KA TOOBAD KEEN FAN? MISE KA TOOBAD KEEN FISQI?
(Qeybta 2aad uguna danbeysay)
Qalinkii ustaad Abdulwahid Shafie
Tarjumaddii Abdiaziz Arab
(Qeybta 2aad uguna danbeysay)
Qalinkii ustaad Abdulwahid Shafie
Tarjumaddii Abdiaziz Arab
Haddii aad isku barbardhigtid maansooyinkaan sarriigan iyo in badan oo iska hadal ah oo ey dadku waayadaan ugu yeeraan fan—kaas oo ah midaan dhadhan laheyn, eyna ka lalaboonayso nafta leh fitrad wanaagsan; waxaad arki laheyd wax kaa yaabiya, waadna arki laheyd farqiga weyn ee u dhexeeya. Kala fogaa, sida gudcurka iyo dayaxa; ama sida dhiiqada iyo awrka-cirka (xidagaha leh sawirka awrka). Maansadaan waxaad ku arkin fanka suuraddiisa ugu wacan, shakina kuma jiro in qofwalba oo fitrad wanaagsani leh iney dhaqaajinayso oo luxayso murtida ey maansadaani soo gudbinayso, maankana ey ka afduubayso. Sidaasna suurtagal kuma ahaateen haddaan curiyaha maansada soo bandhigeen xeelad xad-dhaaf ah uu ku sawirannayo murti jeceyl oo qurux badan—uuna tif ka yahay falsafad ku sal-fog dunida iyo nolosha—taas oo uu ku xiray xikmadda Eebe ee abuurka koonka iyo dadka. Taas oo aadanaha ka yeeshay iney hor-istaajiso Abwaan iyo faylasuuf dhex dabaalanaya moolka nafta dadka, isagoo kala soo baxaya luul deedna uu dibedda usoo sayriyo.
Sidaas ayey ahaan jireen abwaanada waa weyni xilliyadii barisamaadka ee fanka Soomaaliyeed [uu dunida ku calanwalleenayay] sida; abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, abwaan Maxamuud Cabdullaahi Sangub, abwaan Maxammed Ibraahin Warsame Hadraawi, abwaan Maxammed Cali Karre, abwaan Cabdi Maxammed Amiin, abwaan Cadi Qays iyo qaar kaloo badan oo kamid ahaayeen abwaanadii waa weynaa ee fiinta sare ka gaaray curinta suugaan ey dhadhankeedu aad u sarreeyo; kuwaas oo aan suugaantooda marnaba hoos ugu dhigin waxyaabaha maalaa yacniga ah. Balse, suugaantooda u adeegsaday iney bilaan bulshadooda oo gaarsiiyaan fadhiyo iyo fahan sarreeya. Suugaanyahanku ma’ha mid goradda u laalaadiya sida taageerayaashii ey rabaan, balse suugaanyahanka wanaagsani waa kan sare u qaada taageerayaashii, dhadhankooda suugaaneed haga, ilaa ey ka cabaan darta quruxda—eyna halleelaan macnaha suugaanta sarreysa.
Waxaa i xanuujisa inaan arko abwaan weyn oo ku dhowaaqaya inuu ka toobad keenay heesaha uu ka alifay jeceylka caadifadeed.
Bil ama labo ka hor waxaan dhegeysanayay idaacadda codka Mareykanka laanta afka-Soomaaliga. Wariyaha idaacadda wuxuu dood kula jiray mid kamid ah abwaanada waa weyn ee Soomaalida. Abwaanka ayaa wuxuu wariyaha u sheegay inuu ka toobad keenay curinta heesaha jeceylka. Lama aanan yaabi jirin inaan maqlo toobad keenka fanaanada, sababtoo ah badankood ma eysan heysan waxbarasho suugaaneed oo sarreysa oo ey ku kala sooci karaan quruxda iyo foolxumada fanka; iyo sare-joogidda iyo hoobashada fanka; iyo ku sugnaanta tubta toosan ee fanka iyo garab mariddiisa. Balse fankaba waxay usoo galeen arrimo adduun, mana kala jecla wadada ey u marayaan yoolkooda. Waxa kaliya ey daneenayaan waa raaligelinta dadweynaha iyo dharjinta rabitaankooda aan nuxurka laheyn. Markaas bey jirkooda dadka usoo bandhigeen, halka ey soo bandhigi lahaayeen hibadooda faneed. Deedna waxay noqdeen kuwa uun kiciya shahwadda dadka ee dansan—halka ey aheyd iney nooleeyaan dareemayaasha aadanaha.
La yaabna maleh in kuwaas oo kale ey toobad keenaan, sababtoo ah dareenkooda ah iney danbaabeen ayaa noloshooda dhibeysa—taas oo u diidaysa deganaansho nafeed iyo mid caadifadeed—waxaana ey dareemayaan iney xumaan dhex dabaasheen, sidaasna ey u raacdaysanayso ciqaabta Alle—ka gaabinta ey ka gaabiyeen xaqqii Alle, sidaasna ayey u toobad keenaan uguna dhowaaqaan iney Eebe u laabten. Lama yaabin in arrinkaanu uu ka yimaado wiilal iyo gabdho xirtay dharka fanka, iskuna ekaysiiyay—iyagoon ehel u aheyn fanka; balse waxaan la anfariiray inaan maqlo abwaan weyn oo yaqaanna micnaha erayada, fahmayana siraha caddeynta warka inuu ku taraaraxo wareegtadan oo kale uuna bartanka uga dhaco boholaha lala xiriiriyo kuwa fanka iska sheegta—kuwaas oo aanan fankaba ka fahsaneyn marka laga reebo sawiro lasoo bandhigo si looga muuqdo muuqbaahiyada; iyagoon kala jecleyn micnaha quruxda, iyo iyagoon sidin wax farriin ah.
Waxaa laga maarmaan ah in farta lagu fiiqo cadaadiska bulshada kaas oo ey maanta hogaaminayso dhaqan fiqhi oo xaaraantimaynaya heesaha, una aragta inuu yahay waqti lumis oodaysa jidka Alle—muusikadana u aragta inuu yahay qalabkii shaydaanka uu ku oodayay xuska Alle. Iyadoo fuquhadu eyba isku khlaafsan yihiin arrimaha heesaha, qaar wey baneeyeen iyagoo ilaalinaya qiyamka guud ee bulshada Islaamka. Qaarna wey adkeeyeen oo waxay u arkeen in heesuhu ey xaaraan dhammeystiran yihiin iyagoon kala qaadin. Casri walba oo kamid ah casriyadii soo maray Islaamka waxaa hadba guuleysanayay labadaas aragtiyadood midkood; ama xaaraantimaynaya ama banneenaya heesaha. Marwalba oo ey Muslimiintu ku jiraan xaalad horumarsan waxaa yaraata madaahibta ku kakan arrimaha fanka, fankuna wuu bulaalaa—iyadoo mudnaan iyo tixgelin kala kulmaysay madaxda iyo hogaamiyaasha markaas majaraha u haya dawladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Balse, marwalba ey Muslimiinta ku jiraan xaald burbur iyo tabardari waxaa xoogaysta madaahibta kakan—fankuna wuu qarsoomaa, iyo dhammaan muuqaalada farxadda iyo rayn-raynta ee bulshada—waxaana hogaanka qabta dhaqanka xaaraantimeynta, taas oo aragta in asal ahaan waxwalba ey xaaran yihiin ma’aha in asalka waxwalba banaan yahay [sida diintu qabto]. La yaabna maleh xilligaan jahwareerka inaan aragno in fanka uu hoobto oo uu dhaawacmo, iyo inaan aragno fanaaniin uu haleelay dareenka dayaca iyo infiriirka.
Gabagabadii iyo gunaanadkii, qofwalba wuxuu xaq u leeyahay inuu ka toobad keeno wuxuu u arko gaboodfalo uu geystay ama denbiyo uu geystay. Balse, qaladka ey ku dhaceen faniintaas waxaa weeye iney ku dhowaaqaan iney fanka ka toobad keeneen. Waxaa sax ahaan laheyd iney ku dhowaaqaan iney ka toobad keenaan gaboodfalyo (fisqi)—ceebtu ma’aha fanka sidaan usoo sheegnay, balse ceebtu waa fanaaniinta sida xun fanka u isticmaalay iyagoo ku daboolay dhaqamadooda qalloocan. Waxay aheyd iney ku dhowaaqaan iney gaboodfal ka toobad keeneen taas oo ey dhex dabaasheen si ey u gaaraan caanimadooda, halka ey kaga dhowaaqeen toobadkeenka fanka—kaas oo bari ka ah qalloocooda sida dhurwaagu uu bari uga yahay dhiigii ina Yacquub. Dhib maleh fanka haddii la ilaaliyo akhlaaqdiisa, adaabtiisa iyo farriintiisa aadaninimo. Denbina maleh fanaaniinta naftooda ixtiraamay kuwaas oo ilaaliyay xurmada fanka, ixtiraamayna dhadhanka dadweynahooda iyo kuwa jecel. Hadda ka hor ayaa waxaa la weydiiyay matalaha weyn ee Masar, Faaruuq Al-Fayshaawi; goormaad fanka ka toobad keenaysaa? Wuxuu ku jawaabay: “haddii ey toobaddu ii diidayso fanka, ma doonayo toobad”.
Waxaan idinkaga tagaynaa maansadaan quruxda badan uu tiriyay Allaha unaxariistee Jannadana meesha ugu sareysana ha geeyo abwaan Cabdulqaadi Xirsi Yamyam:
Waqtiyada socdaalka ah
Ayaamaha silsidda ah
Xilliyada bal suuree
Soojire haddaad tahay
Sadarrada dib ugu noqo
SOOMAALI WAA KUMA?
Ayaamaha silsidda ah
Xilliyada bal suuree
Soojire haddaad tahay
Sadarrada dib ugu noqo
SOOMAALI WAA KUMA?
Sinnaantaan la magac ahay
Sanku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
SOOMAALI BAAN AHAY
Sanku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
SOOMAALI BAAN AHAY
Ninna madax-salaax iyo
Kama yeelo seetada
Sasabada ma qaayibo
Sirta waxaan iraahdaa
Saab aan biyaha cellin
SOOMAALI BAAN AHAY
Kama yeelo seetada
Sasabada ma qaayibo
Sirta waxaan iraahdaa
Saab aan biyaha cellin
SOOMAALI BAAN AHAY
Dabayshaan la socod ahay
Salfudeydna uma kaco
Waabay sunaan ahay
Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa
Soomaali baan ahay
Salfudeydna uma kaco
Waabay sunaan ahay
Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa
Soomaali baan ahay
Inkastoon sabool ahay
Haddana waan sarriigtaa
Sacabada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadawgayga lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY
Haddana waan sarriigtaa
Sacabada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadawgayga lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY
Socdaalkaygu waa meel
Sahaydaydu waa dacar
Soohdintaydu waa caan
Seeftaydu waa cudur
Naftuna geedka iga suran
SOOMAALI BAAN AHAY
Sahaydaydu waa dacar
Soohdintaydu waa caan
Seeftaydu waa cudur
Naftuna geedka iga suran
SOOMAALI BAAN AHAY
Nin i sigay ma nabad galo
Nin i sugayna maba jiro
Libta weli ma sii dayn
Gardarrada ma saacido
Nin xaqlana cid lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY
Nin i sugayna maba jiro
Libta weli ma sii dayn
Gardarrada ma saacido
Nin xaqlana cid lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY
Nabaddaan u sahanshaa
Colaaddaan ka selelaa
Sooma jeesto goobaha
Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo
SOOMAALI BAAN AHAY
Colaaddaan ka selelaa
Sooma jeesto goobaha
Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo
SOOMAALI BAAN AHAY
Ninkaan taydu soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed
Ninna kabaha uma sido
SOOMAALI BAAN AHAY
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed
Ninna kabaha uma sido
SOOMAALI BAAN AHAY
Ninka iga sed roonow
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana oran “sasabo bedow”
Dareen seexda ma lihiye
SOOMAALI BAAN AHAY
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana oran “sasabo bedow”
Dareen seexda ma lihiye
SOOMAALI BAAN AHAY
Saan la kala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal
Rag baa beri i saanyaday
Anoo xoolo soofsada
Xil midnimo anaa sida
Summadi ay ku wada taal
Rag baa beri i saanyaday
Anoo xoolo soofsada
Xil midnimo anaa sida
Comments
Post a Comment