Posts

Showing posts from December, 2025

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland: Musmaarkii Ugu Dambeeyay Ee Naxashka Qabyaaladda, Urur-Diimeedyada iyo Afkaaraha Duugoobay

Image
Waxaa la weriyey in Nebi Sulaymaan (CS) uu maalin istaagay isagoo ku tiirsan ushiisii, jinnigii u shaqaynayayna ay si joogto ah ugu hawlanaayeen hawlihii culus ee uu faray. Maalmo—ama bilo—ayay shaqada sii wadeen, iyagoo u haysta in boqorkoodii weli nool yahay, maadaama uu taagnaa oo aanu dhulka ku dhicin. Wax walba way u ekaayeen sidii caadiga ahayd: amarro waa la fulinayay, nidaamkii waa shaqaynayay, awoodduna weli way muuqanaysay. Laakiin xaqiiqdu way ka duwanayd muuqaalka. Quraanku wuxuu inoo sheegayaa in Nebi Sulaymaan (CS) uu mar hore dhintay, balse aan la ogaan ilaa aboor dhulka kasoo baxay uu cunay ushii uu ku tiirsanaa. Markii ay ushu jabtay ayuu dhacay, waxaana markaas uun u caddaatay jinnigii in ay muddo dheer u shaqaynayeen mayd —oo aanay ahayn boqor nool. Haddii ay ogaan lahaayeen xaqiiqadaas hore, ma aysan kusii jireen cadaabka darran. Qisadani ma aha oo keliya mucjiso taariikheed; waa xeer fikir iyo cashar falsafadeed : ·        Wax ...

Marka Sagxadda La Gaaro: Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Fursadda Dib-u-Kaca Qadiyadda Soomaalida

  Soomaalida cayda ugu xun ee ay qof ku caayaan waa: “yuhuudyahow, yuhuudku dhalay.” Waa eray ka dhashay nacayb, shaki, iyo sawir maskaxeed oo si qoto dheer ugu beermay maskaxda bulshada. Dadkii sidaas loo necbaa, loo xaqiri jiray, looguna adeegsan jiray cayda ugu dambaysa ee lagu dhaawaco sharafta qof, ayaa maanta laga dalbaday aqoonsi siyaasadeed. Taasi ma aha is-beddel yar; waa qiyaas taariikheed oo caddeynaysa in qadiyadda Soomaalidu ay gaartay heerkii ugu hooseeyay ee suurtagal ah—sagxadda. Faylasuufyadii iyo culumadii cilmiga bulshada dunida ugu aqoonta badnaa waxay na bareen in marka ummad gaarto sagxadda, aysan jirin meel kale oo ay uga sii hoos dhacdo. Sida uu tilmaamay Georg Wilhelm Friedrich Hegel, taariikhdu waxay u socotaa qaab is-diid ah; hoos-u-dhacu ma aha dhammaad, balse waa marxalad khasab u ah in xal ka sarreeya kii hore la gaaro. Marka is-diidku gaaro xadka ugu dambeeya, wuxuu dhalinayaa waji cusub oo ka duwan labadii hore. Aragtidan waxaa sii xoojinaya Friedr...

Mogadishu Votes Again: A City Once Written Off Reclaims the Ballot

Image
  History does not always arrive with fanfare. Sometimes it arrives quietly — in ink-stained fingers, folded ballot papers, and ordinary people queueing under the watchful eye of history. Today, Mogadishu voted. For the first time since Somalia’s early independence years, residents of the capital city cast ballots to choose their local councillors — an act so normal in most parts of the world that it barely registers as news, yet so extraordinary in Somalia that it carries the emotional weight of generations. This was not merely an election. It was a rebuttal — to war, to exile, to cynicism, and to the long-standing assumption that Mogadishu could never govern itself through the consent of its people. A City Shattered — and Surviving To understand the significance of today, one must understand what Mogadishu has endured. After independence in 1960, Somalia experienced a brief but meaningful democratic period. Municipal governance existed. Citizens voted. Political par...

Muqdisho Oo Mar Kale Codaynaysa: Magaalo Mar La Qoray “Rajo-beel” Oo Dib U Heshay Codkeedii

Image
  Muqdisho Oo Mar Kale Codaynaysa: Magaalo Mar La Qoray “Rajo-beel” Oo Dib U Heshay Codkeedii Taariikhdu mar walba si buuq iyo sawaxan leh kuma timaaddo. Mararka qaarkood waxay ku timaaddaa si aamusnaan ah — faro khad ku daatay, waraaqo cod-bixin oo la laabay, iyo dad caadi ah oo safaf ugu jira cod-bixin, iyaga oo hoos jooga indhaha taariikhda. Maanta, Muqdisho way codeysay. Markii ugu horreysay tan iyo sannadihii hore ee xornimada Soomaaliya, dadka ku nool caasimadda ayaa si toos ah u doortay xildhibaanadooda goleyaasha deegaanka — arrin dunida inteeda kale u ah wax caadi ah oo aan war noqon, balse Soomaaliya u ah dhacdo xambaarsan culays taariikheed iyo xusuus jiilal badan taabanaysa. Tani ma ahayn doorasho keliya. Waxay ahayd jawaab cad — jawaab loo diray dagaal, qax, quus, qabqable iyo fikirkii muddada dheer jiray ee ahaa in Muqdisho aysan waligeed ismaamuli karin iyada oo ku dhisan oggolaanshaha dadkeeda. Magaalo aan waxba loola harin — Haddana Badbaaday Haddii a...