TRUMP MUXUU UGA LAABTAY WEERARKA IIRAAN?


Habeenimadii Khamiista ciidamada cirka iyo badda ee Mareykanka ayaa waxaa amar lagu siiyay iney weeraraan Iiraan, iyadoo ujeedadu tahay aargoosi—maadaama Iiraan ey soo riday diyaarad aan duuliye wadin oo macluumad uruurinaysay—taas oo Mareykanka ugu fadhiday adduun gaaraya $110 milyan. Haddaba maxay tahay sababta uu Trump u joojiyay weerarka? Miyuu baqay? Mise waxaa jirta istiraatiijiyad weyn oo uu Trump damacsan yahay?


Trump oo ka faaloonaya sababta uu weerarka u joojiyay ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay:


"Diyaar ayaan u aheyn inaan Iiraan weerarno, qoryuhu wey noo cabbaysnaayeen, 3 meelood ayaan qorsheenay inaan Iiraan ka weerarno. Janaraalka ciidanka xukuma ayaan weydiiyay; meeqa qofood ayaa ku dhiman weerarkeena? Wuxuu igu yiri 150 qofood. 10 daqiiqo ka hor xilliga weerarka ayaan ciidamada amar ku siiyay iney weerarka joojiyaan, sababtoo ah, diyaarad aan duuliye laheyn rididdeeda uma qalanto in 150 qofood loo dilo". ayuu yiri oday Trump.


Xaqiiqduse sidaas ma'aha. Trump horayba wuu u weerararay meelo ey kamid yihiin Suuriya iyo Soomaaliya, halkaas oo ey ciidamadiisu ku dileen in ka badan 150 qofood. Sidoo kale, Trump wuxuu taageeraa Israa'iil oo ah xukuumad argagixiso—taas oo si joogto ah u disha dadka tabarta darran ee reer Falastiin. Israa'iiliyiintu gaar ahaan xukuumadda waxay qirteen inuusan taariikhdooda soo marin madaxweyne Mareykan oo Trump uga fiican, waxayna ku sababeeyaan laba arrimood:
1- Inuu riyadooda u rumeeyay oo Qudus uga yeellay caasimaddooda.
2- Inuu labanlaabay taageerada Mareykanka ee dhaqaalle iyo military.
Labada sano iyo barka uu Trump joogay Aqalka Cad Israa'iil waxay xasuuqday boqolaal kamid dadka Falastiin, iyagoo Trump ka heystay taageero 100% ah. israa’iilna waxaa ku furan dacwado xasuuq oo ey ciidamdood geysteen labadii sanadood ee u danbeeyay, dacwadahaan waxaa soo oogay Qaramada Midoobay. Marka Trump doodiisa ah dadka Iiraan ayaan u naxay waa mid madhaleys ah oo aan laheyn cago ey ku taagnaato.

Haddaba maxay tahay sababta uu Trump u joojiyay weerarka iiraan?

1-    Waxaan shaki ku jirin in Mareykanku ka awood weyn yahay si baaxad weyn dalka Iiraan, shakina uusan ku jirin haddii foodda la isdaro in Iiraan lagu quraacanayo inta aan qado la gaarin. Yeelkadeed, taasi micnaheeda ma'aha in Mareykanku uu dagaalka kasoo baxayo isagoo gacmihiisa ey nadiif yihiin. Khubarada dagaalka wey isku waafaqsan yihiin in Mareykanku awoodo inuu burburiyo Iiraan, balse waxay isku waafaqsan yihiin oo kale in Mareykanku uu soo gaarayo dhaawac weyn–oo—dhaqaale, mid militari iyo siyaasadeed, oo irid u noqon karta bilowga dhamaadka imbiridooroyadda Mareykanka.
2-    Mreykanka waxaa ku furan furimo badan oo isugu jira mid dhaqaale iyo mid military. Haddii Mareykanka uu dagaal ku qaado Iiraan, waxay soo dadajinaysaa in Shiinaha oo ah cadawgiisa ugu weyn uu ka xaroodo—oo—noqdo waddanka 1aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida, waa booska haatan Mareykanku heysto. Sidoo kale, haddii Mareykanku uu weeraro Iiraan waxaa wiiqmaysa awooddiisa military, taas oo iyana awoodda military ee adduunka si fudud gacanta ugu gelinaysa Ruushka oo Mareykanka u ah cadow soo jireen ah.
3-    Iiraan waxay in badan ka dhowaajisay haddii Mareykanka uusoo weeraro iney si toos ah u weerarayaan Israa’iil oo ah wakiilka Mareykanka ee Bariga Dhexe. Iiraan waxay sameysatay maleeshiyaad naftow hurayaal ah oo diyaar u ah iney awaamiirta Dhahraan fuliyaan. Maleeshiyada Iiraan taabacsan waxaa kamid ah; Xisbullaahi oo fadhigoodu yahay Lubnaan iyo Suuriya, iyo Xuutiyiinta Yemen.

Go’aanka Trump ee uu kaga noqday weerarka Iiraan wuxuu daaha ka qaaday in oday Trump ikhtiyaaraadkiisu ey xadidan yihiin. Trump waxaa u furan dhowr ikhtiyaar oo kaliya:

1-    Ilaa hadda ma muuqato in dhibaatada Iiraan lagu xalin karo waxaan ka aheyn wadahadallo fool-ka-fool ah, taas oo dalbanaysa in Mareykanku uu liqo qabkiisa—uuna ogollaado inuu hor friisto wadaadada mayalka adag ee Iiraan, isagoo aqbalaya shuruudahooda.
2-    Inuu Mareykanka jilbaha u dhigto oo baryo xulufadii Mareykanka ee uu Trump aflagaadada iyo ihaanada roobka kaga dhigay labada sano iyo barka ee uu xukunka hayay. Xulufadaas waa Yurub, oo Mareykanka dagaallada u raaci jiray. Balse, haatan u muuqda iney leeyihiin waakuugu kaligaa. Waxaa xusid mudan in waddamada ku bahoobay midowga Yurub ey heshiisyo dhanka xakameynta hubka halista ah ee nukliyeerka la galeyn dalka iiraan, taas oo uu oday Trump ka baxay, balse reer Yurub ey ku adkaysteen iney ilaaliyaan heshiiska. Sidoo kale, reer Yurub waxay Iiraan la saxiixdeen iskaashi dhaqaale oo ku fadhiya boqolaal balaayiin doolarka Mareykanka ah. Sidaas aawadeed, uma muuqato in reer Yurub ey garab ku siin doonaan Mareykanka dagaalkiisa ka dhanka ah Iiraan.
Haddaba dhankee Trump doonida u kaxeen doonaa?
1-    Mabaadi’da Trumpism ee siyaasadda dibedda waxaa kamid ah in la caga jugleeyo—iyadoo laga fogaanayo in isku dhac dagaal faraha lala galo. Trump, xilligii uu Barack Obama madaxweynaha ahaa wuxuu aad ugu eedeyn jiray in Obama iyo madaxdii ka horeysayba ey dalka geliyeen dagaalllo malaa yacni ah oo dad badan oo Mareykan ah ey ku dhinteen.
2-    Israa’iil oo iyada aad u doonaysa in Iiraan la weeraro oday Trumpna aad ugu naban, malaga yaabaa in Trump Israa’iil u yeello rabitaankooda oo uu weeraro iiraan? Waa su’aal aan ilaa iminka aan jawaab loo heyn.
3-    Waxaa laga yaabaa in Trump uu Iiraan weerar ku dhufo oo ka dhaqaaji ah ku qaado, isagoo madaxa ciidda ka ceshanaya, taasina waxaa laga yaabaa in Iiraan jawaab adag ka bixiso—taasoo Maraeykanka iyo oday Trump u jiidi karta moolka dagaal aan dhammaaneyn oo lagu hoobto.
4-    Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo iyo la taliyaha arrimaha amniga John Bolton, labadaba waxay ku doodayaan in hadda la weeraro Iiraan inta eysan xoogaysan. Trump Malaga yaabaa inuu u khuduuco talada labadaas nin ee ah gacmihiisa midig iyo bidix? Waa su’aal uu waqtigu ka jawaabi doono.
Isku soo wada duuboo, dagaal Iiraan lagu qaado lama mid aha midkii Ciraaq ama Liibiya lagu qaaday camal. Waa xaqiiq in Mareykanku ka awood weyn yahay in badan dalka Iiraan—suurtagalna u tahay inuu Iiraan burburiyo. Yeelkadeed, taasi ma imaanayso la’aanta in Mareykanku uusoo gaarayo dhaawacyo waa weyn oo dhaqaalle iyo military isugu jira, kaasoo irid u noqda bilowga dhammaadka imbiraadooroyadda Mareykanka. Oday Trump waxaa heysta laba daran mid dooro: Inuu saaxiibadiisa dagaalka doonaya sida Israa’iil uu adeeco oo dagaalka galo; ama inuu eegto danihiisa siyaasadeed iyo doorashada 2020ka oo uu Trump doonayo in markale la doorto. Tan danbe hadduu qaato waxay noqon guul usoo hoyatay Iiraan, dunidana gaar ahaan quwadaha waa weyn sida Ruushka iyo Shiinaha waxaa u furmaysa aragti ah in Mareykanku baqay. Hadduu tan hore qaato, waxaa suurtagal ah in Mareykanku uu galo dagaal sida kii Fiidnaam oo Mareykanku ku hoobto, oday Trumpna uu waayo rajadiisa siyaasadeed ee ah in markale dib loo doorto.


Comments

Popular posts from this blog

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?