PUNTLAND WAA INEY KALA SAARTAA MURANKA XUDUUDAHA IYO DAGAALADA BEELAHA [FAALO]

PUNTLAND WAA INEY KALA SAARTAA MURANKA XUDUUDAHA IYO DAGAALADA BEELAHA [FAALO]

Tan iyo markii dhidibada loo taagay maamulka Puntland ee labaatan jirsaday bishaan bilowgeedii, waxaa jiray muran dhanka xuduudaha ah oo kala dhexeeyay dawladda iskeed isku caleema saartay ee Somaliland. Murankaan wuxuu ka taagnaa maamulidda iyo gacan ku haynta labada gobol ee Sool iyo Sanaag, iyo waliba degmada Buuhoodle ee katirsan gobolka Togdheer. Mararka qaar, murankaan wuxuu isku beddelay gacan ka hadal iyo dagaal hubeysan oo fool-ka-fool ah—kaas oo ey ku dhinteen dad badan oo labada dhinac ah.

Lagasoo bilaabo 1998kii ilaa 2007kii, goboladaan waxaa gebi ahaanba gacanta ku hayay maamulka Puntland. Dhammaadkii sanadkii 2007kii waxaa goboladaan si aan dhiig ku daadan ula wareegay maamulka Somaliland, iyadoo xuduudooda Bari ey noqotay tuulada Gambarrey. Bilowgii sanadkaan ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu weerar kusoo qaaday degmada Tukaraq halkaas oo ey kula wareegeen gacan ku haynta degmada. Maamulka Puntland ayaa qaaday dhowr weerar, laakiin waxba iskama beddelin xaaladda goboladaas. Dagaalka labadaan maamul waxaa feer socday dagaal beeleed ka socday gudaha Somaliland—kaas oo u dhexeeyay beelo wada dega kana wada tirsan maamulka Somaliland. Bilowgii usbuucaan ayaa waxaa agagaarka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar soo degay ciidamo beeleedyo kasoo hayaamay Somaliland. Maleeshiyadaan oo uu horkacayo nin lagu magacaabo Kornayl Siciid Maxamed C/kariin (Caare) ayaa ujeedadoodu tahay iney qabsadaan maamulka Somaliland oo ka xoreeyaan maamulka imminka talada haya. Kornayl Caare mar uu saxaafadda la hadlayay wuxuu sheegay inuu doonayo xoreeyo jamhuuriyadda Somaliland. Kornayl Caare, gobollada Sool iyo Sanaag wuxuu u yaqaan jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, maamulka Puntland inuu garabsiiyo jabhad beeleed dagaal kula jirta beel kale sax ma’aha. Beelaha waa diriraan, booska kaliya ee ka bannaan waa in la heshiisiiyo, laakiin ma’aha in beel looga hiiliyo beel kale, arrinkaasi waa godob. Midda kale, wadadaan cusub oo ey Puntland qaaday waa mid leh cawaaqib xumo weyn. Siyaasaddaana waa siyaasadda naafeysay Afrika oo idil, oo asaagood ka reebtay. Dal walba oo Afrikaan ah wuxuu hubeeyay oo hoy iyo goob ey ka duulaan siiyay mucaaradka dalka la jaarka ah, aakhirkiina iyagana ma badbaadin dalkii la jaarka ahaana ma badbaadin—dhammaan waa hallaagsameyn. Bal eeg Zaire iyo Rwanda, Ethiopia iyo Eritrea, Ethiopia iyo Somalia iwm. Tusaale, dagaalkii 1977kii aan Ethiopia la galnay kadib, waxaan dalkeena kusoo dhoweynay mucaaradka Ethiopia, innagoo siinay hub iyo saanad ey kula dagaalamaan dawladda Ethiopia. Iyaguna intaas bey sameeyeen oo waxay hubeeyeen cid alaale iyo ciddii mucaarad ku ah dawladdeena, natiijadana waxay aheyd in ilaa maanta labada dalba uu ka muuqdo burbur—eyna ka hareyn asaagood, inkastoo Ethiopia xoogaa na dhaanto.

Haddaba, maxaa diidaya in Muuse Biixi soo uruuriyo mucaaradka Puntland oo u furo saldhigyo ey kaga duulaan Puntland? Punland maka fikirtay in jabhad la hubeeyo leedahay jabhad la hubeeyo? Puntland maka fikirtay in kornayl la hubeeyo leeyahay kornayl la hubeeyo? Puntland maka fikirtay iney denbiga la wadaagayaan dadka uu kornayl Caare laayo? Puntland maka fikirtay in beeluhu is laayaan dabadeedna heshiiyaan, laakiin Puntland ey noqonayso midda taariikh xun ka dhaxasha. Soomaalidu waxay ku maahmaan; muddul gubanaya muddul gubanaya kama naxo.

Iskusoo wada xooriyoo, Puntland waxaa la gudboon ineysan isku qaldin muranka xuduudaha iyo colaadda ka aloosan beelaha Somaliland dhexdooda. Kornayl Caare hadduusan si nabad ah oo ilbaxnimo lihi uusan xaqqiisa u raadsaneyn waa in Puntland laga cayriyaa, oo aan loo ogolaan inuu Puntland ka qaado dagaal ka dhan ah beel ey xukunka Somaliland isku hayaan. Ku darso, Qardho waa magaaladii dhaqanka Soomaaliyeed, oo saldhig u ah boqorkii umadda Soomaaliyeed, waana nasiibdarro in aagga boqorka looga duulo beel Soomaaliyeed. Arrinkaan waa in sida ugu dhaqsiiyaha badan loo xaliyaa waa haddii maamulka Puntland uu ka fikiriyo masiirka umadda loo igmaday hogaankeeda.


Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?