NASRA MAKAANIK: "waxwalba oo nin sameeyo gabadh waa sameyn kartaa"

Nasra waa inan yar oo 11 jir ah, waxay ku dhalatay tuulo ku taala baadiyaha gobolka Hiiraan. Waxay ka dhalatay qoys sabool ah. Aabaheed waa 90 jir da’ ah—oo—inuu qoyska u shaqeeyo iska daayee isaga u baahan in la xanaaneeyo. Nasra waa ilmaha labaad ee ugu weyn qoyska. Qoyska Nasra wuxuu ka kooban yahay labadeeda waalid iyo 5 walaalaheed ah. Hooyadeed waxay aroortii u kalahdaa suuqa bal si ey isugu daydo iney nolol maalmeedka qoyska usoo hesho. Si kastaba ha ahaatee, waxa soo gala maamada Nasra kuma filna qoyska. Tuulada ey Nasra iyo qoyskoodu ku nool yihiin waxaa gacanta ku haya kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo aad u koontoroola dhaqdhaqaaqa dadka, dumarkana waxay badi faraan iney guryahooda joogaan.

Xaalku wuxuu sidaas ahaadaba, waxaa dalka ku habsaday abaartii 2011kii taas oo dhibaataysay dad iyo duunyo. Nasro iyo qoyskeeda oo xiligii barwaaqada silic ku noolaa, xaalkoodu wuu kasii daray.

Nasra waxay qaadan weyday oo ka degi waayay xaaladda qoyskeedu ku sugan yihiin, waxayna garowsatay ineysan suurtagal aheyn in qoyskeedu uu silicaan kusii jiro. Nasra weli waa ilma caruur ah oo 11 sano jirta, laakiin waxay ku fikireysaa maskax qof weyn. Nasra waxay go’aansatay iney nolosheeda iyo tan qoyskeedaba wax ka bedesho. Si himildeeda ey u gaarto, waxay go’aansatay iney tuulada ka tagto oo u hayaanto xaggaas iyo caasimadda dalka, Muqdisho. Hal mushkilo ayaa Nasra heysatay, waa ilmo yar, haddii ey meel u safrayso waa iney reerkeeda la safartaa, ama reerkeeda ey ku daraan dad la yaqaan oo xanaaneeya.

Yeelkadeedee, Nasra waxay ogeyd ineysan intaba suurtagal aheyn, waayo haddii ey u sheegto qoyskeeda qorshaha safarkeeda gaar ahaan labadeeda waalid waa loo diidi lahaa. Sidaas daraadeedna wey ka qarisay waalidkeed iyo walaalaheed qorshahey damacsan tahay.

Giraantu waxay soo wareegtaba, habeenada iyo maalmaha kulkulul ee abaarta heysa deegaanka ey Nasra ku nooshahay uu kasii darro, Nasra waxaa kusii xoogaystay rabitaanka ah iney u socdaasho caasimadda si ey u raadsato shaqo ey ka biisho reerkooda—oo—ey noloshooda wax uga bedesho. Maalin maalmaha kamid ah ayeey heshay gaari u baxaya caasimadda, darawalkii ayeey siisay xoogaa lacag ah oo ey bilo uruurinaysay, sidaas ayeeyna kusoo raacday gaarigaas. Wadadu waa raf jajaban, gaariga ey Nasra saaran tahay waa gaari gaboobay oo xilli walba ku jabi kara wadada dhexdeeda. Deegaanada uu gaarigu dhexmarayo waxaa ka jirta colaad iyo rag shufto ah oo jidgooyo u dhigta dadka musaafiriinta ah. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu gaariga duqa ah uu dilindiloodaba waxa galay sadkiisii—oo wadada ayuu ku xumaaday, meel eeri-go’an ah oo aan dad iyo duunyo midna ka dhoweyn.

Xaalka Nasra iyo musaafiriintii kalaba wuxuu sidaas ahaado, saadkii ey wateen oo ey ugu talo galeen safarka ayaa ka dhamaaday. Dhulku waa abaar, waa cir kaa dheer dhul kaa dheer, rajadooda qudha waa iney helaan cid wadada ey marayaan oo safar ah soo marta. Nasra waxaa wehel u noqday cabsi, gaajo iyo oon. Ceelna uma qodna cidina uma maqna! 10 cisho markuu xaalka sidaas ahaa, ayaa waxaa wadadii soo maray gaari u raran xaggaas iyo caasimadda. Nasra waxaa u suurtagashay iney boos ka hesho gaariga, sidaasna ey ku timaado Muqdisho. Nasra cidna kama taqaan magaalada Muqdisho, waxay hooyadeed ka maqli jirtay haweenay ey hooyadeed qaraabo dhow yihiin iney degen tahay magaalada. Baadigoob iyo haybsi dheer kadib, Nasra waxaa u suuragashay iney gaadho islaan ey ugu yeerto habaryar.

Nasra Xamar uma imaan dalxiis iyo qaraabo salaan toona, ee waxay ku socotaa yididiilo iyo qorshe ah iney wax ka bedesho nolosheeda iyo nolosha qoyskeeda. Nasra waxay aroor walba u kalahdaa shaqo dayday, laakiin nasiibdarro kuma eysan guuleysan. Sababtana waxay aheyd bulshada oo aan rumaysan waxa ilmahan yar ka guuxaya oo hadana gabadha ah. Dadku waxay Nasra u arkayeen ilma yar oo iska ciyaaraysa, waxay badi ku oran jireen; orod gurigiina aad, iyo waa in waalidkaa dugsi ama uskuul kuu diraan. Wuxuu xaalkeeda sidaas ahaadaba, marakan Xamar waxay joogtaa 6 bilood wax shaqo ahna ma eysan helin.

Dhanka kale, deegaankii ey kasoo kicitimtay iyo qoyskeeda ma oga Nasra meesheey aaday, waxay u heystaan in la xaday ama ey tahriibtay.

Yeelkadeedee, aroor arooryaha kamid ah ayaa Nasra oo shaqo dayday ah kusoo baxday garaash lagu hagaajiyo gawaarida. Mulkiilihii garaashka ayeey uga sheekeeysay qisadeeda xanuunka badan, markan Nasra waxay ku guuleysatay iney hesho laba dhagood oo maqlaya wax aka guuxaya, iyo qalbi la xanuunsaday oo rumeeyay qisadeedii. Mulkiilihii wuxuu shaqaaleysiiyay Nasra, wuxuuna bilaabay inuu baro sida gawaarida loo hagaajiyo. Nasra waa qof maskax furan, cabsi aan ku jirin; waxay marwalba niyadda ku heysaa qoyskeedii ey rafaadka iyo abaarta uga soo tagtay, iyo yididiiladeeda ah iney wax ka bedesho nolshooda. Muddo yar kadib Nasra wey qalanjabisay, waxayna noqotay makaanik buuxa oo sameynta birta looga danbeeyo. Nasra waxay tiri; lacagta isoo gasha badideed bishii oo dhan waxaan u diraa qoyskayga si ey nolol fiican ugu noolaadaan. Sabuunka ku xirnaa garaashka ee gawaarida loo sameyn jiray, judhii hore ma eysan ku aamini jirin in Nasra ey hagaajiso gaarigooda, oo waxay ka aaminsanaayeen inaan gabadh gaari hagaajin karin. Qaar weyba aflagaadeyn jireen Nasra, iyagoo ugu yeeraya magacyo lid ku ah dumarnimadeeda.

si kastaba ha ahaatee, gabagabadii Nasra kuma guuleysan himiladeedii oo qudha, ee waxay ku guuleysatay iney dumarka Soomaaliyeed u noqoto tusaale wanaagsan oo ah in dumarku shaqo walba qaban karaan. Nasra oo la hadlaysa dumarka waxay tiri; “Waxaan hablaha adduunka guud ahaan, kuwa Soomaaliya gaar ahaan u sheegayaa iney naftooda ku kalsoonaadaan oo eysan meel isku koobin, wax walba oo nin sameyn karo gabadhna wey sameyn kartaa”.

Nasra Xuseen Ibraahim haatan waa 18 jir looga danbeeyo hagaajinta gawaarida.

Comments

Popular posts from this blog

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland: Musmaarkii Ugu Dambeeyay Ee Naxashka Qabyaaladda, Urur-Diimeedyada iyo Afkaaraha Duugoobay

Marka Sagxadda La Gaaro: Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Fursadda Dib-u-Kaca Qadiyadda Soomaalida

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?