TIMIR LAF BAA KU JIRTA!!
TIMIR LAF BAA KU JIRTA!!
Astaanka calanka Soomaali Galbeed inuu lahaado astaan Soomaaliyeed waa xaq ee ma'aha xal. Waayo dadka deegaankaas degaa waa Soomaali, waxayna xaq u leeyihiin astaantooda Soomaalinnimo, sida qowmiyadaha kalaba xaq ugu leeyihiin astaantooda.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u fahmay in dawladda Itoobiya ey axsaan Soomaali u sameynayaan maadaama ey ogolaadeyn calanka Soomaali Galbeed. Fahamkaasna waa mid hooseeya.
Haddaba maxaa Itoobiya ku qasbay iney ogolaadaan calanka Soomaali Galbeed?
Nin baa hadda kahor tuugo ka dhacday wuxuu hanti lahaa. Maalin maalmaha kamid ah ayaa nimankii tuugada ahaa waxay suuqa ku dhex arkeen ninkey hantida ka dhaceyn oo rafaadsan. Mid tuugadii kamid ahaa ayaa ninkii qado ka bixiyay isagoo ku mana sheeganaya. Laakiin, tuugu wuxuu ilowsan yahay in lacagta uu qadada ugu iibinayo markii horaba uu ninkaan rafaadsan kasoo dhacay.
Fasirka kaliya aan u hayo ogolaanshaha Itoobiya ogolaatay calanka Soomaaliya waa iyagoo og in Soomaalidu laab-la-kac iyo qiira-jabaan ku dheereeyaan, sidaas awgeedna ey ugu mashquuliyaan arrinta calanka, intey jilbeysan yihiina ey iska daldashaan shidaalka Soomaalida xisaab la'aan. Sheekada calanka waa leexinta indhaha umadda in laga leexiyo arrinta masiiriga ah ee ah qeybsiga shidaalka Soomaali Galbeed.
Isku soo wada duuboo, bishii hore ayuu reysal wasaaraha Itoobiya Dr. Caabi Axmed ku dhowaaqay in saamiga dawlad deegaanka Soomaalida uu ku siman yahay 5%. Maalintaas wixii ka danbeeyay waxaa umadda lagu mashquuliyay isqabqabsi iyo Soomaalinimo, iyagoo indhahooda iyo garaadkooda laga jeedinayo arrinta Shidaalka. Arrinta calankana intaas unbaa loola jeedaa.
Comments
Post a Comment