WIIL IS WAALAABA WAABISAA HESHA!
Haddaad boodo aniguna waan garriiraa ayey ugu jawaabtay. Si uu xayn yaroo adhiya oo ay lahayd u dhaxlo darteed ayuu guur ugu bandhigay, Iyaduna midh iyo laba caruur ah oo xoolahan u hadha bal in ilaahay kaa siiyo ayey ku fikirtay. Waa la isku daneysanayaa.
Muddo markey is qabeen, ayuu odaygii is yidhi habartan maad is dhaafisid, isagoo taas u meel samaynaya ayuu ku yidhi: ‘’Qamareey ceeb kale ma lihiye mar-mar baan yara boodaa’’ Iyana waxay ku tidhi ‘’Qodaxoow geed kasta in gubtaa wey hoos taalaaye, aniguna mar mar baan Garriiraa’’…waa loo digay geelqaade.
Galab adhigu soo xeroonayay ayuu intuu mindi afweyn la booday ku qayliyey waa boodadaydiiyeey, waa boodadaydiiyeey, markaas buu neefba neefkuu ka shishlaa birta ka aslay, wuxuu is leeyahay waa Islaan xoolo jecele markay ku tidhaa waar adhiga birta iiga daa Iyana mindida geli. Weyse ku fahamtay, oo intay is xajisay ayay aqalka iska gashay, markuu arkay in aanay soo socon ayuu mindidii tuuray oo xagaa isaga dhaqaaqay.
Jab ayay la maagan tahay, neefafkii uu gawracay ayay haraga ka saartay, hilbihii ayay habaysay, habeenkii ayay isagii baruur ka dhargisay. Waa xilli kaliil, markay barqadii tahay ayuu dacar la taahay. Aqal Soomali halkan ah intay jiifisay ayay inta hoose ee aqalkana u fayday si uu laydh yar uga helo meel agtiisa ahna badhyihii neefafka ayay dab u shidatay si ay u shiisho. Isagu waa bastii oo kicid kuma jirto, intay digsi weyn iskugu gaysay wixii subag ka baxay badhiyihii oo ay aad u kululaysay--ayay iska dhigtay wax digsiga kala dul talaabsanaya, markay ku beegan tahayna waxay tidhi ‘’Alla waa Gariiristaydii Alla waa Gariiristaydii. Digsigii subaga ahaa oo bayl ah ayey ku sii daysay, halkaas ayuu ku galbaday xaaji boodaaye geelqaad.
Wiil is waalaaba, waabiso ayaa hesha.
Comments
Post a Comment