QABRIGU MA SOCDEE; QOFKIISAA SOCDA!
(QISO DHAB AH)
Islaan qabtay cudurka cancer-ka oo degeneyd dalka Ingiriiska baa dhaqaatiirteeda waxay ku yiraahdeen cudurku jidhkaagoo dhan buu ku faafay, rajo malihid ,waxaad dhimaneysaa 3 bilood gudahood. Talo labaad oo dhaqaatiir kale ah bey raadsatay iyagana waxay ku yiraahdeen sidii dhaqaatiirtii hore.
Go'aan bey waxay ku gaartay iney Soomaaliya aaddo oo halkaas ku dhimato, markey Soomaaliya tagtay oo eheladeedii uga sheekeysay xanuunka haya iyo mudada loo qabtay baa Islaan walaasheed aheyd oo caruur agoon ah heysatay waxay ku tiri: walaaley waad ogtahay oo caruur agoon ah baan koriyaa maadaama aadan Ingiriiska mar danbe ku laabaneyn, walaaley aan kuu duceeyee in ilaahey kuu denbi dhaafo baasaboorkaa isii aan Ingiriiska ku aadee, si agoontaas masaakiinta ah ee aad habaryarta u tahay ugu soo xoogsado. Islaantii xanuunsaneyd baa tiri ma intaas kaliya!! Hoo baasaboorka walaal oo weli anigaa ticketska kuu jaraya.
Islaantii ilmaha agoonta ah heysatsy wey soo dhooftay, usbuuc markey London joogtay wey dhimatay, iyadoo aan wax cudur ah lagu ogeyn. Islaantii cancerka qabtay ee loo qabtay iney 3 bilood gudahood ku dhimameyso Allah caafimaad buu siiyay weli wey nooshahay, geerideeda ma aanan maqal. Allah SWT wuxuu yiri:
"وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ"
Nafina ma oga dhulka ey ku dhimameyso"
Imam Shaafici ilaahey ha unaxariistee wuxuu yiri:
وكم من صحيح مات من غير علةٍ _-_ وكم من سقيم عاش حينًا من الدهر
وكم من فتى يمسي ويصبح ضاحكًا _-_ وقد نُسِجَتْ أكفانُه وهو لا يدري

Meeqa caafimaad qabaa ayaa dhintay cillad la'aan, meeqa mariil ahaa ayaa in badan sii noolaaday.
Meeqa wiil waagu u baryay gabalkuna u dhacay iyagoo qoslaaya, iyadoo kafantoodii la tolay iyagoon war heyn. 

Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?