Xayle Salaase: Halyey Afrikaan ah, mise Denbiile?

Xayle Salaase: Halyey Afrikaan ah, mise danbiile?

Midowga Afrika oo taallo ku maamusaya taariikhda boqorkii ugu danbeeyay ee boqortooyadii Sulaymaaniyiinta (Solomanic Dynasty) Xayla-Salaase I. Waxaa xusid mudan in taariikhyahanno badani qabaan inaan Xayla Salaase u qalmin in taallo loo dhiso, eyna jiraan hoggaamiyaal badan oo Afrika soo martay kuwaas oo kun jeer kaga xaqleh maamuuskaan. Aqoonyahannadaan ayaa ku dooday in boqortooyadii uu Xayle Salaase boqorka ahaa loo tirinayo falal-denbiyeedyo ka dhan aadanaha. Soomaaliduna waxay Xayla Salaase iyo boqortooyadisa ugu yeertaa "gumeystihii madoobaa". Sida uu qoray, Michael Feener (2004), buugiisa ‘Islam in World Cultures: Comparative Perspectives’ Xayle Salaase wuxuu ka mas’uul ahaa xasuuqii loo geystay dadkii Harariyiinta ahaa ‘Harari people’, kuna qasbay iney gobolka ka qaxaan. Qofwalba taariikhdiisu waxay leedahay samaan iyo xumaan, Xayle Salaasana waa lamid. Qoraalkaan gaaban waxaan ku eegi doonaa labada dhinac ee taariikhda Xayle Salaase, anigoo xoogga saaraya gaboodfalada uu Xayle ka geystay Geeska Afrika, gaar ahaan gobolka Harar.

Xayle Salaase waa magac loo bixiyay markuu boqorka noqday, balse intuusan xukunka qaban ka hor waxaa loogu yeeri jiray: Ras Tafari Makennon ama Ingiriis ahaan ‘MacKinnon’. Makennon wuxuu dhashay 23kii bishii Waranweedh (Luulyo) ee sanadkii 1892kii, wuxuuna ku dhashay tuulada Ejersa Goro ee kutaal gobolka Harar. Hooyadiis waxaa la oran jiray Woizero waxaana dhalay horjoogihii Oromada ee ka talin jiray gobolka Wollo oo katirsanaa gobolka Dejazmach ee Oramadu degto, waxaana lagu magacaabi jiray Cali Abba Jifar. Makennon aabihii waxaa loogu yeeri jiray Ras Makonnen Woldemikael Gudessa, wuxuu guddoomiye ka ahaan jiray gobolka Harar. Makennon aabihii waxaa iska dhalay Amxaaro iyo Oromo, sida wiilkiisaba. Makennon wuxuu boqortooyada ku helay ayeeydiis ayaa waxay eeddo u aheyd boqorkii Mililikhii 2aad (Menilik II), sida uu qoray taariikhyahanka la yiraahdo Peter Woodward buugiisa ‘Conflict and Peace in the Horn of Africa: federalism and its alternatives’ ee soo baxan sanadkii 1994kii.

Sanadkii 1910kii ayaa Mekonnon loo magacaabay inuu guddoomiye ka nqodo gobolka Harar. Xayle salaase wuxuu gacan ka geystay dhaqdhaqaaqii xukunka ka tuuray boqorka aan lagu caano shubin ee Iyasu 4, oo boqor ahaa sanadihii u dhexeeyay 1913kii ilaa 1916ka. Boqor Iyasu sababta xukunka looga tuuray waxay aheyd isagoo xiriir wanaagsan la sameystay dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobolka, iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Eeg. Buugga “Historical Dictionary of Ethiopia” ey qoreen David Hamilton Shinn iyo Thomas P. Ofcansky, 2004). Arrinkaan waxay Mekonnon usoo jiidday indhaha Masiixiyiinta mintidka ah (Christian Orthodox) ee boqortooyada Itoobiya—iyadoo sumcaddiisa ey cirka isku shareertay. Intaas kuma ekeenee, Mekonnon waxaa laga dhigay ‘Ras’ oo ah darajada dhaxal sugaha (Crown Prince) boqortooyada Itoobiya. Mekonnon intuu ahaa dhaxal sugaha wuxuu socdaallo ku kala bixiyay waddamo badan oo dunida kamid ah sida; Talyaaniga, Jarmalka, Holland, Ingiriiska, Faransiiska, Biljam, Falastiin, Masar iyo qaar kale.

Zewditu, boqoraddii Itoobiya (1916-1930) ayaa waxay Mekonnon ku eedeysay Qaran Dumis (Treason), waxaana lasoo taagay maxkamad. Mekonnon waxaa lagu eedeeyay inuu lacago iyo hub ka qaatay Talyaaniga si ey isugu fidiyaan Geeska Afrika oo idil, iyadoo boqortooyada eysan ogeyna ayuu heshiis 20 sanadood oo qarsoodi ah la galay Talyaaniga (Eeg. Buugga “Historical Dictionary of Ethiopia” ey qoreen David Hamilton Shinn iyo Thomas P. Ofcansky, 2004). Ciidamo ka socday boqoradda Zewditu ayaa isku dayay iney soo qabtaan Mekonnon, balse waxaa hareereyay ciidamada Mekonnon oo ka war helay weerarka—ciidamada Mekonnona waxaa hareereeyay ciidamo kale oo gaar u ahaa boqoradda. Ugu danbeyn waxaa la isla gartay inaan la dagaalamin, balse Mekonnon uu ka tanaasulo xilkiisa, laguna beddelo Birru Wolde Gabriel oo aad ugu dhowaa boqoradda. Si kastaba ha ahaatee, Mekonnon wuxuu taageero weyn ka helay ciidanka iyo booliiska Itoobiya, waxaana lagu soo celiyay booskiisii. Taariikhdu markey aheyd 7dii bishii Deyrhalolood (Oktoober) ee sanadkii 1928kii ayaa Ras Tafari Mekonnon (Xayle Salaase) loo duubay inuu noqdo “Negus” boqorka Amxaarada.

Michael Feener (2004), buugiisa ‘Islam in World Cultures: Comparative Perspectives’ wuxuu qallinka ku adkeenayaa in Makennon uu xasuuqay dadkii Haririyiinta ahaa ee Muslinka ahaa, isagoo intii badbaadayna ku qasbay iney gobolka ka qaxaan. Dadka Harari oo sidoo kale loogu yeero dadka Hariya, waa dad Muslimiin ahaa oo degi jiray gobolka Harar ee dhaca Bariga Itoobiya. Ezekiel Gebissa, buugiisa ‘Leaf of Allah’ wuxuu ku sheegayaa in dadka Harar ey ka unkameen qabiilka Hariya kadib markey diinta Islaamka qaateen qarnigii 10aad. Ezekiel wuxuu sheegay in qarnigii 10aad uu dhulka Hariya soo gaaray nin Carab ahaa oo lagu magacaabi jiray; ‘Abaadir Cumar Al-Ridaa’ waxaa soo dhoweeyay qabiilada halkaas degi jiray oo kala ahaa: Hariya, Gaturi and Argobba. Shiikh Abaadir wuxuu fure u ahaa in dadka Harar degaa ey Islaanimada qaataan. Sidoo kale, taariikhyahannadda lagu magacaabo Nehemia Levtzion, buugeeda ‘The History of Islam in Africa’ waxay ku sheegtay in wixii loo gaaro qarnigii 13aad Harar laga maamulayay Saldanaddii Ifad (Ifat Sultanate) oo fadhigeedu ahaa magaalada Saylac (Zeila) oo ka tirsaneyd boqortooyadii Walashma.

Sida uu kusoo warramay taariikhyahan Michael Feener, dadka Harar waxay boqortooyadii Suleymaaniyiinta ee uu boqorka ka ahaan Ras Tafari Makennon (sidoo kale loo yaqaan Xayle Salaase), kala kulmeen cadaadis badan oo isugu jiray; dil, dhac, kufsi, xarig iyo in laga inkiray gebi ahaanba xuquuqdooda muwaadinnimo. Harariyiintu markii ey u adkeysan waayeen dulmiga Makennon iyo boqortooyadiisa, waxay go’aansadeen iney Itoobiya ka go’aan oo ku darsadaan Soomaaliya (Feener, 2004). Sanadkii 1948kii, Harariyiinta waxay heshiis hoose lasoo galeyn ururka dhaliyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Club [waa inteysan SYL noqon]) waxayna qorsheeyeen iney gobolka Harar la mideeyaan Soomali weyn. Xayle Salaase ayaa ka war helay qorshaha Harariyiinta wuxuuna xasuuqay dadkii Harariyiinta ee gobolka ku noolaa badidood, isagoo in yar oo soo hartay ku amray in gobolka laga musaafuriyo—loona kala qeybiyo gobolada Itoobiya (Eeg buugga “Political Culture in Ethiopia’s Provincial Administration: Haile Sellassie, Blata Ayele Gebre and the (Hareri) Kulub Movement of 1948” ee uu qoray taariikhyahanka lagu magacaabo Tim Carmichael, 1998).

Guddoomiyihii hore ee Harar, Bereket Selassie, oo isagu marqaati ka ahaa xasuuqii Mekonnon uu u geystay dadka Harariyiinta ah wuxuu buugiisa “The crown and the pen: the memoirs of a lawyer turned rebel” ku xusay in dadka Amxaarada iyo Oromadaba ey cadaawad weyn u qabeen dadka Harariyiinta, gacan weyna ka geystay xasuuqii loo geystay dadka Harar. Sidoo kale, Bereket wuxuu xusay in 1974kii markii Xayle Salaase la afgambiyay ey dadka Harar u aheyd xoogaa naruuro ah, balse cadaawddu meesheedii kasii socotay. Bereket wuxuu taliskii military ee Mingeste Xayle Maryan ku tilmaamay sidii qof digsi lagu dhex solayay oo dabka lagu tuuray: “little more than a transition from the frying pan into the fire”. Aqoonyahanka reer Harar ee lagu magacaabo Ahmed Wehib, wuxuu buugiisa “History of Harar and the Hararis” (2015) ku xusay in Harariyiintii ka badbaaday xasuuqii Xayle Salaase, ey ku biireen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya—iyagoo qaarkood ey ka gaareen darajooyinka ugu sarreeya ee ciidanka Soomaaliya. Sidoo kale, Wehib wuxuu sheegay in dadka Harar ey ka garab dagaalameen jabhadda xorreynta Soomaali Galbeed (WSLF). Axmed Wehib waxaa kaluu sheegay in markii ciidamada Soomaalida lagu jabiyay dagaalkii 1977kii, taliska Mingiste waxay xasuuqeen dadka Harar ee ku kala noolaa Addis Ababa iyo gobolka Harar—iyagoo u aaneenayay taageerada dadka Harar u fidiyeen Soomaalida.

Sidoo kale, hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee loo yaqaan Human Rights Watch, waxay Mekonnon iyo boqortooyadiisaba ku eedeysay xadgudubyo ka dhan ah aadanaha. Waxayaabaha taliska Makennon lagu eedeeyay waxaa kamid ah, boob hantida dadweynaha, xasuuq loogeystay qawmiyadda Harari, caburin diimeed sida; burburinta astaamaha diimaha gaar ahaan astaamaha diinta Islaamka. Warbixinta ey hay’adda HRW ka diyaarisay xukunkii Xayle salaase, waxaa lagu xusay inuu dad shacab ah ku weeraray diyaarado iyo taangiyo, kuwaas oo kasoo horjeestay boobka hantidooda, iyo xad-dhaafka canshuurta. Ugu danbeyntii, Mekonnon waxaa xukunka laga tuuray bishii Todob (Febraayo) ee sanadkii 1974kii, waxaana riday kali taliskii ‘Derg’ ee uu hogaaminayay Mingiste Xayle Maryam. Mekonnon waxaa loo taxaabay xabsiga, halkaas oo uu ku qaatay bilihii u danbeeyay ee noloshiisa—wuxuuna geeriyooday 27kii bishii Samalaho (Agoosto) ee sanadkii 1975kii—isagoo 83 jir ah.

Si kastaba ha ahaatee, Xayle Salaase wuxuu ahaa boqorkii ugu saameynta badnaa taariikhda boqortooyada Suleymaaniya, marka laga reebo boqor Menelik II, ey Soomaalidu ugu yeerto boqor Mililikhii 2aad. Efraim Karsh (1988), buugiisa ‘Neutrality and Small States’ wuxuu ku dooday in Xayle Salaase sabab u ahaa horumarka casriga ah ey Itoobiya gaartay qarnigii 20aad. Karsh, wuxuu kaloo ku dooday in Xayle Salaalse siyaasad ahaan caalami ahaa (Internationalist), yacnii ma’aheyn nin jecel inuu dalkiisa oo qudha isku koobo. Khuburada siyaasadda caalamiga waxay sheegaan in Mekonnon uu ahaa aabihii Itoobiyada Cusub, Itoobiyana uu ku xiray caalamka. Mekonnon, wuxuu Itoobiya u sameeyay saaxiibo shisheeye oo garab istaagay sanadkii 1936kii markii Talyaanigu uu qabsaday Itoobiya. Mekonnon, waxaa usoo gurmaday boqortooyada Ingiriiska oo ciidankii Musoliini ka saartay Itoobiya, Xaylo Salaasana ku celisay kursigiisii.

Isku soo wada duuboo, Taariikhda Boqor Ras Tafari Mekonnon laguma soo koobi maqaal yar ah, sababtoo ah waxaa laga qoray taariikh ku xardhan buugaag waa weeyn oo majallado ah. Hase yeeshee, waxaan dhigaalkaan gaaban kusoo qaadanay in yar oo kooban oo katirsan taariikhdiisa, gaar ahaan gaboodfaladiisii. Waxaa la dhihi karaa, sida shilinku u leeyahay laba dhinac, Mekonnon wuxuu lahaa laba taariikhood oo gaboodfal iyo wanaagba isugu jirta. Inkastoo wanaagiisa uu ku koobnaa dadkiisa (waa boqortooyada uu madaxda ka ahaayee), halka gaboodfalladiisa ey isugu jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu ka geystay deegaamada qawmiyadaha kale ee ku hoos noolaa taliskiisa. Taariikhdana waxay marwalba xustaa gaboodfalada, sababtoo ah wanaagga waa mid laga filayo qofka marwalba. Haddaba, su’aasha ah; Mekonnon ma u qalmaa in taallo looga dhiso dhismaha xarunta midowga Afrika horteeda? Jawaabta su’aashaan waxaan u daayay akhristaha. Fadlan markaad su’aashaan ka jawaabeysay ka eeg dhinacyo badan, sida; iney jiraan hoggaamiyaal badan oo Afrikaan ah—kuwaas oo Mekannon kaga xaq leh maamuuskaan.

Akhrin dheeraad ah (Further readings):

للحبشة تاريخ قديم الأسرة السليمانية.. من الملك «منليك» إلى الإمبراطور «هيلاسلاسى
أحمد السيد النجار
لأقلايات في أثيوبيا.. الأنثروبولوجيا الأجتماعية
معالم الهجرتين إلى ارض الحبشة د علي شيخ احمد ابوبك
Abdurrahman Abdullahi (2017) Making Sense of Somali History: Volume 1

King of Kings: the triumph and tragedy of Emperor Haile Selassie I of Ethiopia, (2015).

Harold G Marcus (1994). A History of Ethiopia.

Paul B Henze (2000), "The Rise of Haile Selassie: Time of Troubles, Regent, Emperor, Exile" and "Ethiopia in the Modern World: Haile Selassie from Triumph to Tragedy"", Layers of Time: A History of Ethiopia, New York: Palgrave.

Kapuściński, Ryszard (1978), The Emperor: Downfall of an Autocrat.
Haile Selassie I: Ethiopia's Lion of Judah, (1979)

Leonard Mosley. Haile Selassie: The Conquering Lion.

Qalinkii: Abdiaziz Arab

Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?