FICILKA WANAAGSAN WUXUU KA XOOG BADAN YAHAY HADALO BADAN

FICILKA WANAAGSAN WUXUU KA XOOG BADAN YAHAY HADALO BADAN
Waa haweeney waayeel ah oo lugaha iyo gacmahaba ey soo laabmeen, wajiguna uu duub-duubmay, waxay subax walbaa xaabo u raadisaa magaalda banaakeeda. Goobtu waa Makkah, qoraxdu aad ayey u kulushahay, hanfiguna indhuhuu kaa leefayaa. Haweenaydaan da’da ah waxay maalin walbaa soo dhexmartaa bulsho badan oo in badan ey yihiin dhalinyaro xoog leh, lakiin; cidina dan iyo heelo kama gasho, in la caawiyo iska daa ee. Maalin maalmaha kamid ayaa nebi Maxamed NNKH wuxuu arkay habartaan waayeelka ah ee la ciir-ciireysa xaabo aad u fara badan oo eysan qaadi karin.

Sida nebi Maxamed NNKH caadadiisa kamid aheyd inuu dadka u axsaan falo gaar ahaan dadka waayeelka, ayuu habartii ka qaaday xaabada oo gurigeeda u geeyay. Habartu ma aqoon ninka xaabada u qaaday cidduu yahay, arageeeda oo liita aawadeed! Laakiin waxay aragtaa nin dhalinyaro ah oo axsaan iyo akhlaaq isku darsaday.
Yeelkadeedee, habarta iyadoo la talineysa nebiga intii ey soo socdeen ayey ku tiri; “ninyahow dhalinyarada ahi waxaad tahay nin wanaagsan, waxaan jeclaan lahaa inaan ku abaalmariyo, laakiin; xoolo aan ku siiyo mahayo. Waxaanse kuu sheegayaa talo wanaagsan—waxaa magaalada jooga nin la yiraahdo Maxammed oo diin cusub la yimid. Wuxuu leeyahay waa in laga tagaa ilaahyadeena iyo ilaahyada aabayaasheen oo la caabudaa hal ilaah oo qudha. Ilaahyadayadii 360ka kor u dhaafayay buu ku leeyahay waa in laga tagaa oo la caabudaa hal ilaah. Ninyahow wiil wanaagsan oo akhalaaq iyo axsaan isku darsday baad tahay ee ninkaas Maxammed lagu sheegay ka fogoow”.

Markii uu rasuulku NNKH uu xaabadii geeyay guriga habarta uu jidka kula kulmay, ayuu damcay inuu iska soo ruqaansado isagoon sugeynin in lagu mahadiyo ama abaalmarin lagu siiyo axsaanka uu sameeyay.

Habartii ayaa ka daba qaylisay oo ku tiri, iyadoo ku celcelinaysa: “ninyahow ha tagin wax yaroo talo ah ayaan ku siinayaa, ka fogoow Maxammed waa nin xun oo diin cusub keenay, dadkii wuu baadiyeeyay, dadkii adoomada ahaa ayuu la fariistaa—oo—uu sharfaa, dadkii sharafta lahaa ee qabiilada waa weyn ka dhashayna wuu liidaa—oo—ma ciseeyo. Dadkii waa uu kala geeyay, anigu qorax sii dhaceysa ayaan ahay oo nolosha khibrado badan kasoo aragtay nin wanaagsana waad tahay—ee—Maxammed iska ilaali yuusan ku duufsan, waxaa la yiri hadalo sixir ah ayuu ku hadlaa”.
Habartii markii ey waanadii u dhameysay ayuu rasuulku NNKH damcay inuu iska soo tago, isagoon innaba wax falcelin ah ka sameyn, eedeynta iyo been abuurka magaciisa loosoo jeediyay. Habartii ayaa ka daba qeylisay oo tiri sug! Waxaan ilaabay inaan magacaaga ku weydiiyo, ee magacaa wiiloow? Rasuulka NNKH ayaa ku jawaabay magaceygu waa maxammed!!!!!!! Habartii ayaa ku jawaabtay yaah!!! Ha ila yaabin dhagaheygu da’ bey marayaan eysan si wacan waxba u maqaleyn, ee igu soo celi, magacaa??? Rasuulka ayaa ku jawaabay magaceygu waa Maxammed!! Habartii waxay tiri: Ashhadu An Laa Ilaaha illa Allah Wa Ashhadu Anna Muxammadan Rasuulullah. Halkaasna ayey ku muslimtay iyadoon rasuulku ugu yeerin diinta, habarta waxaa isku qaban waayay Maxammedka ey indhaheeda ku aragtay ee akhlaaqda iyo axsaanka badan, iyo Maxammedka beenta looga sheegay.

FG: ficilka wanaagsan wuxuu ka xoog badan yahay hadalo badan.
Sawirka waxaan kala soo degay Google.


DULUCDA

Ha rumaysan wax walba oo lagaaga sheego qof  kale oo aadan arag dhaqankiisa ama aadan maqal fikirkiisa.
Ha noqon dameeri dhaan raacday.
Hubso wax walba oo laguu soo sheego.
Wax walba kula dhaqan i tus oo i taabsii.




Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?