Posts

QISADAYDA

Image
QISADAYDA Waxaa Soomaaliya la iga soo kaxeeyay anigoo caruur ah. Caruurnimadaydii waxaan kusoo dhex koray bulsho ey Soomaalidu ka madhan yihiin. In yar unbaan booqan jiray ama dhexgeli jiray qaraabadayda. Ma aqoon qabiilkayga, balse waxaan aqiinay inaan Soomaali ahay oo qudha—taas oo aan aad ugu faani jiray, anigoo marwalba difaaaci jiray waddankayga gudaha bulshada aan ku dhex noolaa. Waxaan ugu faani jiray in waddankayga Soomaaliya uu qurux badan yahay sida ey hooyadey ii sheegtay. Si kastaba ahaatee, ma aqoon adeeradey iyo habaryaradey, qof walba oo Soomaali ah oo iga weyn oo aan arko waxaan ugu yeeri jiray adeer iyo eeddo, kalamana jecleyn qabiilkooda ama gobolka ey kasoo jeedaan. Aad ayaan u farxi jiray markaan u socdaalo magaalooyinka waa weyn ee dalka aan ku noolahay, sababtoo ah waxaan soo baran jiray shacabkayga—waxaana arki jiray wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo da’dayda ah—aad ayaana ugu farxi jiray. Si kastaba ha ahaatee, markaan weynaaday oo aan jaamacadda bilaab...

PUNTLAND WAA INEY KALA SAARTAA MURANKA XUDUUDAHA IYO DAGAALADA BEELAHA [FAALO]

Image
PUNTLAND WAA INEY KALA SAARTAA MURANKA XUDUUDAHA IYO DAGAALADA BEELAHA [FAALO] Tan iyo markii dhidibada loo taagay maamulka Puntland ee labaatan jirsaday bishaan bilowgeedii, waxaa jiray muran dhanka xuduudaha ah oo kala dhexeeyay dawladda iskeed isku caleema saartay ee Somaliland. Murankaan wuxuu ka taagnaa maamulidda iyo gacan ku haynta labada gobol ee Sool iyo Sanaag, iyo waliba degmada Buuhoodle ee katirsan gobolka Togdheer. Mararka qaar, murankaan wuxuu isku beddelay gacan ka hadal iyo dagaal hubeysan oo fool-ka-fool ah—kaas oo ey ku dhinteen dad badan oo labada dhinac ah. Lagasoo bilaabo 1998kii ilaa 2007kii, goboladaan waxaa gebi ahaanba gacanta ku hayay maamulka Puntland. Dhammaadkii sanadkii 2007kii waxaa goboladaan si aan dhiig ku daadan ula wareegay maamulka Somaliland, iyadoo xuduudooda Bari ey noqotay tuulada Gambarrey. Bilowgii sanadkaan ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu weerar kusoo qaaday degmada Tukaraq halkaas oo ey kula...

TIMIR LAF BAA KU JIRTA!!

Image
TIMIR LAF BAA KU JIRTA!! Astaanka calanka Soomaali Galbeed inuu lahaado astaan Soomaaliyeed waa xaq ee ma'aha xal. Waayo dadka deegaankaas degaa waa Soomaali, waxayna xaq u leeyihiin astaantooda Soomaalinnimo, sida qowmiyadaha kalaba xaq ugu leeyihiin astaantooda. Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u fahmay in dawladda Itoobiya ey axsaan Soomaali u sameynayaan maadaama ey ogolaadeyn calanka Soomaali Galbeed. Fahamkaasna waa mid hooseeya. Haddaba maxaa Itoobiya ku qasbay iney ogolaadaan calanka Soomaali Galbeed? Nin baa hadda kahor tuugo ka dhacday wuxuu hanti lahaa. Maalin maalmaha kamid ah ayaa nimankii tuugada ahaa waxay suuqa ku dhex arkeen ninkey hantida ka dhaceyn oo rafaadsan. Mid tuugadii kamid ahaa ayaa ninkii qado ka bixiyay isagoo ku mana sheeganaya. Laakiin, tuugu wuxuu ilowsan yahay in lacagta uu qadada ugu iibinayo markii horaba uu ninkaan rafaadsan kasoo dhacay. Fasirka kaliya aan u hayo ogolaanshaha Itoobiya ogolaatay calanka Soomaali...

BILOWGA DHAMMAADKA: TRUMP OO GODKIISA BIYO UGU GALEEN!

Image
BILOWGA DHAMMAADKA:  TRUMP OO GODKIISA BIYO UGU GALEEN! Madaxweynaha dalka Mareykanka mudane Donald J Trump ayaa waxaa kusoo furmay mowjado xil-ka-qaadis (impeachment) kadib markii dhowaan ey maxkamad ku taal dalka Mareykanka ku heshay denbiyo laba mas’uul oo kamid ah dadka ugu dhow dhow madaxweyne Trump. Garyaqaan Michael Cohen oo ahaa garyaqaan u gaar ah madaxweyne Trump—muddo dheerna la shaqeynayay ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in xilligii doorashada madaxweynaha Mareykanka uu lacago musuqmaasuq ah siiyay laba haween ah oo ku caan baxay sameynta filimada anshax-xumada lana kala yiraahdo Karen McDougal iyo Stormy Daniels. Garyaqaan Cohen ayaa qirtay inuu dumarkaan siiyay lacago laaluush ah si uu u aamusiyo, lacagahaas oo uu amray madaxweyne Trump. Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii labadan haween ey ku handadeen iney warbaahinta u sheegayaan in madaxweyne Trump la sameeyay gogoldhaaf. Garyaqaanka ayaa arrimahaan daboolka ka qaaday kadib markii loo sheegay ...