WEYDII KHABIIRKA

WEYDII KHABIIRKA

Dhaarta inuusan denbi gelin denbiilaha (sida kuwa gabdhaha kufsada) waxay ansax tahay oo qudha haddii la waayo marqaatiyaal ama caddeymo. Balse, haddii caddeymo la hayo sida kufisgii ka dhacay Goldogob oo daalimiintu ey video ka duubeyn denbigooda deedna ey ku baahiyeen baraha bulshada, dhaar looma baahno sababtoo caddeymihii ayaa yaal. Sidoo kale, haatan dunida waa horumartay oo dhaar loomaba baahno, haddii la raaco caddeymaha ku yaal jirka gabadha la kufsaday, loona geeyo dhaqaatiir aqoon u leh (forensic crime specialists and pathologists) oo caddeymaha jirkeeda soo uruuriya, sida dheecaamada, calaamdaha jirdilka IWM.

Dhiiga banii'aadanka isma qariyo, waxaana nalooga baahan yahay inaan xoogga saarno in haddii kufsi ama dil dhaco, sida ugu dhaqsaha badan in dhibanaha loogu geeyo khubaro caafimaad oo uruuriya caddeymaha inta eysan dhiman.

Denbiile u bareeray dil ama gabadh kufsaday oo ah denbiyada ugu waa weyn Alle agtiisa marka laga soo tago shirkiga, waxba lama aha inuu kitaab xuf ka siiyo, sababtoo ah hadduu dhaar ka baqayo, waxna ma dileen mana kufsadeen markii horaba.

Culumada waxaan leeyahay, ilaahey kheyr ha idiin siiyee, fadlan ka daaya dhaarta aad usoo hormarineysaan denbiilayaasha; oo marka hore intaad caqligiina isticmaashaan raadiya caddeymaha in qofkaan uu galay denbiyada lagu soo eedeeyay. Kaalmeysta aqoonyahannada ku takhasusay denbi baarista, weydiiya khuburada  فَاسْأَلْ بِهِ خَبِيرًا.

Waxaa lasoo wariyaa in Cumar Bin Khadaab la weydiiyay meeqa kiish oo bur ah (daqiiq) ayaa ku filan in muufo ama rooti looga sameeyo 300 oo nin oo marti u aheyd. Wuxuu yiri wax yar i suga. Suuqa ayuu tagay, wuxuu u tagay nin rootiga dubistiisa khabiir ku ah, wuxuu weydiiyay inta kiish oo daqiiq ah ee ku filan 300 oo nin rootigood. Ninkii wuu usoo sheegay inta kiish oo daqiiq ah ee loo baahan yahay, Cumar wuxuu kusoo laabtay raggiisii--wuxuuna amray in la isticmaalo inta kiish ee khabiirka rootiga dubaa uu usoo sheegay. Arrinkaan waxaan uga gol-leeyahay, majiro qof cilmiga oo dhan wada yaqaan, qof walba meel buu khabiir ku yahay--si eynu bulsho ahaan u badbaadno, waxaa qasab ah inaan is kaalmeysano oo qof walba meeshuu khabiirka ku yahay loo isticmaalo.

Alle wuxuu Quraanka ku yiri: وَرَفَعْنَا بَعْضَهُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ لِّيَتَّخِذَ بَعْضُهُم بَعْضًا سُخْرِيًّا "barkood barka kale ayaan ka sare marsiinay darajado, si barkood barka kale uga yeesho sakhiraad (u fududeysa noloshooda)". Yacnii, wadaaku wuxuu u baahan yahay dhaqtar daweeya, dhaqtarku wuxuu u baahan yahay wadaad xaas u meheriya, ninku wuxuu u baahan yahay naag; sidoo kale naagtu waxay u baahan tahay nin. Ganacsaduhu wuxuu u baahan yahay askari nabaddiisa suga, askarigu wuxuu u baahan yahay ganacsade canshuur bixiya oo mushaarkiisa dhiiba si uu reerkiisa u biisho. Sidoo kale, qaaligu wuxuu u baahan yahay garyaqaanno iyo khuburo noocyadeeda kala duwan si uu xukunkiisa u noqdo mid caddaalad ah, garyaqaankuna wuxuu u baahan yahay qaali rida xukunka adag ee uu garyaqaanku ama xeer-ilaaliyuhu muddada kusoo indho beellay. Dhammaanteen waan isku baahannahay waana isku sakhirannahay, aan iska dayno inaan nafteena u sheegno inaan waxwalba naqaan.

Culumada ama qaaliyaasha maxkamadaha si ubadkeena aan uga badbaadino tacaddiyadaha kufsiga, dilka iyo bahdilaadda, waxaa qasab ah iney kaalmeystaan aqoonyahanka culuumta kala duwan ku takhasusay, sida dhaqaatiirta qeybahooda kala duwan, denbi-baarayaasha, khubarada kasmonafeedka (psychologists), sheybaarayaasha IWM--oo khibraddooda ey dhegeystaan qaataana, si ey u ridaan xukun caddaalad ah.

Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?