Posts

SIR MAQABE ALLOOW SAHAN AH: CAD KANOOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY!

Image
SIR MAQABE ALLOOW SAHAN AH: CAD KANOOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY! HORDHAC Arinka beryahaan qabsaday baraha bulshada Soomaalida ku kulanto ee social media iyo idaacadaha Soomaalidaba waa xariga loo geystay halgamaa Cabdulkariim Muuse (Qalbi-dhagax) iyo wareejintiisa lagu wareejiyay dawladda Ethiopia. Arinkaasoo, dhammaan xanuujiyay quluubta umadda Soomaaliyeed; caruur iyo cirroole, rag iyo dumar, daljoog iyo qurba joog, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ey ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed. Haddaba, waxaan doonayaa inaan marka hore caddeeyo inaan ka xummahay falkaas bahalnimada ah ee muwaadinkaas Soomaaliyeed lagula kacay. Waxaa xusid mudan in la tilmaamo, Qalbi dhagax ma’aheyn muwaadinkii ugu horeeyay ee dawladda Ethiopia loo dhiibay, rag badan ayaa ka horeeyay. Raggaasna waxaa Ethiopia u dhiibi jiray maamul goboleedyo aanan matalin dhammaan shacabka ey xukumaan, iskaba dhaaf dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Laakiin, arinta Qalbi-dhagax waxay kaga duw...
Image
BASAAS IYO QARAN-DUMIS: QISADA BASAASNIMO EE UGU KHATARSANEED DUNIDA Waxay qaadatay wax ka yar qadar daqiiqad ah si loo beddelo moolada sakatuurada iridda hore ee aqalka laga soo galo—kaas oo ku yaalay dabaqa 8aad ee dhismaha 103 Leninsky Prospekt, ee ah dabaq ku yaala magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kaas oo ey degenaayeen basaasyada Midowga Soofiyeed iyo qoysaskooda ee loo yaqaan KGB. Halka laba nin oo xiran gacan-gelis (gloves) iyo dhar ka ilaaliya iney raad aqalka uga tagaan ey baarayeen guriga (protective clothes), laba kale oo farsamayaqaanno ahna waxay gidaarada gadaashooda iyo telefoonka dhexdiisa geliyeen codbaahiye iyo qalab codka duuba. Sidoo kale, waxay layrarka fadhiga, qolka jiifka iyo jikada dhex geliyeen kaamirooyin yar yar oo muuqaalka duuba. Markey howshaan dhammeeyeen, saacad kadib, ma jirin meel aqlka katirsan oo KGB eysan wax ka maqleen ama ka arkeen. Ugu danbeyntii, saraakiishaan ka socotay sirdoonka Midowga Soofiyeed KGB waxay xirteen dha...
Image
SIDEE ILMAHAAGA UGA BADBAADIN KARTAA HAGARDAAMOOYINKA NOLOSHA? Waaalidiinta ma'aha kaliya iney ka fikiraan buuxinta caloosha ilmahooda, balse waa iney ka fikiraan dhisidda, daryeelka ruuxda iyo maanka ilmahooda. Maalin dhoweyd waxaan fiirsaday muuqaal qalbigeyga ku reebay urugo iyo uurkutaalo weyn, si walba oo aan yeelay weli waan ka tirtiri la’ahay qalbigeyga. Waxaan daawaday gabadh dhalinyaro ah oo qurux iyo joog Rabbi ugu deeqay—haddana gacmaha iyo lugaha ka xirxiran oo taala isbitaalka dhimirka ee Muqdisho. Markaan baadigoobay sababta inantaan dhalinyarada ahi u waalatay, waxay hooyadeed sheegtay in gabadheeda ey is jeclaayeen inan, kaas oo kasoo doonay laguna meheriyay. Hooyada oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri; wiilka iyo gabadhayda waxay ku heshiiyeen iney isguursadaan oo aqal yagleelaan; waxayna wada socdeen muddo dheer oo ey u tabaabusheesanayeen dhisidda aqalkooda, annagana waan isku meherinnay. Nasiibwanaag, wiilka ayaa wuxuu helay fursad uu ugu dhoofo dalka dib...