WIIL IS WAALAABA WAABISAA HESHA! Haddaad boodo aniguna waan garriiraa ayey ugu jawaabtay. Si uu xayn yaroo adhiya oo ay lahayd u dhaxlo darteed ayuu guur ugu bandhigay, Iyaduna midh iyo laba caruur ah oo xoolahan u hadha bal in ilaahay kaa siiyo ayey ku fikirtay. Waa la isku daneysanayaa. Muddo markey is qabeen, ayuu odaygii is yidhi habartan maad is dhaafisid, isagoo taas u meel samaynaya ayuu ku yidhi: ‘’Qamareey ceeb kale ma lihiye mar-mar baan yara boodaa’’ Iyana waxay ku tidhi ‘’Qodaxoow geed kasta in gubtaa wey hoos taalaaye, aniguna mar mar baan Garriiraa’’…waa loo digay geelqaade. Galab adhigu soo xeroonayay ayuu intuu mindi afweyn la booday ku qayliyey waa boodadaydiiyeey, waa boodadaydiiyeey, markaas buu neefba neefkuu ka shishlaa birta ka aslay, wuxuu is leeyahay waa Islaan xoolo jecele markay ku tidhaa waar adhiga birta iiga daa Iyana mindida geli. Weyse ku fahamtay, oo intay is xajisay ayay aqalka iska gashay, markuu arkay in aanay soo socon ayuu mindidii tuuray oo ...
Posts
MAXAY JIILKA QAXA-KADIB (MILLENNIALS) UGA GAABIYEEN GUURKA?
- Get link
- X
- Other Apps
MAXAY JIILKA QAXA-KADIB (MILLENNIALS) UGA GAABIYEEN GUURKA? Tan iyo maalintii Soomaaliya ey xornimada qaadatay, waxaa u kacay jiilal kala duwan. Jiilkii ugu horreeyay ee 1960-1969kii waxay ahaayeen jiilkii dhaliyay ama ka marag noqday helitaankii xorriyadda dalkeena. Jiilkaas wuxuu ku sifoobay badidiis jiil wadaniyiin ah oo dalka aad u jeclaa. Sababaha sidaas loogu sifeeyayna waxaa lagu sheegaa maadaama ey dhadhamiyeen xanuunka gunnimada iyo gumeysiga xilligii ey dalka xoogga ku heysteen gumeysayaashii reer Yurub. Jiilka xigaa waa jiilkii kacaanka ee sanadihii u dheexyay 1969kii ilaa 1991kii. Jiilkaan wuxuu ahaa jiilkii ugu waxsoo saarka badnaa dad iyo duunyaba jiilashii u kacay Soomaaliya tan iyo markaan xornimada qaadannay. Sidoo kale, wuxuu ahaa jiilkii fursadaha badnaa, sida; fursadaha shaqada, fursadaha waxbarasha, fursadaha tababarka, fursadaha guurka iyo yagleelidda qoys. Waxaa xigay jiilkii qaxa 1977 ilaa 1995kii. Jiilkaan waxaa kaloo lagu magacaabaa “jiilkii lumay” waa ji...
- Get link
- X
- Other Apps
QISADII JULAIYBIIB (ALLAHA KA RAALI NOQDEE)... Wuxuu ahaa saxaabi ku dhashay agagaarka magaalada barakeysan ee Madiinah, sida magaciisa laga dheehan karo, wuxuu ahaa nin aad u gaaban oo tabar yar; waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa nin aad u faqri ah, dhar la xirto wuxuu ka lahaa laba go'. Maalin maalmaha kamid ah Julaiybiib (RA) isagoo la fadhiya rasuulka SCW, ayaa rasuulku ku yiri: "Julaiybiib ma waadan guursaneyn?" Julaiybiib ayaa ku jawaabay; "Rasuulkii Allow oo yaa i guurs anaya?! ama ii guurinaya?!" Rasuulkeena Naxariista badan SCW ayaa yiri: "Julaiybiib anigaa kuu guurinaya". Maalintii xigtay ayaa nin ansaarta kamid ahaa ayaa u yimid Rasuulka SCW; Ninku wuxuu Rasuulka u bandhigay inuu Guursado gabadhiisa, Rasuulka ayaa ku yiri gabadha waan kaa aqbalay; laakiin waxaan u dhisayaa Julaiybiib. Ninkii ayaa yiri maya arinku hadduu sidaa yahay waxaan lasoo tashanayaa gabadha hooyadeed. Gabadha hooyadeed markii loo sheegay in gabadheedu uu rasuu...
MAXAA INALA GUDBOON? TALO & TUSAALEYN
- Get link
- X
- Other Apps
MAXAA INALA GUDBOON? TALO & TUSAALEYN Waxaa muhiim ah inaan isla fahanno dalkeena waa u baahan yahay maalgashi shisheeye (FDI), laakiin su'aashu waxaa weeye maalgashi noocee ah ayaan u baahannahay? Midda kale, anniga waxaan qabaa inaan Itoobiya cadaawad loo qaadin, laakiin taa micnaheeda ma'aha inaan ilowno in Itoobiya tahay cadowga umadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ah. Annigu shaqsiyan dhowr jeer oo hore ayaan kusoo celceliyay inaan Itoobiya la yeelanno xiriir ganacsi -- oo u ogolaanno iney badeecadooda kala soo degaan kana dhoofsadaan dekedaheenna. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxaa weligeed ku jiray iney dhulka Soomaaliya sidey kula wareegtaba ey la wareegto, arrinkaanna waxaa gacan ka siinaya oo hiil iyo hoo la garab taagan dalal waa weyn sida; Mareykanka, Midowga Yurub iyo xataa dalal Muslim ah sida; Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya. Walaaca haatan i galay waxaa keenay Itoobiya oo ku dhowaaqday iney sameysaneyso ciidamo bad, su'aashu waxaa weeye Itoobiya b...
HINAASKA IMAARAADKA XAGGEE SALKA KU HAYAA?
- Get link
- X
- Other Apps
HINAASKA IMAARAADKA XAGGEE SALKA KU HAYAA? Gwadar port oo ku taala dalka Pakistan, waxaa si wadajir ah u dhisay China iyo Pakistan. Waxaa halkaas laga soo daabuli doonaa dhammaan wax soo saarka China, iyadoo lasoo marsiinayo Soomaaliya si looga galo Afrika. Maadaama badda Shiinaha ey dunida ka fog tahay, oo ey waqti dheer ku qaadato in maraakiibta shiinaha ey dunida gaarsiiso badeecadda Shiinaha, sidaas ayey Shiinuhu u maalgashadeen dekedda Gwadar oo si toos ah ugu beegan xeebaha Soomaaliya. Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu dhisay khad tareenku maro oo kasoo baxa magaalooyinka warshadaha Shiinaha, kaas oo toos u gala dekedda Gwadar ee Pakistan. Halkaas waxaa badeecadaha Shiinaha kasoo qaadaya maraakiib oo si dhaqsa ah dunida u geyneysa badeecadda Shiinaha. Waagii hore, badeecadda Shiinaha waxaa lasoo marsiin jiray Dubai Imaaraadka. Maadaama dekedda Dubai ey luuq ku taalo, Shiinuhu wuxuu qorsheenayaa inuu ka guuro Dubai oo Soomaaliya u guuro mustaqbalka dhow — si badeecaddiisa ey dunida ...
JECEYL & CUNSURINIMO: SIDEE JECEYLKAAGA UGU AARGUDI LAHEYD, HADDII XAALADDAAN OO KALE EY KU QABSATO?
- Get link
- X
- Other Apps
August Landmesser wuxuu ahaa askari Jarmal ah oo ka tirsanaa Naasigii Jarmalka (Nazi Germany) uu hoggaaminayay Adolf Hitler. Sandku markuu ahaa 1936kii, iyadoo ey dhoolatus sameenayaan kumanaan katirsan maleeshiyaadkii Naasiga ayaa waxaa soo baxday muuqaal dunida oo dhan caanka ka noqotay, oo aad looga hadlay. Muuqaalku wuxuu muujinayaa August oo gacmuhu u laaban yihiin, xilli ey Naasiyiintu ku guda jiraan salaantooda caanka ah ee halka gacan cirka loo taagayo. August wuxuu Naasiyiinta ku biiray sanadku markuu ahaa 1931kii, laba sanadood kadibna wuxuu caashaqay gabadh Yuhuudiyad ah, laguna magacaabi jiray Irma Eckler. Laba sanadood kadib, sanadku markuu ahaa 1935kii ayuu August doonay jeceylkiisa si uu u guursado. Madaxda Naasiga markey ka warheleen in August uu caashaqay gabadh Yuhuudiyad ah, August waxaa laga eryay xisbiga Naasiga. Waxaas oo dhan August waxaa uga darnaa kadib markii diiwaangelinta guurkiisa ey Naasiyiintu is hortaageen, sababtoo ah waxay Naasiy...
- Get link
- X
- Other Apps
Seddex nin oo xawaalad kawada shaqeynayay baa waxay go'aansadeen inay sirtooda isku qarsadaan oo ay dhibaatada heysato ka wada hadlaan. Ninkii koobaad baa yiri: "aniga dhibkeyga waa LACAG, hadii aan arko lacag meel taalo maba dhaafi karo waan xadaa, xitaa lacagta xawaaladda taallo waan xadaa, ii duceeya saaxiibayaal inaan tuugannimada iska daayo. Ninkii labaad baa lasoo booday: "aniga dhibkeyga waa NAAG, haddaan naag arko maba dhaafi karo ilaa aan shukaansado oo aan qudbo sireysto, dhammaan naagaha xaafaddaan dagan waan la wada shukaansaday, qaar i diida iyo qaar I yeelayba, xaaskeygana ma oga waxaas; haddii ey ogaato caruurta ayey igala tagaysaa. saaxiibayaal, iiduceeya inaan haasaawahabadan ee dumarka daayo, hantidayda oo dhan naag ayaa qabta—xataa caruurtayda waxba meel uma dhigo. Ninkii seddexaad meeshii laga sugaayay inuu dhibka heysto u sheego saaxiibadiis wuxuuba bilaabay oohin, ilaa la aamusiin waayay. Markey waydiiyeen waxa ku dhacayna wuuba sii ooyay wu...