Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland: Musmaarkii Ugu Dambeeyay Ee Naxashka Qabyaaladda, Urur-Diimeedyada iyo Afkaaraha Duugoobay
Waxaa la weriyey in Nebi Sulaymaan (CS) uu maalin istaagay isagoo ku tiirsan ushiisii, jinnigii u shaqaynayayna ay si joogto ah ugu hawlanaayeen hawlihii culus ee uu faray. Maalmo—ama bilo—ayay shaqada sii wadeen, iyagoo u haysta in boqorkoodii weli nool yahay, maadaama uu taagnaa oo aanu dhulka ku dhicin. Wax walba way u ekaayeen sidii caadiga ahayd: amarro waa la fulinayay, nidaamkii waa shaqaynayay, awoodduna weli way muuqanaysay. Laakiin xaqiiqdu way ka duwanayd muuqaalka. Quraanku wuxuu inoo sheegayaa in Nebi Sulaymaan (CS) uu mar hore dhintay, balse aan la ogaan ilaa aboor dhulka kasoo baxay uu cunay ushii uu ku tiirsanaa. Markii ay ushu jabtay ayuu dhacay, waxaana markaas uun u caddaatay jinnigii in ay muddo dheer u shaqaynayeen mayd —oo aanay ahayn boqor nool. Haddii ay ogaan lahaayeen xaqiiqadaas hore, ma aysan kusii jireen cadaabka darran. Qisadani ma aha oo keliya mucjiso taariikheed; waa xeer fikir iyo cashar falsafadeed : · Wax ...