DAWACADU MEESHEY MACAL UGA BARATO AYEEY MACLUUL UGU BAQTIDAA
DAWACADU MEESHEY MACAL UGA BARATO AYEEY MACLUUL UGU BAQTIDAA
Muddo nus qarni ka badan Mareykanku wuxuu isticmaalayay kaadhka rag ku qaraabta diinta Islaamka, isagoo ka dhigaya iney cadaw ku yihiin danaha Mareykanka, iyaguna iska dhigayeen iney ilaalinayaan danaha Islaamka. Si kale haddaan u dhigo, waxay labadaan qolaba jilayeen riwaayad si heer sare ah loosoo agaasimay si loo fuliyo danaha Mareykanka ee adduunka. Kooxaha argagixisada ee la huwiyay magaca Islaamka yoolkooda 1aad ee qudha waa fulinta siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka, taas oo u gogol xaadhaysa muquulinta iyo gacan ku dhigidda dawladaha Islaamka.
Siyaasadaan isticmaalka qaar sheeganaya Muslimiin oo u eg Muslimiin, Mareykanku wuxuu kusoo caano maalay muddo dheer, wuxuu xaqiiqdii ku qabsaday amaba gacanta ku dhigay badi waddamada Islaamka. Kadib markuu soo irlaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, markii Naasiga iyo xulufadiisa afka ciidda loo daray, waxaa dunida ka bilowday wax loogu yeeray Dagaalkii Qaboobaa (The Cold War). Dagaalkaan Qaboow wuxuu u dhexeeyay labada quwadood ee dunida ka arriminaysay xilligaas; Midowga Soofiyeed iyo Huwanta Reer Galbeedka, amaba Warsaw iyo Nato. Dagaalkii Qaboobaa ma'ahey mid fool-ka-fool ah, balse wuxuu ah ahaa mid dadban, waana sidaas sida loogu bixiyay Dagaalkii Qaboobaa. Taa beddelkeeda, Huwanta Reer Galbeedka waxay isticmaaleen rag loogu yeeray "Mujaahiddiin" kuwaas oo ey Huwanta Reer Galbeedku siiyeen hub, maal iyo saanad si ey ula dagaalamaan quwadaha Midowga Soofiyeed. Waxba yuusan hadalku ila durkinee, Huwanta Reer Galbeedka iyo nimanka loogu yeeray "Mujaahidiin" waxay ku guuleysteen in dhammaadkii 1991kii ey ridaan quwadda Midowga Soofiyeed, oo ka arrimin jirtay in ka badan kala bar dunida. Kadib maxaa dhacay?
Wadaadadii la baxay "Mujaahidiin" qaarka madaxda ahaa wey la socdeen ciyaarta meesha ka socotay, balse dhalinyarada oo niyad sami ku yimid waxba lama socon. Qorshaha Huwanta Reer Galbeedka uu horboodayay Mareykanka ayaa waxay aheyd in marka lagu guuleysto jabinta Midowga Soofiyeed, "mujaahidiinta" la baabi'iyo oo iyaga dhexdooda la isku adeegsado. Horjoogayaashii Mujaahiddiinta ey kamid ahaayeen Qulbuddiin Xikmatiyaar, Abdul Rab Rasuul, Axmed Shaah Mascuud iyo qaar kale ayaa waxaa ka dhex bilaabmay dagaal lagu hoobtay, oo baabi'iyay awooddii mujaahiddiinta. Huwanta Reer Galbeedka, aayar ayey gacmaha kasoo falxasheen Dagaalkii Qaboobaa iyadoon wiil kaga dhiman, magaalo ey leeyihiina xagtin soo gaarin.
Markale ayey Huwanta Reer Galbeedka u baahnaadeen iney isticmaalaan wax ma garatada magaca Islaamka sita, si Mareykanku si dhab ah isugu fidiyo dunida Islaamka oo dhan. 11kii bishii Karan (Sebteembar) sanadkii 2001kii ayaa waxaa la weeraray daarihii Rugta Ganacsiga Adduunka (World trade Centre WTC) iyo xarunta hoggaanka ciidanka Mareykanka ee loo yaqaan Pentagon. Weerarkaan waxaa dusha u ritay ururka argagixisada ee Al-Qaacida ee uu hogaaminayay Usaama Bin Laadin. Khubaro badan oo si madaxbanaan baaritaan u sameysay ayaa waxay qabaan ineysan suurtagal aheyn in urur argagixiso fuliyeen weerarka intaas le'eg, eyna tuhmayaan in sirdoonka Mareykanka uu fuliyay qaraxaan, si Ciraaq loo qabsado. Taasina wey dhacday oo sanadkii 2003kii Mareykanku wuxuu ku duulay Ciraaq isagoo Saddaam Xuseen ku eedeeyay inuu heysto hub sun ah. Kadib maxaa dhacay?
Mareykanku wuxuu soo abaabulay amaba ugu yaraan taageeray wax loogu yeeray Gugii Carabta, kaas oo ahaa kacdoon xukunka looga tuurayay kaligiitalisyo muddo dheer ka arriminayay waddamada Carabta. Meeshii ugu weyneed ee loo socday waxay aheyd Liibiya oo la doonayay in gacanta lagu dhigo shidaalka waddankaas; Qaddaafina cashar loo dhigo maadaama uu xoogaa ku madax adeegay, yoolkaasna waa laga salgaaray. Kadibna waxaa la aaasaasay wax loogu yeeray "Khilaafada Islaamka" oo laga aasaasay Ciraaq iyo Suuriya; ujeedkuna wuxuu ahaa in Suuriya iyo dawladdeeda meesha laga saaro, yoolkaas wax uga hirgalay, balse ma guuleysan--oo waxaa la oran karaa wuu fashilmay, kadib markii Ruushku ishortaagay in Suuriya la weeraro. Markii qorshihii ISIS waxba kasoo naaso-caddaan waayeen, Huwanta Reer Galbeedka waxay ku qasbanaadeen iney gacmahooda ISIS ku burburiyaan inteysan ku xoogeysan.
Usbuucii hore ayuu Mareykanku wuxuu $1 milyan oo abaalmarin ah u balanqaaday cidii soo sheegta meesha uu ku sugan yahay Xamse Bin Laadin oo ah wiil uu dhalay odaygii Usaama Bin Laadin ee ahaa madaxii argagixisada Al-Qaacida ee u adeegeysay danaha Mareykanka. Xamse waxaa lagu soo warramay inuu la wareegay kooxdii Al-Qaacida ee aabihii ka dhintay, uuna doonayo inuu weeraro danaha Mareykanka ee xuduudaha Bakistaan. Sidii riwaayidihii hore ee aan daawashadooda ka daalnay, Mareykanku wuxuu rabaa inuu gabankaan u isticmaalo siduu u burburin lahaa quwadda Nukliyeer ee Bakistaan. Kadibna waxaa ku xigta Iiraan, waxaana suuragal ah in Iiraan lagu bilaabo. Aw Mareykanoow, dadku dadkii ma'aha, mahuna mahii ma'aha.
Soomaalidu waxau ku maahmaahdaa, Dawacadu meeshey macal uga barato ayey macluul ugu baqtidaa. Mareykanka, wuxuu hal kaadh xoqanayay muddoo nus qarni ka badan, wacyiga Muslimiintu haatan wuxuu joogaa heer lagu xamdiyo. Inkastoo eysan jirin amaba ey yar yihiin dawlado Muslimiin ah oo 100% danaha Muslimiinta u adeegta, haddana majiri doonto dhalin sidii xaabada dab loogu shito sidii waayadii hore. Dhalinta Muslimiinta badidood haatan wey ka dheregsan yihiin inuusan jirin wax la yiraahdo jihaad, ee ey tahay aragtiyo ey adeegsanayaan kooxo u adeegaya danaha Mareykanka iyo reer Galbeedka. Khubarada siyaasadda waxay saadaalinayaan iney soo wiiqmeyso awoodda Mareykanka, suurtagalna ey tahay in goordhow uu Shiinuhu kala wareego hoggaaminta dunida.
FG: Labadaan sawir mid Xamse Bin Laadin, midna waa Cumar Bin Laadin iyo xaaskiisa Jane Flex-Browne.
Comments
Post a Comment