KA TOOBAD KEEN FAN? MISE KA TOOBAD KEEN FISQI?
(Qeybta 1aad)
Qalinkii ustaad Abdulwahid Shafie
Tarjumaddii Abdiaziz Arab
Waxaan marar kala duwan maqalnaa fannaan ama fannaanad fanka joojiyay iclaamiyayna iney toobad keeneen, Eebana u laabteen. Dhacdada fanka laga baxaayo kuma koobna hal dal kaliya, balse waa mid ku faafsan dhammaan waddamada Carabta iyo Islaamka. Fanaaniinta fanka ka toobad keeno waxay sheegaan sababta ey fanka uga baxaan inuu yahay iyagoo rumeysan inuu fanku xaaraan ku yahay diinta Islaamka, uuna kamid yahay macaasida u baahan in laga toobad keeno. Marka hore, waxaa qasab nagu ah inaan aqoonsanno in fanka gaar ahaan heesaha, xasaasiyad la’aan iyo dhaqan xumo ey fasahaadisay bilicdiisa, kuna dhaftay dhacdooyin kala dhambaalay sharafkiisa—kuna dhex wallaaqay noocyo kala duwan oo khiyaano ah—taasoo halleysay sumcadda fanka iyo qofwalba oo fanka lug ku leh; abwaan, fannaan iyo dhageystayaashaba.
Su’aashu waxaa weeye, maxay tahay denbiga fanka haddii fannaanku uu wadada ka leexday? Fanaku waa dhacdo aadane, taas oo aadanaha la jirtay ilaa bilowgii, iyo maalintuu darreemay quruxda muuqaalada dabeecadda ee ku hareersan, sida; quruxda samada buluuga ah, bilicda xidigaha, iftiinka dayaxa, qorax soobaxa iyo dhaca, iyo dhulkaan fidsan—iyo waxa dulsaaran ee buuro iyo webiyaal burqanaya, iyo badaha qulqulaya; iyo waxwalba uu Eebe arlada ku faafiyay oo abuurkiisa cajiibka ah ee isugu jira; dad, xoolo iyo dhammaan sankuneelaha ee bad iyo beri ku jira. Aadunuhu markuu arkay qurxudaan aan lasoo koobin karin ee dunida ku baahsan, uuna darreemay quruxdaan luxday qalbigiisa, wuxuu doonay inuu dareenkiisa ku cabbiro quruxdaan uu ujeedo. Sifeynta dareenkiisana wuxuu noqon karaa, hadal, ama gabay, ama heeso, waxaana laga yaabaa inuu u adeegsado qalab muyuusig, ama sawirid farshaxanaysan, ama qoridda alwaaxyo iyo dhagaxaan iyo wixii la halmaala ee uu ku cabbiri karo dareenkiisa.
Dunida ma joogto ummad nool oo horumartay, illaa waxay iska xilsaartaa horumarinta fanka suuban. Dareenka aadanaha ee ku wajahan quruxda waa mid fitri ah—oo Eebe aadanaha ku abbuuray, mana ka hadlayno fanka usoo dhar dhigtay inuu baddalo fitrada Eebe. Fanku waa risaalad aadane, taasoo horumarinaysa aadanaha, sarana u qaadaysa himiloyinkiisa—kobcinaysana wuxuu heysto iyo dareenka jeceyl ee uu u qabo waddankiisa—xoojinaysana kamid ahaanshaha bulshadiisa iyo dhaqankiisa—adkaynaysana aadaninimadiisa—kuna rabbaayadaynaysa tubta suuban ee aadaninimada quruxda badan. Fanka hoobtayna ma’aha waxaan ka aheyn mid habowsan marka loo eego fanka wanaagsan. Heesuna ma’aha iney noqdaan qaar kicinaya dareenka, ama jirkoo la qaawiyo, ama laabta la furto, ama in la is-luxo—sida dad badani u fahmeen.
Haddii ey jiraan laba nooc oo fan ah, fan wacan oo gudanaya soona gudbinaya risaaladiisa ku dhisan fitrad aadaninimo, iyo fan hoobtay oo mudh ah, kaasoo ka baxsan fitrada aadanaha, aanna xanbaarsaneyn wax risaalo ah oo aan ka’aheyn kicinta dareemayaasha shahwadda dadka. Shay walbaanna waxaa lagu xukumaa muuqaalkiisa, haddaan sawiranno fanka ku dhisan fitradda aadanaha, dhib ma noqonaayo inuu u bannaan yahay oo ey fanaaniintu ey ku luuqeeyeen, dhibna kuma jirto dhegeysigiisa iyo ku raaxeysiga macaanidiisa quruxda badan. Balse, haddii aan u eegno macnaha fanka hoobtay ee jaantaa roganka ah, qofna daah kama saarno inuu qaadanayo xukunka wuxuu yahay. Culumadu horay ayey waxay u yiraahdeen; murtidu waa hadal, kiisa wanaagsanna wuu wanaagsan yahay, kiisa xunna wuu xun yahay. Sidaas ayuuna heesuhuna noqonayaa, waa sida hadal, kiisa xun, xun yahay, kiisa fiicanna, fiican yahay. Caqlina ma’aha in hadalka oo dhan la isku qaado marka laga hadlayo in heesuhu xalaal yihiin ama xaaraan yihiin, balse waxaa nalaga doonayaa inaan u caddaalad falno hadalka oo kala soocno soocid, si ey noogu kala caddaato kan saxda ah iyo kan qaladka ah; dadkuna uga nabadgalaan iney isku wada xanbaaraan mowduuca oo dhan.
Heesuhu dhammaantood isku mid ma’aha, waxaa ku jira mid lalabbo ah, mid ubax ah, mid wanaagsan iyo mid xun; waxaa kaloo ku jira mid nacnac iyo hadallo dhacdhac ah ey ka buuxdo. Dhanka kale waxaa heesaha ku jira qaar ku qotom falsafad nololeed oo xanbaarsan hiraal fog. Haddii aad doonaysid inaad arrinkaan wax ka ogaatid, igula fikir qeybtaan kamid ah hees uu curiyay abwaankii weynaa Xasan Xaaji Cabdullaahi oo ku caan ahaa Xasan Ganeey; oo ey si wadajir ah ugu luuqeynayaan fannaankii weynaa Xasan Aadan Samatar iyo boqoraddii codka Xaliim Khaliif Magool, Eebe naxariistiisa waasica ah ha geliyee:
Cashaduu Ilaahay
‏
Cirka taagay udubli’i
‏
Ciidana ka dhigay gogol
‏
Wabiyada cartamayiyo
‏
Cidhifyada bad kaga xidhay
‏
iyo buuraahaa culus
‏
Cimrigeed aduunyadaa
‏
Waxa jiraa col iyo nabadee
‏
Caydhiyo nin xoola leh
iyo laba is caashaqay
‏
Caawana kamay tagin
‏
Caynkaynu ku ogeyn
‏
adna calafka kuu qoran
‏
Cuuna seegi maayee
‏
Caashaqa ha baayicin
Ma ogtahay curyaankaba
‏
Cago loo ma waayine
‏
Caynkaa wax loo yidhi
‏
ku wa cararayee ladan
inay ku cibaara qaataan
Caashaqa ha baayicin

Comments

Popular posts from this blog

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?