QALANJO LUGO DHEER IYO WIILKII FAKHRIGA AHAA (1)
[SHEEKO JECEYL]
Qalanjo lugo dheer waxay ka dhalatay reer maalqabeen ah, waxayna aheyd ilmaha kaliya ey dhaleen aabaheed iyo hooyadeed. Qalanjo lugo dheer iyadoo nuune ah ayaa labadeeda waalid waxay ku dhinteen shil gaari—sidaasna waxay ku dhaxashay gebi-ahaan hantida labadeeda waalid. Qalanjo markey jirsatay 10 ayey waxay booqatay xarrun lagu xanaaneeyo agoomaha. Maalin maalmaha kamid ah iyadoo daawanaysa wiilal agoomo ah oo kubbad xarrunta ku dhex ciyaaraya, ayaa mid kurayadii kamid ahaa oo la oran jiray Rooble, kubbad kusoo laaday, oo wajiga kala helay.
Qalanjo gadaal ayey u dhacday, waxaa ka jabay muraayadihii ey xirneyd, xanuunkii kubadda aawadeed wey booyday. Waxaa kusoo yaacay shaqaalihii xarunta, xoghaynteedii iyo kurayadii kubadda ku ciyaarayay meesha, waxaase ugu soo hormaray Rooble—oo isagu gacanta soo qabtay, kuna guuleystay inuu qalanjada lugaheeda ku istaajiyo. Rooble wuxuu ahaa wiil agoon ah oo ka dhashay qoys sabool ah, aabihii iyo hooyadii waxba ugama tagin, xarunta wuu ku cusub yahay, weli lama qaabilin oo waxaa la waayay cid noloshiisa kafaalo qaada. Wuxuuse gaaf-wareegaa xarunta, meelahaas ayuu luflufka ka cunaa, barxadda xaruntana wuu seexdaa, waxbarashana haba sheegin. Rooble, inantii yareyd ayuu ka raali geliyay inuu kubadda kusoo laaday, inkastoo ey aheyd kama’, oo eysan aheyn ula kac.
Qalanjo wey aqbashay raaligelinta, meeshiina si aayar ah ayey uga xaluulatay. Markey gurigeedii tagtay ayaa shaqaalaheedii waxay ku wargeliyeen in wiilka kubadda ku dhuftay uusan heysan wax kafaalo qaada, uuna yahay agoon sideedoo kale. Qalanjo waxay shaqaalaheeda amar ku siisay in Rooble laga bixiyo lacagta noloshiisa oo dhan, oo ey ku jirto waxbarasho dibadeed, balse, waxay amar ku bixisay inaan loo sheegin cidda kafaalo qaaday oo ey sir ahaato, qofkii sirta sheegana shaqada laga eryayo. Shaqaalihii amarka gabadha yar ee maalqabeynta ah ayeey qaateen, Rooblana wey kafaallo qaadeen oo waxay ka bixiyeen waxwalba oo uu u baahan yahay.
Qalanjo waxay Rooble u qaaday jeceyl caruurnimo, oo maalinba maalinta ka danbeysa laabteeda yar deegaanno ka furtay. Qalanjo naftii yareyd baa isugu timid, habeen iyo maalin waxay ka fikireysaa Rooble, iyo sidey ugu sheegi laheyd dareenkaan xargaha goostay ee dhadhamadii iyo hurdadii u diiday. Laba sanadood kadib markey kafaallo qaaday ayey Qalanjo waxay soo booqatay dalkuu Rooble wax ka baranayay. Rooble markuu dibedda tagay wuu isbeddelay, oo wuxuu la qabsaday nolosha dalkuu ku noolaa. Xoghaynta Qalanjo ayaa Rooble usoo kaxeeyay gegida duyuuradaha si uu halkaas ugu soo dhoweeyo maalqabeenadda da’ yarta ah ee kafaallo qaadday noloshiisa iyo waxbarashadiisa. Rooble wuxuu sugayay oday ama habar da’ weyn, markii lagu yiri gabadhaan ayaa noloshaada iyo waxbarashadaada dabarta, wuxuu u qaatay ciyaar iyo in lagu dheelayo. Si kajin ah ayuu u yiri; ilmahaan yare e buuran ee fooshaxun ima kafaali qaadi kartee ciyaarta iga daaya dadow.
Laba kala bariday kala war la’, inanta yar jeceyl aawadeed ayey dheeftii uga go’day ciyaar iyo kaftan ma xamili karto, oohin intey ku dhufatay—oo maroor-dillaacday ayey diyaaradeedii khaaska aheyd ku carartay—waxayna duuliyihii diyaaradda ku amartay inuu meesha ka kaxeeyo oo dalkeedii dib ugu celiyo. Intey duuliyaha diyaaradda la hadleysay ayaa xoghaynteedii waxay buga-bugeeyeen Rooble, iyagoo ku eedeeyay inuu doqon yahay oo qaniinay gacantii quudinaysay. Si kastaba ha ahaatee, Rooble oo dawakhsan ayaa gurigiisii ku laabtay, kalana garan la’ waxa maanta ku dhacay. Qalanjo markey waddankeedii ku laabatay ayaa xoghaynteedii waxay kula taliyeen iney Rooble lacagta ka jarto maadaama uu yahay wiil akhlaaq xun oo aan ixtiraam u hayn qofka kafaalo qaaday. Hase yeeshee, Qalanjo luga dheer wey diiday, waxayna amar ku bixisay in waxwalba Rooble uu u baahan yahay la siiyo…
Comments
Post a Comment