JECEYL & CUNSURINIMO: SIDEE JECEYLKAAGA UGU AARGUDI LAHEYD, HADDII XAALADDAAN OO KALE EY KU QABSATO?

August Landmesser wuxuu ahaa askari Jarmal ah oo ka tirsanaa Naasigii Jarmalka (Nazi Germany) uu hoggaaminayay Adolf Hitler. Sandku markuu ahaa 1936kii, iyadoo ey dhoolatus sameenayaan kumanaan katirsan maleeshiyaadkii Naasiga ayaa waxaa soo baxday muuqaal dunida oo dhan caanka ka noqotay, oo aad looga hadlay. Muuqaalku wuxuu muujinayaa August oo gacmuhu u laaban yihiin, xilli ey Naasiyiintu ku guda jiraan salaantooda caanka ah ee halka gacan cirka loo taagayo. 

August wuxuu Naasiyiinta ku biiray sanadku markuu ahaa 1931kii, laba sanadood kadibna wuxuu caashaqay gabadh Yuhuudiyad ah, laguna magacaabi jiray Irma Eckler. Laba sanadood kadib, sanadku markuu ahaa 1935kii ayuu August doonay jeceylkiisa si uu u guursado. Madaxda Naasiga markey ka warheleen in August uu caashaqay gabadh Yuhuudiyad ah, August waxaa laga eryay xisbiga Naasiga. 

Waxaas oo dhan August waxaa uga darnaa kadib markii diiwaangelinta guurkiisa ey Naasiyiintu is hortaageen, sababtoo ah waxay Naasiyiinta soo saareen sharci cunsurinnimo oo kala soocaya isirada kala duwan, diidayana in isirada kala duwan is guursadaan. Sidaas aawadeed, August wuuka aargutay Naasiyiinta, wuuna u hiiliyay jeceylkiisa. Sanadku markuu ahaa 1936kii xilli uu Hitler salaan ka qaadanayay kumanaan ciidamadiisa kamid ah, August wuxuu soo xirtay dharkii Naasiyiinta, intuu bartanka ciidamada istaagay ayuu gacmaha isku laabtay---xilli Hitler salaan loo taagayay. 

Naasiyiinta markey ka warheleen falka August, waxay isku dayeen iney soo xiraan, balse, waa ka baxsaday. Si kastaba ha ahaatee, xilli isaga iyo xaaskiisa ey isku dayayeen iney dalka ka baxsadaan ayaa waxaa lagu soo qabtay xudduudda Jarmalku la leeyahay dalka Holland. Labadoodaba waxaa loo diray xerooyinka silica iyo saxariirta ee lagu ciqaabo Yuhuudda. Sanadku markuu ahaa 1938kii, August wuxuu arkay jeceylkiisa iyo labadiisa gabdhood markii ugu danbeysay. 

Xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood waxaa loo diray xerada lagu xasuuqo dadka naafada ah 'Euthanasia Centre' halkaas oo jeceylkiisa Irma qudha looga gooyay, sanadka markuu ahaa 1942kii.

August, waxaa lasoo baafiyay in la la'yahay sanandku markuu ahaa 1944kii, xilliigaas oo Naasiyiintu ey qabsadeen dalka Croacia. 


Labadooda gabdhood wey badbaadeen, mid kamid ah ayaa qortay qisada jeceyl ee labadooda waalid. 

Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA