QISADAYDA

QISADAYDA
Waxaa Soomaaliya la iga soo kaxeeyay anigoo caruur ah. Caruurnimadaydii waxaan kusoo dhex koray bulsho ey Soomaalidu ka madhan yihiin. In yar unbaan booqan jiray ama dhexgeli jiray qaraabadayda. Ma aqoon qabiilkayga, balse waxaan aqiinay inaan Soomaali ahay oo qudha—taas oo aan aad ugu faani jiray, anigoo marwalba difaaaci jiray waddankayga gudaha bulshada aan ku dhex noolaa. Waxaan ugu faani jiray in waddankayga Soomaaliya uu qurux badan yahay sida ey hooyadey ii sheegtay. Si kastaba ahaatee, ma aqoon adeeradey iyo habaryaradey, qof walba oo Soomaali ah oo iga weyn oo aan arko waxaan ugu yeeri jiray adeer iyo eeddo, kalamana jecleyn qabiilkooda ama gobolka ey kasoo jeedaan. Aad ayaan u farxi jiray markaan u socdaalo magaalooyinka waa weyn ee dalka aan ku noolahay, sababtoo ah waxaan soo baran jiray shacabkayga—waxaana arki jiray wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo da’dayda ah—aad ayaana ugu farxi jiray.

Si kastaba ha ahaatee, markaan weynaaday oo aan jaamacadda bilaabay, waxaan bartay dhalinyaro Soomaaliyeed oo jaamacadda ila dhigan jiray, marwalba markaan salaamo kadib waxay i weydin jireen qabiilkayga. Arrinkaas wey iga yaabin jirtay in badan, iyagana waxay la yaabi jireen jawaabtayda oo aheyd inaan u sheego magacayga oo seddexan. Wey igu qosli jireen, waxayna igu oran jireen miyaad isqarinaysaa? Waan u dhaaran jiray inaanan aqoon intaas ka badan. Markey igu dhibeen su’aasha qabiilkayga, oo in badan igu celceliyeen, waxaan wacay hooyadey, waxaan ku iri; hooyo qabiilkayga ii sheeg. Wey ila yaabtay, oo waxay igu tiri; weligaa qabiil imaadan weydiinee maxaad hadda ii weydiisay? Waxaan ugu jawaabay; asxaabtayda ayaa had iyo goor i weydiiya qabiilkayga, waxaana jeclaystay inaan qabiilkayga ogaado. Waxay igu tiri; qabiilkaagu waa Madhibaan. Waan orday annigoo faraxsan si aan saaxiibadey ugu sheego qabiilkayga. Markaan u sheegay inaan Madhibaan ahay wajiyadooda wey isbeddeshay, midkood baa qoslay isagoo leh; waan gartay waxaad qabiilkaaga u qarinaysay, waxaad tahay Midgaan. Waxay bilaabeen dhammaantood iney ugu qoslaan, waxayna igu bilaabeen dacaayad.
Waxaan la xiriiray hooyadey, waxaan ku iri; hooyo, waa maxay Midgaan? Hooyadey wey carootay, waxay igu tiri; qofkii ku yiraahda Midgaan baad tahay garaac. Waxaan ku laabtay wiilkii igu qoslay ee igu yiri waxaad tahay Midgaan, dharbaaxo ayaan wajiga kaga soo gooyay, Soomaalidii meesha joogtay ayaa isugu key timid oo i garaacay. Markaan arkay iney iga farabadan yihiin, waxaan ku suuxay kii aan dagaalka ku bilaabay, caradayda oo dhan ayaan isugu geeyay, si walba ey isugu dayeen iney ii garaacaan si ey iiga fujiyaan, wey awoodi waayeen iney saaxiibkood iga faramaroojiyaan—ma aanan dagin ilaa aan ka arkay dhiigiisa oo qulqulaya. Maalintaas wixii ka danbeeyay waxaa noo bilaabmay dagaal u dhexeeyay aniga iyo iyaga, dagaalkaas oo socday bilo, waxaan kali kali u gaadi jiray raggii ila dagaalamay oo dhan, markaas baan beerka ka garaaci jiray. Markey nolol maalmeedkayga ey noqotay dhibaato joogto ah, waxaan kusoo laabtay Imaaraadka, balse; ma hilmaamin dareenkayga ku aadan inaan saaxiibadey cadow u noqday markaan qabiilkayga u sheegay.

Markaan magaaladayda kusoo laabtay, waxaan bilaabay inaan internetka ka baaro taariikhda qabiilkayga. Mise waa taariikh madow, oo ey qoreen cunsuriyiin Soomaali ah, kuwaas oo qabiilkayga ku sheegay iney ahaayeen dad-qalato cuna hilibka dadka, dhiigooduna uu buluug yahay. Cadaawadaan aawadeed waxaan halkaan iiga bilaabmatay socdaal baadigoob oo aan ku baadigoobayo maxaa sidaan loogu neceb yahay qabiilkayga?

Sanado badan oo aamusnaan ah oo aan ku jiray baadigoob, su’aalo weydiin iyo dood aan la qaadanayay ehelkayga iyo Soomaalida kalaba, waxaan ogaaday; neceybka Soomaalida noo qabto ineysan dhaafsiisneyn barbaarin ilmaha guryaha loogu soo barbaariyo neceybkeena iyo cadaawaddeena. Waxaan ogaaday in annagana aan ilmaheena ku barbaarino inaan nahay masaakiin laga tiro badan yahay oo aan awood iyo xeelad midna laheyn. Waxaan ogaaday inaan Soomaalida dhexdooda ka nahay kaliya dad lambar lagu buuxsado. Waxaan ogaaday cadaaw gaamurtay oo ka dhexeysa labada dhinac. Waxaan ogaaday in wadaadada diinta ey si buuxda uga qeyb qaataan cadaawaddeena, iyagoo ku hadaaqa inaan Midgaan jannada galeyn. Waxaan ogaaday in siyaasigu doonayo inaan dalkayga u adeego, balse ii diidan yahay xuquuqdayda isagoo ku marmarsiyoonaya khuraafaad iyo khusacbalaad, wuxuuna doonayaa inaan sidaas uga tanaasulo xaqayga. Waxaan ogaaday in macalimiinta waddankayga ey caruurta baraan inaan ahay qof liita, marwalba uu arday waxbarashada ku dhaco, afkiisa kama marnaato; waad dhacday sababtoo ah waxaad tahay midgaan. Arrinkaan wuxuu qasbay in arday badan oo dadkayga ey waxbarashada kol hore ka tagaan, sababtoo ah waxaa la baray inuu yahay midgaan aan waxbaran karin. Waxaan ogaaday in warbaahinta Soomaalida ey burburinayaan dadkayga—iyagoo magu sifeeya inaan nahay dad hooseeya. Waxaan ogaaday haddaan shaqo dalbado oo aan anniga uga mudannahay dadka kale in la ii diido, qabiilkayga aawadiis. Waxaan ogaaday si walba oo aan u akhlaaq wacannahay, Soomaaligu sidaas inuusan ii arkeyn.

Waxaan go’aansaday inaanan noqon lambar buuxiye. Waxaan go’aansaday inaan cadaawadda la aasay banaanka soo dhigo—oo godadkeeda kasoo saaro. Waxaan go’aansaday in aan qaladaadka saxo anigoo dhammaan runta u sheegaya. Waxaan go’aansaday inaan ehelkayga baro xuquuqdooda. Waxaan go’aansaday inaan la xisaabtamo dhammaan siyiisiyiinta, aqoonyahanka iyo wadaadada. Waxaan go’aansaday inaan ehelkayga ku iraahdo waxaa la gaaray xilligii isbeddelka iyo kacdoonka. Waxaan go’aansaday inaan ehelkayga u sheego inuusan jirin wax aan suurtagal aheyn, aana awoodo inaan dunida codkayga gaarsiiyo.

Run ahaantii, annigu ma’ihi cunsuri, balse mararka qaar waxaa kugu waajib ah inaad cunsuriyadda kula diriro cunsuriyad, run ahaantiina wey u xanuujisaa markaan u muuqdo inaan cunsuriyad ku qanacsanahay. Yeelkadeed, waxaa waxaas oo dhan ka wacan inaad beerato beer cusub, taas oo dalageeda ey ehelkaada u xanbaarsan tahay rajo ey ileyska ku arkaan. Ma doonayo soo caanbixid, waxa kaliya aan doonayaa waa waddan aan xuquuqdayda ka helayo maadaama aan u qalmo, iyadoon loo eegeyn kanaa ina hebel ah kaas baa reer hebel ah iwm. Ma doonayo in wiilkayga iyo wiilkaaga ey ku noolaadaan ilbiriqsiyahaas madow, dhiig loogu daadiyo khuraafaad iyo been la dhoobdhoobay boqolaal sanadood kahor. Waxaa laga yaabaa inaadan i fahmin, dhigaalkaana umaba qorin inaad i fahantid, waxaa kaliya aan xusuusanayay tagto soo laablaabata ilaa maantadan aan joogno. Akhristaha sharafta badanow, waxaan diyaarinayaa kacdoon oo adiga kaligaa aad awoodo inaad istaajiso, ama iska daawo—oo halaguugu dabaqo inaad tahay dulmiilihii shalay iyo dhibbanaha maanta, ama gacan ka geyso xalinteeda si loosoo afjaro. Iyadoo gebi ahaanba meesha laga saarayo dulmiile iyo dhibane, annagoo waddankeena dhammaanteen ugu noolaanayna si siman—oo qof walba uu helayo xuquuqdiisa oo dhammeystiran. Tani waa fariintayda ku aadan qaarka u heysta inaan cunsuri ahay. Markaad dhigaalkayga akhriso, qaado aragtidaad doonto, sababtoo ah ima khusayso.


FG: Waxaa qoray walaal Cadnaan Ismaaciil Xirsi. Qoraalka wuxuu ku qornaa afka Carabiga, waxaana tarjumay Abdiaziz Arab. 

Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?