QISADII JULAIYBIIB (ALLAHA KA RAALI NOQDEE)...
Wuxuu ahaa saxaabi ku dhashay agagaarka magaalada barakeysan ee Madiinah, sida magaciisa laga dheehan karo, wuxuu ahaa nin aad u gaaban oo tabar yar; waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa nin aad u faqri ah, dhar la xirto wuxuu ka lahaa laba go'.
Maalin maalmaha kamid ah Julaiybiib (RA) isagoo la fadhiya rasuulka SCW, ayaa rasuulku ku yiri: "Julaiybiib ma waadan guursaneyn?" Julaiybiib ayaa ku jawaabay; "Rasuulkii Allow oo yaa i guursanaya?! ama ii guurinaya?!" Rasuulkeena Naxariista badan SCW ayaa yiri: "Julaiybiib anigaa kuu guurinaya".
Maalintii xigtay ayaa nin ansaarta kamid ahaa ayaa u yimid Rasuulka SCW; Ninku wuxuu Rasuulka u bandhigay inuu Guursado gabadhiisa, Rasuulka ayaa ku yiri gabadha waan kaa aqbalay; laakiin waxaan u dhisayaa Julaiybiib. Ninkii ayaa yiri maya arinku hadduu sidaa yahay waxaan lasoo tashanayaa gabadha hooyadeed.
Gabadha hooyadeed markii loo sheegay in gabadheedu uu rasuulka u rabo Julaiybiib wey diiday, wadahalkii labada waaalid ayaa waxaa maqlay gabadhoodii oo ey u diideen codsiga Rasuulka ee ahaa in gabadha julaiybiib loo guuriyo; Gabadhii oo careysan ayaa waalidkeed ku tiri; "Ma codsigii rasuulka ilaahey baad celiseen oo diideen?! Anigu yeeli maayo waa in julaiybiib la ii guuriyaa, sidii ayaa Rasuulku SCW ugu guuriyay Julaiybiib.
Dhowr Maalmood arooskooda kadib ayaa waxaa loo baxay dagaalkii Uxud, Julaiybiib (RA) wuxuu ku jiray ragii safka hore ee dagaalka galay, markii dagaalku dhamaaday, oo maydkii iyo dhaawacii la guray ayaa Rasuulku SCW wuxuu asxaabtiisa weydiiyay: "war qof idinka maqan ma jiraa oo aad tabeysaan?" asxaabta Allaha ka raali noqdo dhamaantood ayaa mid walba sheegay dadkii magaca lahaa ee la yiqiinay iyagoo leh waxaa la'nahay Hebel iyo Hebel.
Rasuulka Alle SCW ayaa haddana ku celiyay war qof aad la'dihiin majiraa? markaas bey haddan asxaabtu sheegeen hebel iyo hebel dadkii caanka ahaa. RASUULKU SCW OO INDHIHIISU EY ILMO BUUXISAY IYO MURUGO; AYAA YIRI; ANIGA WAXAA IGA MAQAN OO AAN TABAYAA JULAIYBIIB! EE RAGOOW JULAIYBIIB HALA ILA RAADIYO.
Haddii la raadiyay waxaa meydkiisa laga helay iyadoo 7 meydka gaalada ey ku hareereysan yihiin, Rasuulka SCW ayaa Gacmihiisa Sharafta badan kusoo qaaday Julaiybiib isagoo leh 7 Gaal baad dishay markaas bey ku dileen, Rasuulku SCW wuxuu amray in god la qodo, waa la qoday godkii julaiybiib buu ku aasay, asxaabtii buu u sheegay in Julaiybiib Aroos ahaa oo markuu maqlay jihaadka la isugu yeerayo ayuu usoo cararay inuu ajiibo rasuulka Alle, Wallaahi waxaan u jeedaa makaankiisa jannada iyo xuural ceyntiiisa oo sugi la' intey ka arkayaan.
MAXAAD KA BARATAY QISADAAN?
Comments
Post a Comment