Muqdisho Oo Mar Kale Codaynaysa: Magaalo Mar La Qoray “Rajo-beel” Oo Dib U Heshay Codkeedii

 Muqdisho Oo Mar Kale Codaynaysa: Magaalo Mar La Qoray “Rajo-beel” Oo Dib U Heshay Codkeedii

Taariikhdu mar walba si buuq iyo sawaxan leh kuma timaaddo. Mararka qaarkood waxay ku timaaddaa si aamusnaan ah — faro khad ku daatay, waraaqo cod-bixin oo la laabay, iyo dad caadi ah oo safaf ugu jira cod-bixin, iyaga oo hoos jooga indhaha taariikhda.

Maanta, Muqdisho way codeysay.

Markii ugu horreysay tan iyo sannadihii hore ee xornimada Soomaaliya, dadka ku nool caasimadda ayaa si toos ah u doortay xildhibaanadooda goleyaasha deegaanka — arrin dunida inteeda kale u ah wax caadi ah oo aan war noqon, balse Soomaaliya u ah dhacdo xambaarsan culays taariikheed iyo xusuus jiilal badan taabanaysa.

Tani ma ahayn doorasho keliya.

Waxay ahayd jawaab cad — jawaab loo diray dagaal, qax, quus, qabqable iyo fikirkii muddada dheer jiray ee ahaa in Muqdisho aysan waligeed ismaamuli karin iyada oo ku dhisan oggolaanshaha dadkeeda.

Magaalo aan waxba loola harin — Haddana Badbaaday

Haddii aad doonaysid inaad aragtid mucjisadii oo magaalo ah, eeg Muqdisho.

Haddaba si loo fahmo qiimaha maanta, waa in marka hore la fahmaa waxa Muqdisho soo martay iyadoo giraanta taariikhda dib loo kaxaynayo.

Kadib xornimadii 1960-kii, Soomaaliya waxay gashay waqti gaaban balse macne weyn leh oo dimuqraadiyad ah. Maamullo degmo ayaa jiray. Dadku way codeyn jireen. Xisbiyo siyaasadeed ayaa tartami jiray. Muqdisho waxay ahayd caasimad shaqaynaysa oo jamhuuriyad dhalinyaro ah oo rajo ku noolayd.

Boggaas taariikhda si lama filaan ah ayuu u xirmay 1969-kii, markii afgambi militari uu meesha ka saaray nidaamkii rayidka ahaa. Wixii ka dambeeyayna waxay ahaayeen tobanaan sano oo kali-talisnimo, burbur dowladeed, dagaal sokeeye, iyo kala daadsanaan qaran.

Laga bilaabo 1991-kii, Muqdisho waxay noqotay astaan u taagan dal dawlad la’aan ah. Hoggaamiye-kooxeedyadu waxay magaalada u kala jareen goobo hubaysan. Xaafaduhu waxay noqdeen jasiirado ay kala soocaan xuduudo aan muuqan. Hoobiyayaal ayaa beddelay adeegii dowladeed. Daacadnimada qori ayaa ka qiimo badnayd codka muwaadinka.

Kadibna waxaa ku soo biiray dhaawacyo cusub:

  • dagaallo qabiil oo aan dhammaad lahayn
  • rabshado xagjirnimo
  • qaraxyo is-miidaamin ah
  • dilal qorshaysan
  • faragelinno shisheeye
  • iyo maamullo “ku-meel-gaar ah” oo aan weligood meel gaadhin

Malaayiin Soomaali ah — aniguna aan ku jiro — Muqdisho waxay u noqotay magaalo aan jir ahaan ka tagnay, balse qalbi ahaan weli nala joogta. Magaalo aan meel fog ka jeclaanay, marar badanna ka baqnay inaan xusuusanno.

Dooddihii Ka Dhanka Ahaa Muqdisho

Sannado badan, aragtida caamka ah — gudaha iyo dibaddaba — waxay ahayd mid toos ah:

“Muqdisho aad bay u burburtay si ay u codeyso.”

Kormeerayaal caalami ah waxay shaki ka qabeen amniga. Mucaaradku waxay shaki ka muujiyeen dhexdhexaadnimada. Qaar ka mid ah dawlad-goboleedyaduna waxay gebi ahaanba su’aal geliyeen awoodda caasimadda. Falanqeeyayaashu waxay ku doodeen in dimuqraadiyadda maxalliga ahi ay tahay mid degdeg ah, khatar ah, ama astaan uun ah markay ugu natiijo fiicnaato.

Sanadihii u dambeeyay, niyad-jabkaasi wuu sii kordhay:

  • xiriirro xumaaday oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dawlad-goboleedyada
  • hanjabaado joogto ah oo Al-Shabaab
  • gargaaradii caalamiga ahaa oo sii yaraaday
  • deeq-bixiyeyaasha oo ka daalay arrimaha Soomaaliya
  • iyo dunida oo ka sii jeesanaysa mashaariicda dib-u-dhiska dawladaha

Mar kale ayaa naloo sheegay in Soomaaliya ay tahay “mashruuc aan dhammaystirnayn”.

Haddana — maanta ayaa dhacday.

Doorashadii Ay In Badani Yiraahdeen Ma Dhici Karto

Inkasta oo shaki weyn jiray, Muqdisho waxay qabatay doorashooyin deegaan oo toos ah.

Dadka degan caasimadda waxay u codeeyeen wakiilladooda degmooyinka, taasoo ah markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah in awoodda maamul ee maxalliga ahi — xitaa qayb ahaan — ka timaaddo rabitaanka dadweynaha halkii ay ka ahaan lahayd magacaabis.

Arrintani aad bay u weyn tahay.

Maamulka deegaanka ma aha aragti falsafadeed oo kaliya. Waa nadaafadda, iftiinka waddooyinka, xalinta khilaafaadka, qorshaynta, iyo isla-xisaabtanka. Waa isgoyska ee ku kulmaan dawladda iyo shacabka. Haddii aan si kale u idhaahdo, waa meesha ay dowladdu si toos ah ula kulanto nolosha maalinlaha ah ee dadka.

Muqdisho, oo muddo dheer lagu maamulayay cabsi, xoog, ama amar, doorashadani waxay dib u soo celisay fikrad la ilaaway: matalaad.

Hoggaan Aan Kaamil Ahayn — Laakiin Taariikhi Ah

Ma aha run in hoggaanka hadda jira ee Soomaaliya lagu tilmaamo mid aan wax qalad ah lahayn. Falanqeeye daacad ah sidaas ma oran karo.

Laakiin taariikhdu ma dalbato kaamilnimo; waxay diiwaangelisaa daqiiqado ama ilbiriqsiyo waxqabad ah.

Waxaa laga yaabaa in hoggaamiye bulshada hoggaaminayay in yar uu ka taariikh weynaado mid bulshada hoggaaminayay xilli dheer.

Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud iyo xukuumaddiisa, waxay ku dhiiradeen go’aan siyaasadeed oo khatar weyni ay huwanayd — in la isku dayo wax ay dad badani ka digeen. Khataruhu way jireen. Guuldarraduna si fagaare ah ayay u muuqan kartay daqiiqad walba, iyadoo la eegayo dadka faraha badan ee kasoo horjeeday doorashada.

Hase yeeshee, guul — xitaa mid aan dhammaystirnayn — waxay beddeshaa jihada siyaasadeed.

Doorashadan waa la falanqeyn doonaa, waa la dhaliili doonaa, waa la hubin doonaa, waana la lafa-guri doonaa. Sida ay tahayba. Dimuqraadiyaddu sacab uma baahna; waxay u baahan tahay isla-xisaabtan.

Balse, hal mid waa inay wada qiraan mucaarad iyo muxaafid, shacab iyo madax, taas oo ah: in doorashada Muqdisho ay beddeshay jihada siyaasadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, tobanaan sano ka dib, taariikh-yahannadu waxay xusi doonaan taariikhdan.

Qurbajoogtu Way Daawatay — Wayna Dareentay

Soomaalida ku nool London, Minneapolis, Toronto, Nairobi, Dubai — maanta waxay xambaarsanayd xanuun aamusan.

Waxaan ka tagnay annaga oo carruur ah. Qaxooti ah. Arday ah. Raadinayna meel aan ku badbaadno.

Waxaa naloo sheegay in Soomaaliya ay tahay wax laga gudbo.

Haddana, in badan oo naga mid ah waxay daawadeen Muqdisho oo codeyneysa, waxaanan dareennay wax lama filaan ah: aqoonsi.

Ma ahayn xusuus-xumo. Waxay ahayd xaqiijin — in qurbuhu uusan tirtiri karin lahaanshaha, iyo in dalka nalagu khasbay inaan ka baxno uu weli, si gaabis ah oo xanuun leh, isu ururinayo.

Sababta Ay Doorashadani Muhiim U Tahay Meel Ka Baxsan Muqdisho

Cod-bixintani waxay dirtay farriimo cad oo ku socota:

  • Kooxaha hubeysan: maamulka iyo dawladnimada waa la soo celin karaa iyada oo aan la adeegsan xoog, qarax iyo ismaquulin
  • Kuwa shakiga qaba: caasimaddu ma aha mid weligeed aan la maamuli karin, rafaadka raaxaa ka danbeyn
  • Dawlad-goboleedyada: federaaleyntu waxay ku jiri kartaa muwaadiniinta, ma aha oo keliya mid ka timaadda madaxda (elite-yada)
  • Deeq-bixiyeyaasha: Soomaalidu ma aha dad gargaar uun qaata, waa dad siyaasadda sameeya una tashan kara aayahooda

Tan ugu muhiimsan, waxay farriin u dirtay Soomaalida lafteeda:

Taariikhdu idin kama dhammaan.

Ma’aha Dhammaadka — Ee Waa Bilowga Caadiga

Sidoo kale, ma’aha in maanta la buunbuuniyo. Wado dheer ayaa na sugaysa: Faanoole fari kama qodna.

Hal doorasho ma tirtirto musuqmaasuq, amni-darro, faqri, ama kala-qaybsanaan siyaasadeed. Waddada Muqdisho weli waa dheer tahay, welina waa qalloocan tahay.

Laakiin caadiyeynta waxay ku bilaabataa tallaabooyin yaryar oo si sharci ah loo qaado.

Codeyntu waa mid ka mid ah.

25-ka Diseembar 2025, Muqdisho waxay samaysay wax adduunka intiisa badan caadi u ah, balse iyada u ahaa kacaan — sababtoo ah wuxuu ahaa mid caadi ah.

Way codeysay.

Markaas ayay magaaladii mar la iska qoray u xusuusisay dunida — iyo nafteedaba — in madax-bannaanidu aysan ka bilaaban hadallo ama deeq-bixiyeyaal, balse ay ka bilaabato dad calaamadinaya doorashadooda.

Taariikhdu way xusuusan doontaa.

 

Comments

Popular posts from this blog

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?