Posts

Showing posts from June, 2019

BALLANTII BUUNDADA JABAN IYO NUUNIHII JECEYLKA

Image
BALLANTII BUUNDADA JABAN IYO NUUNIHII JECEYLKA Qian Fenxiang waxay leedahay uur weyn—oo waxaa soo dhow ajasheedii. Qian, waxaa heysa cabsi, kama baqayso dhalidda ama xanuunka foosha, balse waxay ka baqaysaa dawladda, sababtoo ah Shiinaha ma ogola in qoysku uu dhalo hal cunug ka badan. Qian iyo gabadheeda 3 jirka ah waxay ku dhuunteen gurI-doon webiga dul heehaabaya—si ey cunugeeda labaad ugu dhasho. Lix usbuu kadib waxay dhashay gabadh. Xu Lida oo ah sayga Qian, ayaa ka dhaliyay, mandheerta ayuu ku jaray maqas guri aan aheyn kan dhaqaatiirta isticmaalaan, waxwalba waxay ku socdeen sidey qorsheeyeen, ilaa ibidii ey soo dhici weyday. Waana khatar weyn oo suurtagal ah in hooyadu u dhimato haddaan ibida lasoo ridin. Isbitaal ma tagi karaan, oo waxay ka baqayaan in la ciqaabo. Nasiibwanaag, waxaa ka ag dhowaa xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay. Xaruntii ayey isku biimeeyeen. Dhaqtarkii xarunta joogay ayaa la tacaadhufay xaaladda banii’aadannimo oo ey ku jiraan qoyskaan, wuxuuna a...
Image
QABRIGU MA SOCDEE; QOFKIISAA SOCDA! (QISO DHAB AH) Islaan qabtay cudurka cancer-ka oo degeneyd dalka Ingiriiska baa dhaqaatiirteeda waxay ku yiraahdeen cudurku jidhkaagoo dhan buu ku faafay, rajo malihid ,waxaad dhimaneysaa 3 bilood gudahood. Talo labaad oo dhaqaatiir kale ah bey raadsatay iyagana waxay ku yiraahdeen sidii dhaqaatiirtii hore. Go'aan bey waxay ku gaartay iney Soomaaliya aaddo oo halkaas ku dhimato, markey Soomaaliya tagtay oo eheladeedii uga sheekeysay xanuunka haya iyo mudada loo qabtay baa Islaan walaasheed aheyd oo caruur agoon ah heysatay waxay ku tiri: walaaley waad ogtahay oo caruur agoon ah baan koriyaa maadaama aadan Ingiriiska mar danbe ku laabaneyn, walaaley aan kuu duceeyee in ilaahey kuu denbi dhaafo baasaboorkaa isii aan Ingiriiska ku aadee, si agoontaas masaakiinta ah ee aad habaryarta u tahay ugu soo xoogsado. Islaantii xanuunsaneyd baa tiri ma intaas kaliya!! Hoo baasaboorka walaal oo weli anigaa ticketska kuu jaraya. Islaantii ilmaha agoo...
Image
  TRUMP MUXUU UGA LAABTAY WEERARKA IIRAAN? Habeenimadii Khamiista ciidamada cirka iyo badda ee Mareykanka ayaa waxaa amar lagu siiyay iney weeraraan Iiraan, iyadoo ujeedadu tahay aargoosi—maadaama Iiraan ey soo riday diyaarad aan duuliye wadin oo macluumad uruurinaysay—taas oo Mareykanka ugu fadhiday adduun gaaraya $110 milyan. Haddaba maxay tahay sababta uu Trump u joojiyay weerarka? Miyuu baqay? Mise waxaa jirta istiraatiijiyad weyn oo uu Trump damacsan yahay? Trump oo ka faaloonaya sababta uu weerarka u joojiyay ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay: "Diyaar ayaan u aheyn inaan Iiraan weerarno, qoryuhu wey noo cabbaysnaayeen, 3 meelood ayaan qorsheenay inaan Iiraan ka weerarno. Janaraalka ciidanka xukuma ayaan weydiiyay; meeqa qofood ayaa ku dhiman weerarkeena? Wuxuu igu yiri 150 qofood. 10 daqiiqo ka hor xilliga weerarka ayaan ciidamada amar ku siiyay iney weerarka joojiyaan, sababtoo ah, diyaarad aan duuliye laheyn rididdeeda uma qalanto in 150 qofood loo d...