Seddex nin oo xawaalad kawada shaqeynayay baa waxay go'aansadeen inay sirtooda isku qarsadaan oo ay dhibaatada heysato ka wada hadlaan.
Ninkii koobaad baa yiri: "aniga dhibkeyga waa LACAG, hadii aan arko lacag meel taalo maba dhaafi karo waan xadaa, xitaa lacagta xawaaladda taallo waan xadaa, ii duceeya saaxiibayaal inaan tuugannimada iska daayo.
Ninkii labaad baa lasoo booday: "aniga dhibkeyga waa NAAG, haddaan naag arko maba dhaafi karo ilaa aan shukaansado oo aan qudbo sireysto, dhammaan naagaha xaafaddaan dagan waan la wada shukaansaday, qaar i diida iyo qaar I yeelayba, xaaskeygana ma oga waxaas; haddii ey ogaato caruurta ayey igala tagaysaa. saaxiibayaal, iiduceeya inaan haasaawahabadan ee dumarka daayo, hantidayda oo dhan naag ayaa qabta—xataa caruurtayda waxba meel uma dhigo.
Ninkii seddexaad meeshii laga sugaayay inuu dhibka heysto u sheego saaxiibadiis wuxuuba bilaabay oohin, ilaa la aamusiin waayay. Markey waydiiyeen waxa ku dhacayna wuuba sii ooyay wuu kasii daray!!! kadibna wuxuu yiri: "aniga dhibkeyga waxaa weeye wixii la ii sheego maba qarin karo waan sii sheegaa, hadda markaan meeshaan kawada dhaqaaqno—dhammaan dadka magaalada degan way maqlaayaan waxaad hadda labadiina ii sheegteen, please ii duceeya inaan warriifanimada iska daayo.
Labadii nin ee kale qarracan wadnaha ayaa istaagay😂😂😂
Comments
Post a Comment