatada qaraxii geediga seddexaad ee ilaa
imminka lagasoo kabsan la’yahay, firirkiisana uu ka kala gaaray dunida
daafaheeda, waxaa sababay isbiirsi ey isbiirsadeen falsafaddii miyiga ee ku
dhisneyd nimaan shantaada ka dhicin sharci kaama celiyo, iyo agab casri ah sida;
hubka darandoori u dhaca—kaas oo daqiiqaddii gumaadi kara dad badan; iyo
warbaahino casri ah oo farriinta colaadaha meelo fog fog gaarsiinaysa. Waagii
hore haddii miyiga lagu dagaalami jiray waran, seef iyo toorey, 1991kii reer
miyiga markii ey magaalada soo galeen waxay heleyn hub casri ah iyo gaadiid
casri ah, iyo warbaahin casri ah oo u sahashay gudbinta dhiilada colaadaha
beelaha: waxayna dhaqan geliyeen falsafaddii miyiga ee ku dhisned; “aano ina
adeer baa u dhinta”.
Seddexda geeddi
oo kala dhacay xilliyo kala duwan, seddexduba wey fashilmeen waxayna qeyb ka
yihiin burburka dhaqan, dhaqaale, bulsho iyo dawladnimo ee ku dhacay qarankii
iyo umaddii Soomaaliyeed. Haddaba maxay tahay sababta ey seddexdaan geeddiba u
fashilmeen? Sababta ugu weyn ee geediyadaan fashiliyay ayaa lagu tilmaami
karaa, in umadda Soomaaliyeed ey miyiga kasoo guurtay, laakiin nasiibdarro
eysan gaarin magaaladii. Waa halka ey Soomaalidu ka tiraahdo; “sagaaro
socodkeediina waa ka tagtay kii nebigana ma gaarin”. Haddaba maxay tahay waxa
umadda Soomaaliyeed dhexda fariisiyay oo miyigana kasoo kaxeeyay magaaladiina
aan gaarsiin? Sidaan hordhaca qoraalka kusoo aragnay, isbeddelka iyo
geedisocodka bulsho wuxuu u baahan yahay dajinta falsafad nololeed oo la
jaanqaadi karta xilliga iyo goobta loo hayaamayo.
MAXAA FASHILIYAY
GEEDIGA SOOMAALIDA EE MAGAALADA?
Soomaalida waxa
ugu weyn ee fashiliyay geeddigooda waa iyagoo isku dayay iney magaalada ugu
noolaadaan sidey miyiga ugu noolaayeen. Si kale haddaan u dhigo, Soomaalida
waxay soo rareen falsafaddii miyiga iyagoo doonaya iney ku dabakhaan nolosha
magaalada. Taasina waxay keentay qarax weyn iyo isku dhac labada falsafadood ee
miyi iyo magaalo. Arrinkaana wuxuu horseeday in bulshada Soomaaliyeed ey dib
uga dhacdo yoolkeedii magaaleynta bulshada. Tusaale, Soomaalida waxay magaalada
keeneen oo weliba ka dhigeen maado lagu dhaqmo iyagoo baray caruurtii magaalada
ku dhalatay maahmaahyo miyiga looga dhaqmi jiray. Maadaama eysan miyiga ka
jirin dawlad u xilsaaran howlaha bulshada sida sugidda amniga nafta iyo hantida
muwaadinka. Maahmaahyadaan waxaa kamid ah; “Nimaan shantaada kaa dhicin sharci
kaama celiyo”, “qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa”, “aano ina adeer baa u dhinta”, “nimaan
aarsan caloosha hooyadii ayuu ku jiraa” iwm.
Maahmaahyadaan
kolkii si dhow loo falanqeeyo oo la saaro diiradda weyneysada waxaad arkaysaa
faylasuufyadii maahmaahyadaan alifay iney maahmaahyadaan u alifeen bulsho reer
miyi ah oo cadow badan leh—kuna nool meel aan dawladnimo iyo sharci ka jirin.
Waxaa laga yaabaa in maahmaahyadu ey ka shaqeeyeen miyiga, oo dadku ku kala
badbaadeen, balse magaalada waxay ka rideen qarax weyn oo lagu hoobtay. Qaladka
Soomaalidu ey sameysay waxay aheyd, dadkii waa la reer magaaleeyay, laakiin
wixii ugu muhiimsanaa ee ah falsafadda nolosha waxaa loo daayay reer miyinnimadeeda.
Waa halka ey Soomaalidu ka tiraahdo; “dhar magaalo waa la xiran karaa, laakiin
waa adag tahay sida dhal magaalo lagu noqdo”. Arrinkaana wuxuu qasbay in
Soomaalidu ku adkaato u hogaansanka iyo ku kalsoonida dawladda iney maareyso
howlaha muwaadinka. Tusaale, Soomaalida iyagoo soo xiganaya maahmaahyada aan
kor kusoo xusnay, haddii dhib qof kale u geysto sida dil ama dhac, halkii ey
dhihi lahaayeen magaalo ayaan ku noolnahay, arinka aan ula tagno dawladda—oo
iyada ha xaliso, ayeey waxay dhaqan gelinayaan falsafaddii miyiga ee oranaysay;
‘nimaan aarsan uurka hooyadii ayuu ku jiraa’ deedna sharcigii ayey gacmahooda
ku qaadanayaan. Amaba sida inta badan dhacda, denbiile ayaa qof dilaya deedna
wuu baxsanayaa amaba wuu dhuumanayaa, deedna reerkii dhibanaha uu ka dhashay
halka ey dawladda uga danbeyn lahaayeen xal u helidda dhibkooda ayey waxay
dhaqan gelinayaan falsafaddii miyiga ee aheyd; ‘aano ina adeer baa u dhinta’
deedna qof aan waxba galabsan ayey u dilayaan denbi qof kale geystay, halkaas
waxaa ka dilaacaya silsilad kala aargoosi iyo aano, iyadoo la baalmarayo
sharcigii iyo dawladnimadii, arrinkaan ugu danbeyntii wuxuu sababaa dagaalo
qabiilo oo lagu hoobto. Maadaama shaqadii dawladda dad kale hayaan, waxaa
halkaas ka baxaysa baahida loo qabo dawladnimada, iyadoo aakhirkana burburaysa
ileyn ma haysato dadey kala xukunto. Sidaas ayeyna ku fashilmeen seddexdii
geedi ee magaaleynta Soomaalida. Jahwareerkaan ku dhacay bulshada wuxuu sababay
in bulshadu ey u taamto u xiisto tagtadeedii, ileyn gaarigii baa meel cidla ah
kula jabay, deegaankeediina waa kasoo kaxeeyay meeshey u socotay ma gaarsiin.
Sidaas aawadeed, waxay bulshada u xiisaysaa in mar uun ey ku laabato
barisamaadkii iyo sidey xilli ahaan jirtay. Halka bulshooyinka kale ee
guuleystay eysan gadaal u eegin tagtadoodii ee ey hortooda iyo iney dayaxa
degaan ku fikirayaan.
WAA MAXAY XALKU?
Si uu u
dhammeytirmo geeddi-socodka umadda Soomaaliyeed ee magaalada, una noqdo mid
guuleysta, oo dhaliya dawladnimo iyo qarannimo gaamurta, waxaa loo baahan yahay
in la hindiso falsafad cusub oo magaaleed, lana hormariyo tii hore—iyadoo
marwalba la cusbooneysiinayo. Faylasuufyadii hore ee Soomaalida ee alifay
maahmaahyada iyo hal-ku-dhigyada shaqadoodii waa kasoo baxeyn, oo umadda
Soomaaliyeed waxay soo dhaafsiiyeen xilliyadii adkaa ee miyiga. Faylasuufyada
hadda nool sida abwaanada iyo aqoonyahannada waxaa laga doonayaa iney soo
bandhigaan falsafad lagu hogaamiyo bulshada—oo looga saaro meesha dhexe ee
gaarigu kaga banjaray. Sidoo kale, waxaa faylasuufyadaan laga doonayaa iney la yimaadaan
falsafad magaalo-joog, taas oo saamaxaysa horumarinta iyo wax ka bedelidda
nolosha bulshada, iyadoo marwalbana la jaanqaadi karta goorta iyo xilliga la
joogo. Geeddiga maagaaladu waa sidii gaari dalcad fuulaya, magaalada loo
hayaamayaana ey dhacdo docda kale ee dalcadda. Haddaan gaarigu u diyaarsaneyn
sare uga bixidda dalcadda wuxuu ku qasbanaanayaa inuu qalibmo ama gadaal usoo
noqdo. Marka waxaa loo baahan yahay in la hagaajiyo agabka gaariga si uu
geeddigu noogu soo idlaado guul—oo aan u gaarno magaalada ee ah yoolkeena.
Magaaladu waxay matalaysaa waa dawladnimada, qarannimada iyo isbeddelka aan
tiigsaneyno, ee iskama aha magaalada uun iska tag. Gaariga agabka wanaagsan ee
magaalada ina geyn karaana waa abuurista falsafad nololeed oo inoo fududaysa
isbeddelka marxaladda iyo ku nagaanshaha magaalada iyo dawladnimada.
GUNAANAD
Iskusoo wada
duuboo, waxaa nagu adkaatay ka dhogor rogashada aan ka dhogor roganayno
dhaqankii miyiga. Waa inaan casharo ka barannaa fashilka nolosha ee nagasoo
wajahay seddexdii geeddi ee ugu danbeeyay. Si aan fashilkeena guul ugu
beddelno, waa in faylasuufyada Soomaaliyeed ey maskaxda aad u shiilaan oo la
yimaadaan falsafad umadda horay loogu kaxeeyo, oo naga saarta meesha dhexe ee
baabuurku uu nooga xumaanayo marwalba. Kaas oo naga soo kaxeeyay dhaqankii
miyiga, balse; aan nagaarsiin kii magaalada.
Marka dhaqanka
magaalkana waa sidii dalcad dheer oo baabuurka ey tahay inuu ka gudbo si uu magaalada
(dawladnimada) docda kale dhacda u gaaro. Waxaana inta badan dhacaysa in
baabuurtu dib usoo laabtaan maadaama eysan u diyaarsaneyn fuulidda
dalcadaha. Marxaladdaan waxay u baahan tahay odorisid xeeldheer, hiraal
fog iyo dajinta falsafad magaaleed cusub, si dadku ey dalcadda uga baxaan oo
eysan ugasoo daadan sida marwalba ku dhacda.

Comments
Post a Comment