MAXAY JIILKA QAXA-KADIB (MILLENNIALS) UGA GAABIYEEN GUURKA?
MAXAY JIILKA QAXA-KADIB (MILLENNIALS) UGA GAABIYEEN GUURKA?
Tan iyo maalintii Soomaaliya ey xornimada qaadatay, waxaa u kacay jiilal kala duwan. Jiilkii ugu horreeyay ee 1960-1969kii waxay ahaayeen jiilkii dhaliyay ama ka marag noqday helitaankii xorriyadda dalkeena. Jiilkaas wuxuu ku sifoobay badidiis jiil wadaniyiin ah oo dalka aad u jeclaa. Sababaha sidaas loogu sifeeyayna waxaa lagu sheegaa maadaama ey dhadhamiyeen xanuunka gunnimada iyo gumeysiga xilligii ey dalka xoogga ku heysteen gumeysayaashii reer Yurub. Jiilka xigaa waa jiilkii kacaanka ee sanadihii u dheexyay 1969kii ilaa 1991kii. Jiilkaan wuxuu ahaa jiilkii ugu waxsoo saarka badnaa dad iyo duunyaba jiilashii u kacay Soomaaliya tan iyo markaan xornimada qaadannay. Sidoo kale, wuxuu ahaa jiilkii fursadaha badnaa, sida; fursadaha shaqada, fursadaha waxbarasha, fursadaha tababarka, fursadaha guurka iyo yagleelidda qoys. Waxaa xigay jiilkii qaxa 1977 ilaa 1995kii. Jiilkaan waxaa kaloo lagu magacaabaa “jiilkii lumay” waa jiilka ugu nasiib xumaa ilaa iminka jiilasha Soomaaliya u kacay, sababtoo ah waxay indhaha ku kala qaadeen qax, dil iyo dhac. Jiilkaan nasiib uma yeelan inuu helo dawlad uu hoos harsado taas oo ilaalisa danahiisa. Taa beddelkeeda, waxaa jiilkaan haleelay qabqablayaal manaxayaal ah oo nolosha u diiday, qaar aakhiro u diray, qaar naafo ka dhigay, qaarna ey lafahooda kala carareen dalka.
Sidoo kale, jiilka qaxa in badan oo kamid ah waxay noqdeen xaabo ey shitaan qabqablayaasha urur diimeedka iyagoo ka horkeenay iney la dagaalamaan dadkooda. Sanbabaha ey culumada cilmiga bulshada arrinkaan ku aaneynayaan waxaa kamid ah; maadaama uu dalka uusan xilligaas ka jirin dawlad, shaqo la’aan ba’anna uu dalka ka jiray, jiilkaan badidiis waxay isku dhiibeen urur diimeedyo—si ey u helaan dhuunmaris iyo dhinac-dhig. Jiilkaan waxaa xigay jiilka ‘qaxa-kadib’ 1995kii ilaa iminka. Jiilkan waxaa kaloo loo yaqaan jiilka internetka ama jiilka 2000 ‘millennials’. Jiilkaan waa ka nasiib badan yahay jiilka qaxa, sababtoo ah jiilkaan ugu yaraan wuxuu helay waxbarasho sugan oo fadhida (haba iska tayo xumaato). Sidoo kale, jiilkaan wuu ka nasiib badan yahay dhammaan jiilashii hore oo dhan, sababtoo ah wuxuu madaxa lasoo kacay xilli dunidu ey horumar ka gaartay tiknoolajiyadda isgaarsiinta. Xilligaan waa xilliga aadanuhu uu qaaday tallaabo weyn (a giant leap) oo xagga horumarka ah, waa casrigii kumbuyuutarada iyo interneka, waa casrigii telefoonada sarriigan ey soo baxeen (smart phones) iwm. Yeelkadeed, jiilkaan hal dhinac ayuu kaga nasiibdarran yahay jiilashii hore, waana dhinaca guurka iyo yagleelidda qoys. Haddaba maxay tahay sababta jiilka qaxa-kadib (millennials) ey uga gaabiyeen guurka?
Ma jiraan wax daraasad cilmi ah oo aan ogahay ama aan arkay oo lagu sameeyay guurka Soomaalida guud ahaan guurka jiilka qaxa-kadib gaar ahaan. Waxaan ka cudurdaarannayaa inaan dhigaal lagu soo koobi karin ka jawaabidda su’aashaan mugga weyn, sababtoo ah arrinkaan waa arrin dhafan, oo aan laheyn hal dhinac oo loogu hagaago—una baahan daraasad cilmi oo ballaaran. Waxyaabo badan ayaa keeni kara in qof uu guurka ka gaabiyo, balse waxaan kusoo koobayaa dhowr qodob, taasna micnaheeda ma’aha in dhowrkaas qodob oo kaliya ey mas’uulka yihiin in jiilka qaxa-kadib uu ka gaabiyo guurka:
1- DHOOFID RAADINTA dawladnimada Soomaaliya oo ceeldheer ku dhacday, siyaasiyiinta Soomaalida oo gabay in dalka uu cagahiisa isku taago markale, waxay sababtay in dhalinyaradu ey u muuqato mustaqbal madow iyo rajo beel. Dawlad la’aanta waxay na baday waxabarasho xumo iyo shaqo la’aan baahsan. Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) oo ah isha kaliya ee laga helo daraasaado cilmi ah, waxay sheegaan in, in ka badan 77% dhalinyarada Soomaalia ey heysato shaqo la’aan. Waxaa dhacda in dhalinyarada (wiilal iyo gabdhaba) ey dhammeystaan heerarka kala duwan ee waxbarasho, balse ey ku adkaado iney helaan shaqo u qalanta waxay soo barteen oo ey in muddo ah kusoo indho beeleen. Arrinkaana wuxuu dhalinyarada ku hoggaamiyay iney dalka isaga yaacaan oo ey saxaraha iyo badweynta naftooda ku biimeeyaan. Duufaano dhalinyaro ah oo tahriibayaal ah ayaa dalka kasoo rogmaday intii u dhexeysay 2000 ilaa maanta aan joogno. Arrinkaana waxaan u aanaynayaa inuu jiilka millennials-ka ka yeelay inuu ka gaabiyo nolosha guurka.
2- FURITAANKA OO BATAY arrinkaana ma saameyn kaliya guurdoonka, ee wuxuu saameeyay sidoo kale qoysaska ey kasoo jeedaan gabdhaha. Majiro aabe iyo hooyo doonaya in gabadhooda lasoo furo sanad kadib maalintey si farxad leh ugu guuriyeen. Inkastoo aan laheyn daraasado cilmi ah oo sugan—kuwaas oo ku saabsan tirada furriinka, haddana waxaa la rumeysan yahay in furriinku uu xad dhaaf yahay bulshada Soomaalida dhexdeeda gudo iyo dibedba. Arrinkaana waxaa loo aaneeyaa arrimo badan oo ey kamid tahay dhaqanka Soomaalida ee caadiga ka dhigaya furriinka ama haddaan si kale u dhigo aqbalaadda sahlan ee furriinka. Soomaalida iyagoo u meel-dayaya gabadha la furay ama la furay waxay yiraahdaan: "haddii la furay ma feer baa jabtay?" iyo "silic ku nool waxaa ka fiican soddon ku guursato". Maahmaahyadaan waxay hoos u dhigayaan muhiimadda uu leeyahay isla-jirka lamaanaha iyo isku haynta qoyska.
3- DAYAC IYO DARYEELO XUMO SOO WAJAHDA DUMARKA arrinkaan waa arin ka dhex jira bulshada Soomaalida gudaha dalka iyo dibeddiisa. Meelwalba waxaa ilmaha la kufaa dhacaya waa hooyo, arrinkaana wuxuu kamid yahay dhaqamada xun xun ee aan leenahay bulsho ahaan. Arrinkaan wuxuu sababay in gabdhaha waxbartay ey dib isku giijiyaan—oo ey guurka ka gaabiyaan, sugaanna ilaa ey ka helaan qof wanaagsan oo nolosha qeybaheeda la qeybsan kara—ama ey iyaga helaan shaqo wanaagsan oo ey awlaaddooda ka dabari karaan. Mas'uuliyadda darrada qaar kamid ah aabayaasha iyo ragga Soomaaliyeed waxay damisay hamiga gabdho badan u qabi lahaayeen iney guur yagleelaan ama aqbalaan haddii lasoo doono.
4- CADAADISKA WAALIDKA EE WAXBARASHADA ILAMAHOODA waagii hore waalidiinta waxay ilmahooda ku boorin jireen iney yaraan ku guursadaan. Haatan arrinkaas wuxuu isku beddelay iney ilmahooda ku cadaadiyaan iney jaamacado ka baxaan oo guurka dib u dhigtaan. Arrinkaan waa cadaadis togan waana ku ammaanayaa waalidiinta iney xoogga saaraan waxbarashda ilmahooda. Si kastaba ha ahaatee, arrinkaan wuxuu kamid yahay qodobada sababay in da’ yartu ey guurka ka gaabiso.
5- TIKNOOLAJIYADDA horumar walba waxaa la socda dhinaciisa taban. Shaki kuma jiro in horumarka aadanaha ka gaaray tiknoolajiyadda uu u keenay guulo la taaban karo, si kastaba ha ahaatee, dhanka kalana wuxuu da’ yarta u sababay iney kaga mashquulaan guurka. Arrinkaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxay la wadaagaan dhiggooda dhalinyarada dunida. Daraasad dhowaan (2018) ey sameeyeen khuburo ku takhasustay cilmiga kasmonafeed (psychology) oo fadhigoodu yahay jaamacadda Kings College London, ayaa lagu sheegay in 72% dhalinyarada jiilka millennials ey wehel la’aan yihiin—oo eysan heysan guur ama saaxiib ey nolosha la wadaagaan. Daraasadda waxay arrinkaan ku eedeysay in dhalinyarada ey waqti badan ku mashquulaan isticmaalka tiknoolajiyadda gaar ahaan baraha bulshada sida; Facebook, YouTube iyo Twitter. Khubaradaan waxay hoosta ka xarriiqeen in isticmaalka tiknoolajiyadda saacado badan ey keenayso inuu dilo dareenka ama baahida in qof nolol lala wadaago. Sidoo kale, waxay khubaradaan ka digeen sticmaalka xad dhaafka ah ee tiknoolajiyadda uu sababi karo xanuuno dhimir.
6- ISBEDDELKA TAARIIKHDA AADANAHA haddii waagii hore ey normal iyo dhaqan aheyd in dadku ku guursadaan yaraan, oo yoolka nolosha uu ahaa in la guursado oo caruur badan la dhalo, hadda aadanaha waa ka gudbay arrinkaas—oo waxaa taariikhda aadanaha ey u tilaabsanaysaa xagga keli-ahaanta. Waagii hore haddii ey ceeb aheyd in 20 sano doobnimo lagu gaaro, hadda biraha goolka wuxuu u sikaday in 40 jir ey normal tahay in keli lagu ahaado ama aadba aragtid afartan jir weli canjeelada ka cunaya guriga hoo. Arrimahaanna waxay culumada cilmiga bulshada u sababeeyaan isku filnaansho shaqsiyeed dhaqaale ahaan oo daku ey gaarayaan—iyo suurtagalnimada in qofku uu keli ahaado uuna faraxsanaado—isagoon darreemin in wax ka maqan yihiin.
7- CULEYSKA MAAREYNTA QOYS culumada cilmiga bulshada waxay qodobkaan ku fasiraan maadaama guurku uu yahay mas’uuliyad iyo howl adag, in la arkayo dhalinyaro badan oo ka cararaysa culeykaas—ey doorbidaan iney keli iska ahaadaan.
Isku soo wada dooboo, jiilka qaxa-kadib (millennials) waxaa la isla gartay iney ka xiriir yar yihiin xagga haasaawaha iyo guurkaba marka la barbardhigo jiilalkii ka horreeyay ee yoolkoodu ahaa iney guursadaan oo caruur badan dhalaan. Jiilkii caruurta badan dhalay ee afka qalaad loogu yeero "baby boomers" 1960kii ilaa bartamihii todobaatameeyadii waxay ahaayeen jiilkii ugu caruur dhalis badnaa, waana jiilka taariikhda aadanaha dad badan kusoo kordhiyay. Nasiibdarro, ma aanan helin daraasado cilmi ah oo laga diyaariyay sababaha guurka ku yareeyay dadkeena Soomaalida, haddana waxaa muuqata in jiilka qaxa-kadib uu ka gaabiyay guurka marka la barbardhigo jiilashii ka horreeyay. Ugu danbeyn, qodobada aan dhigaalkaan ugu sababeeyay in jiilka millennials ka gaabiyeen guurka ma’aha mid dhammeeystiran, waxaa jiri kara in sababuhu intaas kabadan yihiin—arrinkaanna waxa kaliya oo looga salgaari karaa waa iyadoo la sameeyo cilmibaaris dhab ah.
Comments
Post a Comment