MAXAAN ALLE U CAABUDAYNAA?

Eebe SWT wuxuu Quraanka ku yiri: وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ "Jinniga iyo Aadanaha uma abuurin iney i caabudaan mooyee". aayadaha ku xiga wuxuu Alle ku leeyahay: مَا أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَا أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ (57) إِنَّ اللَّهَ هُوَ الرَّزَّاقُ ذُو الْقُوَّةِ الْمَتِينُ "Ka dooni mayo wax risqi ah [Aadanaha iyo Jinniga] kana dooni mayo iney i quudiyaan. Alle unbaa ah Arsuqe Xoogbadane."

Hagaag, su'aasha imaanaysa waxay tahay; maadaama Eebe ka deeqtoon yahay abuurkiisa, waxna uusan uga baahneyn, maxay tahay sababta aan Alle u caabudaynaa?

Imaam Ibnu Katiir Alle haka raali noqdee ayaa wuxuu ka tagay oraah dhaxalgal ah oo uu ku yiri: Quraanku barkiis bar ayuu fasiraa. Innagoo ka duulayna ooraahda Ibnu Katiir; maka heli karnaa Quraanka sababta aan Alle u caabudayno?

Eebe oo noo sharraxaya sababta aan u caabudayno wuxuu yiri:
يَا أَيُّهَا النَّاسُ اعْبُدُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ وَالَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
"Dadoow caabuda Eebihiina idin abburay idinka iyo kuwii idinka horreeyay, waxaadna mudataan inaad dhowrsataan [Alle ka cabsi]".

Haddaba haddii yoolka cibaadadu yahay 'dhowrsanaan ama Alle ka cabsi', haddaba maxay tahay yoolka Alle ka cabsiga, haddaan si kale u dhigo maxaynu Alle uga cabsanaynaa?

Eebe oo noo sharraxaya yoolka ka danbeeyay cabsida wuxuu yiri: وَلَقَدْ نَصَرَكُمُ اللَّهُ بِبَدْرٍ وَأَنتُمْ أَذِلَّةٌ ۖ فَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ "Alle wuuu idiin gargaaray maalintii Badar idinkoo tabardarran, ee Alle ka baqa waxaadna mudantihiin inaad ku mahadisaan."

Erayga shukrin 'شْكُرُ' qeybaheeda iyo falalkeeda kala duwan wuxuu Quraanka kusoo arooray ugu yaraan 75 jeer (waa tirinteeda, waana laga yaabaa inaan wax qalday). Shukrintuna ma'aha afka oo qudha, ee xooggeedu waa fal iyo shaqo la sameynayo si Eebe loogu shukriyo. Eebe oo shukriga micnihiisa sharraxaya wuxuu yiri: اعْمَلُوا آلَ دَاوُودَ شُكْرًا وَقَلِيلٌ مِنْ عِبَادِيَ الشَّكُورُ "Fala reer Daauudow shukrin, in yar ayaa addoomadayda shukrisa". Markaan aayaddaan weelayno waxaan ka fahmaynaa in shukrintu tahay fal ee eysan ku koobneyn erayo afka laga yirahdo.

Sidoo kale, yoolka Alla ka cabsiga waa in aqoonteena ey ku korodho, macalin Alle ka wanaagsan miyaa jira? Eebe waa ubucda aqoonta oo dhan. وَاتَّقُوا اللَّهَ ۖ وَيُعَلِّمُكُمُ اللَّهُ ۗ وَاللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ "Alle ka dhowrsada; Alla waxbuu idin bariyee, Allna waxkasta waa ogyahay".

Yoolalkaas oo dhanna waxay kusoo uruurayaan oo ku dhammaanaya u laabashada Eebe: وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الْمُنتَهَىٰ "Eebahaa xaggiisa ayaa loo ahaan".

Haddaba yoolkeena sidaan buu noqon.
Cibaado------>Dhowrsanaan------>Shukrin------>Barashada Eebe------>Eebe xagiisa loo laabto.

Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

JECEYL & CUNSURINIMO: SIDEE JECEYLKAAGA UGU AARGUDI LAHEYD, HADDII XAALADDAAN OO KALE EY KU QABSATO?